HomeDawladda Itoobiya oo ka hadashay Isku-dhac Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyo-beeleed ka...

Dawladda Itoobiya oo ka hadashay Isku-dhac Dhexmaray Ciidanka Qaranka iyo Maleeshiyo-beeleed ka soo duushay Gudaha dalkeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inaanay marnaba oggolaan doonin in gudaha dalkeeda ay ka hawl-galaan Malleeshiyaad ka soo horjeeda Somaliland, waxaanay sheegtay inay baadhayaan weerar dabley hubaysani gudaha dalkeeda kaga soo qaadeen Ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Quljeed ee gobolka Awdal.

itoobiyaCiidanka Qaranka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaan Wabar oo ka tirsan madax-dhaqameedka Awdal, balse ku dhawaaqay inuu ka soo horjeedo Midnimada Somaliland, ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Quljeed ee Gobolka Awdal oo Masaafo aan fogeyn u jirta Xuduudka u dhexeeya labada waddan, waxaanu isku-dhacaasi sababay khasaare soo kala gaadhay labada dhinac iyo shacabka magaalada, iyaga oo kooxda Dableyda ay markii dambe firdhadkii kaga tallaabeen Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Hargeysa Gn. Berhe Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey mowqifka ay dawlad ahaan ka qabaan Malleeshiyaadka gudaha dalkeeda gabboodka ka dhiganaya ee kaga soo duullaya Somaliland, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon dhacdadaas isla markaana aanay xukuumadda Somaliland kala soo xidhiidhin, balse ay dawladdiisu baadhitaan iyo hubin ku samaynayso maleeshiyaadkaas iyo sida ay uga hawl-galaan gudaha Itoobiya.

Mr Tesfaye oo la weydiiyey waxa ay kala socdaan dhacdadan, waxa uu ku jawaabay, “Maan maqlin, wax xidhiidh ahna xukuumada Somaliland nagala soo yeelatay weli ma jirto.

Mar la weydiiyey talaabada xukuumada Itoobiya ee ku aadan maleeshiyaadka hawlgalada ka soo qaadaya gudaha xuduudka Itoobiya, waxuu ku jawaabay, “Ugu horeyn waa inaan hubinaa isla markaana baadhitaan ku samaynaa waxa ay yihiin dadka weerarka soo qaaday, inay yihiin dad taageersan Suldaanka ama cid kale. Falal nabadgelyo-daro ka abuuraya xuduudka aan wadaagno Somaliland cidnaba kama aqbalayno inay samayso, gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa,” ayuu yidhi Jeneraal Tesfaye.

Inta la ogyahay Hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka, ayaa ka dhaawacmay dagaalka, halka Haweenay rayid ahina ku dhaawacantay Rasaasta la iswaydaarsaday. Kooxda weerartay Ciidanka ayaa iyagana laga dhaawacay hal qof, halka hal qof oo kale ay ciidamadu ka qabteen, ka hor intii aanay ciidamadu baaxsan kooxda Dableyda ah oo ka tallaabay Xuduudka Itoobiya.

Dhinaca kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Qaranka oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso, ayaa Himilo u xaqiijiyey inay gacanta kaga hal qof, qofka Rayidka ee dhaawacmay iyo Askariga Ciidanka ka tirsanaana loo soo gudbiyey dhinaca Cusbitaalka magaalada Boorama, halkaasoo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories