HomeDawladda Itoobiya oo ballan-qaadday Cashuur-dhimis ay u samaynayso Badeecadaha Somaliland lagu farsameeyo...

Dawladda Itoobiya oo ballan-qaadday Cashuur-dhimis ay u samaynayso Badeecadaha Somaliland lagu farsameeyo ee Dalkiisa loo Iib-geeyo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa kulan todobaadkan dhexmaray masuuliyiin labada dhinac ka socday is-afgarad rasmi ah ka gaadhay heshiis khuseeya xidhiidhka ganacsi ee labada dal ka dhexeeya.

Sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay safaaradda Itoobiya ee Hargeysa, Xubno Wasiirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland, ayaa maalintii Isniinta ee todobaadkan kulan gaar ah kula yeeshay xarunta Safaaradda Itoobiya ku leedahay Hargeysa dibloomasiiyiin uu ka mid ah yahay safiirka dalkaas u fadhiya Hargeysa Brigader General Berhe Tesfay, waxaana kulankaas lagu go’aamiyey dariiqa ugu haboon ee labada wadan u wadaagi lahaayeen xidhiidh iskaashi oo dhinaca ganacsiga ah.

ethiopiaKulankan oo dhinaca Somaliland ay uga qayb-galeen Guddi Afar Wasiir ah, ayaa ka dambeeyey hakad hore xukuumaddu ugu soo rogtay badeecado ay leeyihiin ganacsatada Itoobiyaanka ee Transit-ka uga gudbi jiray dalka, iyada oo sababta xukuumaddu talladaas u samaysay ahayd in labada dawladooda is-afgarad buuxa ka yeeshaan arrintan.

Safiirka Itoobiya ee Somaliland Brig Gen. Berhe tesfay oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay in abuuritaanka Somaliland ee guddidan wasiiradu tilmaamayso siday uga go’an tahay xal ka gaadhida caqabad kasta oo ka hortimaada iskaashiga labada wadan, isla markaana dalkiisu diyaar u yahay in badeecadaha lagu sameeyo Somaliland ku galaan suuqyada dalkiisa cashuurta ugu yar.

General Tesfay waxa uu sheegay in amaanka, ganacsiga, Transit-ka iyo kaabayaashu yihiin dhinacyada ugu muhiimsan iskaashiga labada wadan, balse sidoo kale xukuumadiisu ka dheregsan tahay muhiimada ay u leedahay isticmaalkooda dekeda Berbera, una qorshaysan tahay in boqolkiiba 30 badeecadahooda ganacsiga soo u wareejin doonaan dekeda Berbera marka la horumariyo adeegyadeeda. isla markaana labada wadan iskaashi ka yeelan doonaan u helitaanka maalgashi caalami ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay sida xukuumadda Somaliland u soo dhoweynayso iskaashi khuseeya dhinacyada ammaanka, ganacsiga, siyaasadda oo dhexmara Itoobiya, isla markaana wasaaradiisu diyaar u tahay sidii iskaashigaasi loo horimarin lahaa.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland oo ka hadlayey muhiimadda xidhiidhka Ganacsiga, ayaa iftiimiyey sida ay daruuriga u tahay in Ganacsi isu-dheeli tiran uu dhexmaro labada waddan, xukuumad ahaanna ay u diyaar u yihiin horumarinta kaabayaasha Dekedda iyo Waddooyinka marinka u ah badeecadaha laga leeyahay dalka Itoobiya oo uu sheegay inay kala kaashan doonaan.

Guddiga Wasiirrada ah ee Xukuumadda Somaliland u xil-saartay arrintan iyo masuuliyiinta Dawladda Itoobiya, ayaa u ballamay kulamo dambe oo labada dhinac ku sii amba-qaadayaan sidii loo hirgelin lahaa qorshahan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories