HomeDawladda Koonfurta Sudan oo ku Tilmaantay Dahabshiil Mashiinka Maaliyadda Qaaradda Afrika

Dawladda Koonfurta Sudan oo ku Tilmaantay Dahabshiil Mashiinka Maaliyadda Qaaradda Afrika

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Juba (SLpost)- Wasiirka Maaliyadda ee dalka Koonfurta Sudan Mr. Kosti Manibe Ngai, ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Africa24 ee xaruntiisu tahay dalka Tanzania ku ammaanay Bangiga iyo xawaaladda DAHABSHIIL oo uu ku tilmaamay mucjiso weji cusub u yeelay nidaamkii baananka iyo maaliyadda ee qaaradda Afrika.

Mr. Manibe Ngai wuxuu sheegay in Bangiga iyo Xawaaladda Dahabshiil oo hadda ka shaqeeya dalka Koonfurta Sudan ay isticmaalaan badiba dadka dalkaasi, isla markaana jaaliyadda Koonfurta Sudan ee dunida daafaheeda joogta ay lacagaha u soo mariyaan Xawaaladda Dahabshiil dadka ku nool gudaha koonfurta Sudan.

Waxa kale oo Wasiirku xusay in dawladdiisu hadda ka fiirsanayo in ay siiyan DAHABSHIIL ruqsad ay si rasmi ah gudaha dalka Koonfurta Suudaan uga furtaan Bangi caalami ah oo dawladdu u isticmaasho keydka lacagaha salliidda uga soo xarooda.

south-dahabMr. Manibe Ngai wuxuu tilmaamay in ay muddo daraasadaynayeen qaabka iyo nidaamka uu DAHABSHIIL u adeegto “Waxay nagu noqotay layaab, waxaannan odhan karaa waa mucjisada dhalan-rogay qaabkii hay’adaha maaliyadda Afrika u shaqaynayeen, waana fikir ka soo mudhay maskax caqli badan oo Afrika ah.”

“Maanta waxaynu ka war haynaa in badiba baananka iyo shirkadaha maaliyadda ee Afrika ku shaqeeyaan daymaha iyo lacagaha ay dalalku bixiyaan, laakiin waxaannu la yaabnay markaannu aragnay shariikad ay aasaaseen qoys ka soo jeeda Soomaaliya oo gaadhay heer aan shiling dayn ah lagu lahayn, waxaannu la yaabnay qaabka aaminnada ah ee ay daqiiqado gudahood ugu maareeyaan inay kala xawilaan boqolaal malyuun oo dollar iyadoo aanay jirin  wax khalad ah oo dhacay,” ayuu yidhi Mr. Manibe Ngai.

Wasiirka Maaliyadda Koonfurta Suudaan waxa uu sheegay in dawladdiisu fursad u siin doonto shirkadda DAHABSHIIL sidii ay uga caawin lahayd shirkadaha yaryar ee maaliyadda dalka koonfurta Sudan si ay aqoon uga bartaan, isla markaana ay samayn doonaan qaab ay ku wada shaqaynayaan DAHABSHIIL iyo Bangiga dhexe ee dalka Koonfurta Sudan.

Dalka Koonfurta Sudan oo ah dal curdin ah oo dhawaan madaxbannaanidiisa ka helay Sudan-ta kale, ayaa dadkiisu gaadhayaan 11 Malyuun oo qof, waana dal ku qanni ah shidaalka oo ay sannadkii iibkiisa ka helaan lacag dhan 9.5 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, iyadoo dhawaana la filayo in ceelal cusub oo batrool iyo gaas ah laga qodo dalkaasi.

Bangiga iyo Xawaaladda DAHABSHIIL ayaa ka soo bilaabmay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ka hor muddo hadda 30 sannadood ku dhaw, waxaanna aas-aasay Maxamed Siciid Ducaale, kadibna shirkaddu waxay noqotay hawlbawlaha keliya ee dadka Soomaaliyeed dhaqaaluhu u soo maro 21kii sanno ee ugu dambeeyey.

Dahabshiil oo lagu bilaabay qaabka isku gudbintaq lacagaha dadweynaha, ayaa dhawr sanno ka hor ka helay ruqsadda baananka dalka Jibouti, waana sharikadda Keliya ee Qaaradda Afrika ka diiwangashan, kana hawlgasha ku dhawaan 200 dal oo dunida ah.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in sannadkiiba DAHABSHIIL ay maamusho oo kala xawisho lacago qadarkeedu ku dhaw yahay 1 Bilyan oo dollarka Maraykanka ah, muddada 20-ka sannadood ah ee shirkaddu shaqaynaysay ayaan weli la arag wax cabasho ama khalad weyn oo maaliyadeed.

Dalalka Soomaaliya, Somaliland, Djibouti, Kenya iyo Ethiopia ayaa u isticmaala shirkadda DAHABSHIIL qaab Baan ahaan oo kale, iyadoo dad lagu qiyaasay 3 Malyuun oo Soomaali ahina ay sannad kasta ku xawilaan sanduuq xisaabeedyada shirkadda oo u shaqaysa qaab ka casrisan baananka dhexe ee dalalkaasi lana socota suuqyada sarifka lacagaha dunida.

DAHABSHIIL ayaa ah shirkadda keliya ee asalkeedu yahay Soomaali ee ka diiwangashan hay’adaha FSA (Financial Service Authority) oo maamusha Baananka ugu waaweyn qaaradda Yurub, ahna hay’adda maamulka shariikadaha maaliyadda ee dalka Ingiriiska.

Sicirka xawilaadda lacagta ee shirkadda DAHABSHIIL ayaa shan jeer in ka badan ka yar marka loo eego siciradda shariikadaha tartanka kula jira sida Western Union, Money Gram iyo Speed Cash oo ah shirkad bangiga American Express uu leeyahay, waana taasi ta keentay in malaayiin qof ay ku raaxaystaan sicirka jaban iyo xawilaadda degdega ah.

Haddii shirkadda DAHABSHIIL ka hesho ruqsad dalka Koonfurta Sudan waxay u noqonaysa fursad weyn oo ay ku ballaadhin karto hawlaheeda maaliyadeed, iyadoo u noqon karta udub-dhexaad dal dadkiisu yahay 10 malyuun oo qof oo qani ku ah saliidda.

SOMALILILANDPOST.NET

contact[at]somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories