HomeDawladda Kanada Oo Culays Lagu Saarayo Inay Somaliland Ka Sii Dayso Laba...

Dawladda Kanada Oo Culays Lagu Saarayo Inay Somaliland Ka Sii Dayso Laba Gabdhood Oo Ku Xidhan Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Kanada ayaa cadaadis lagu saarayaa inay dawladda Somaliland ka soo dayso laba hablood oo asal ahaan u dhashay Somaliland balse ku dhashay dalka Kanada oo dhawaan lagu xidhay magaalada Hargeysa.

 

Maymuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo iyaduna ah 23 jir ayaa bishii January ee sannadkan lagu xidhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ka dib markii lagu soo eedeeyay inay isticmaaleen maandooriye, waxaanay maxkamada Hargeysa ku xukuntay 40 jeedal in lagu dhufto gabadhiiba iyo weliba xabsi.

habalah reer canada

Hooyada dhashay mid ka mid ah gabdhahan Fahima Xasan ayaa warbaahinta Kanada u sheegtay in aanay ku qanacsanayn xukunka gabdhaha lagu riday, iyadoo gabdhaha ku tilmaantay kuwo bilaa dambi ah, waxaanay dawladda Kanada ka codsatay inay dawladda Somaliland kala xaajooto sidii loo soo dayn lahaa hablahan oo ay sheegtay inay ku xidhanyihiin qaybta hwaeenka ee saldhiga Koodbuur ee magaalada Hargeysa.

 

Hooyo Fahima waxay wargeyska Global and Mail u sheegtay in labada hablood oo ku dhashay magaalada Ottawa ee dalka Kanada ay ilaa yaraantoodii ahaayeen saaxiibo, waxaanay sheegtay in qoyskooda ka mid ahayd Ms. Karima ka dib markii ay iyadoo yar hooyadeed dhimatay.

 

Qareenka difaacayay haweenkan Mubarik Maxamed ayaa wargeyskan Kanada ka soo baxa u sheegay, inkastoo hablaha lagu eedeeyay inay maandooriye isticmaaleen haddana inaan wax mukhaadaraad ah laga soo helin gurigii laga soo xidhay.

 

Warbaahinta Kanada oo si aad ah wax uga qortay xadhiga hablahan ayaa sheegay inaanay ku guulaysan xidhiidho ay la sameeyeen dawladda Somaliland, waxaanay sheegeen in safaaradda Kanada ee Kenya ay dawladda Somaliland kala xidhiidhay kiiskan labadan hablood.

 

Baraha twitterka ayaa laga sameeyay calaamad u gaar ah hablahan oo lagu dalbanayo in Somaliland culays lagu saaro sidii hablahaas xabsiga looga soo dayn lahaa.

 

XIGASHO: Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories