HomeDawladda Itoobiya oo wax ka beddeshay Qiimaha Fiisayaasha, muddo-na u qabatay Ogolaanshaha...

Dawladda Itoobiya oo wax ka beddeshay Qiimaha Fiisayaasha, muddo-na u qabatay Ogolaanshaha Baasboorkii hore ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ETHIOPIAN FLAGHargeysa (SLpost)- Safaaradda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday wakhtiga rasmi ah ee ay guud ahaanba joojinayso Dal-ku-galkii ay ku bixin jirtay baasaboorkii hore ee Somaliland, ka dib markii dhowaan xukuumaddu soo bandhigtay baasaaboor cusub oo nooca electronic ku shaqeeya ah.

Safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeysa oo dadka u dhashay u fududaysa inay ka qaataan dal-ku-galka (Visa) Itoobiya, ayaa shaacisay inay dhowaan joojinayso inay dalku-ku-galkeeda ku bixiso baasboorkii hore ee Somaliland, wixii ka dambeeyey 31-ka bishan December. Waxa kale oo safaaraddu shaacisay isbeddel lagu sameeyey khidmaddii laga qaadi jiray dadka fiisaha loogu dhufanayo baasaboorradooda.

Madaxa qeybta Qunsuliyadda ee safaarada Itoobiya Mr. Mulugeta Anagaw oo u warramay Wargeyska HIMILO, ayaa sheegay inay muddo dhowr todobaad ah is-bar-bar wadeen bixinta Fiisayaal lagu qaadanayo baasaaboorkii hore ee Somaliland iyo baasaboorka Cusub, balse bilowga sannadka soo socday ay ogolaanayaan oo kaliya baasaabokrka E-Passport, ka dib markii sida uu sheegay Xukuumadda Somaliland ka codsatay inay joojiyaan baasaaboorkii hore.

“Muddo bil iyo badh waxaan isbarbar wadnay inaan fiise ku bixino baasaboorka cusub ee Somaliland E-passport iyo kii hore, sida ay naga codsadeen madaxda Laanta Socdaalka Somaliland.

Laakiin, waxii ka dambeeya 31 bishan December, ma aqbali doono inaan fiise ku bixino baasaboorkii hore ee Somaliland, sida aanu ku heshiinay madaxda Somaliland,” Sidaa ayuu yidhi Mr Anagaw.

Mr. Anagaw waxa kale oo uu ka hadlay qorshe dawladda Itoobiya isbeddel ku samaynayso khidbadihii laga qaadi jiray Dal-ku-galkeeda guud ahaan dadka u socdaalayaa Itoobiya ee dunida dacalladeeda uga kala yimaadda.

Madaxa qeybta Qunsuliyadda Safaarada Itoobiya ee Somaliland Mr. Mulugeta Anagaw, waxa uu sheegay wixii ka bilaabma maalinta Arbacada oo ku beegan 10-ka bishan December la kordhinayo qiimayaasha fiiseyaasheeda kala duwan ee dal-ku-galka ee safaaradaha dalka Itoobiya ku leeyahay guud ahaan caalamka sidan.

“Fiisaha Bisha ah qiimihiisu wuxuu noqonayaa $40 (afartan Dollar), Fiisaha saddex bilood gelitaan keliya (3 Months single entry) wuxuu noqonayaa $60 (lixdan dollar), Fiisaha saddex bilood gelitaan dhowr jeer (3 Months multiple entry) wuxuu noqonayaa $70 (todobaatan dollar),” Sidaas ayuu yidhi Mr Anagaw.

Mr. Anagaw ayaa sheegay in korodhka qiimahii fiisayaasha dalka Itoobiya aanu gaar ku ahayn Somaliland, balse uu yahay mid guud ahaan saamaynaya dalalka adduunka.

XIGASHO: WARGEYSKA HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories