HomeDawladda Itoobiya oo Dirqi kaga Badbaadday Duullaan Kooxda Al-Shabaab ku hayso Dalalka...

Dawladda Itoobiya oo Dirqi kaga Badbaadday Duullaan Kooxda Al-Shabaab ku hayso Dalalka iidamadu ka joogaan Soomaaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Booliska Federaalka iyo kuwa la-dagaalanka Argagaxisada ee Dawladda Itoobiya, ayaa fashiliyey isla markaana gacanta ku dhigayNin Soomaali ah oo damacsanaa inuu weerar is-miidaamin ah ka fuliyo gudaha magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalkaas.

Ethiopian Federal Police UnitSida lagu baahiyey wargeyska Walta oo soo xignaya masuul ka tirsan hay’adaha ammaanka Itoobiya, ninka gacanta lagu sheegay oo qirtay inuu ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab oo xeryahooda Soomaaliya ku yaala lagu soo tabobaray, ayaa qorshaynayey weerarro argagaxiso oo uu damacsanaa inuu ka fuliyo Itoobiya.

Dawladda Itoobiya, ayaa ka mid ah waddamada Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee hoos-taga hawl-gallada xooggaga AMISOM ee nabad-ilaalinta u jooga dalkaas.

Maleeshiyaadka Al Shabaab oo muddooyinkii u dambeeyey ku hanjabayey weerarro ka geysan doonaan dhamaan waddamada ciidamo ka joogaan Soomaaliya, ayaa hore ugu guulaystay inay weerarro is-miidaan ah ka fuliyaan dalalka Kenya, Yugandha, iyo Jabuuti oo dhammaantood ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sannadkii hore, laba qof ooSoomaali ah ayaa ku dhintay miinooyin ay damacsanaayeen inay qaraxyo kaga fuliyaan garoonka ciyaaraha Addis Ababa oo lagu qabanaya Kulan ka mid tartanka Koobta Qaramada Afrika oo ku wada ciyaarayeen xulalka dalalka Itoobiya iyo Nayjeeriya, waxaanay dhacdadaasi keentay in shan Soomaali ah loo xidho.

Sida ay baahiysay WALTA, Ciidamada Ammaanka ee magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inay xiddidada u saareen gabbood xubnod ka tirsan Al-shabaab ku lahaayeen magaalada Addis Ababa, waxaanay shacabka magaalada ugu baaqeen inay feejignaadaan, isla markaana ay degdeg ula socodsiiyaan waxii ay ka shakiyaan ciidamada ammaanka.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories