HomeDawladda Itoobiya oo ka hadashay Markabka Hubka sida ee Dekedda Berbera iyo...

Dawladda Itoobiya oo ka hadashay Markabka Hubka sida ee Dekedda Berbera iyo Sarkaal soo indha-dheeya oo ay u dirtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ItoobiyaHargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horeysay ka hadashay Markab dhowaan ku soo xidhay dekedda Berbera, kaas oo xukuumadda Somaliland xannibtay kaddib markii laga helay saanad-milari oo laga shakiyey cidda iska leh.

Markabkan oo maalmihii u dambeeyey ku xannibnaa Dekedda Berbera, xukuumadda Somaliland-na sheegtay inay gacanta ku hayso baadhitaanka cidda iska leh hubka saaran, waxa ay dawladda Itoobiya oo Somaliland iskaashi kala leh dhinaca ammaanka u dirtay sarkaal sare oo ka tirsan Safaaradda Itoobiya ee Hargeysa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan Xafiiskiisu u diray xogogaal u noqoshada xaaladda Markabka ku xidhan dekedda Berbera ee saanadda Milatari lagu qabtay, isaga oo tallaabadaas ku tilmaamay inay qayb ka tahay wada-shaqaynta dhinaca ammaanka ee ay wadaagaan Somaliland.

Berhe Tesfaye oo wargeyska HIMILO wax ka weydiiyey jiritaanka war lagu baahiyey warbaahinta qaarkeed oo lagu sheegay in dawladda Somaliland ay safiirka Itoobiya ka horistaagtay booqasho uu ku tagi lahaa magaalada Berbera, waxa uu sheegay inaanay waxba ka jirin warkaas, balse uu jiro sarkaal ka tirsan xafiiskiisa socdaal ku tagay magaalada Berbera.

“Waxba kama jiraan socdaal aan ku tegay dekedda Berbera oo kuna soo eegayey markabka oo lay diiday, balse waxa jiray sarkaal ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Somaliland oo socdaal ku tegay xog-ogaal u noqoshada arrimaha la xidhiidha markabka iyo waxa saaran,” Sidaas ayuu yidhi Mr Berhe.

Mr. Berhe oo la weydiiyey inay xukuumadda Somaliland ka wada hadaleen arrimaha Markabka iyo ujeeddada socdaalka sarkaalka ku tegay dekedda Berbera waxuu ku jawaabay, “Kamaanu wada-hadal, sabab aan u weydiiyo ma jiro waa hawl xilkeeda ay leedahay Somaliland, haddii arrimo saamayn leh ay qabaan way nala wadaagi karaan,” ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Tegitaanka sarkaalka safaaradda ee dekeda Berbera waxuu ahaa kormeer caadi ah oo xog-ogaal ugu soo noqonayey arrimahaa markabkaa iyo waxa uu sido inaanu cadow lahayn, waana arrin aanu wada shaqeyn ka leenahay xagga amaanka Somaliland.”

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories