HomeDawladda Itoobiya oo 16 gaadhi raashin deeq ah kaga qayb-qaadatay Taakuleynta Abaaraha...

Dawladda Itoobiya oo 16 gaadhi raashin deeq ah kaga qayb-qaadatay Taakuleynta Abaaraha ka jira Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jigjiga (SLpost)- Dawlada Somaliland ayaa maanta la wareegtay deeq Raashin loogu tallogalay dadka abaarahu waxyeeleeyeen ee gobolada dalka oo Dawlada Federaalka Itoobiya bixisay kana koobnayd 16 gawaadhida nooca is-jiidka ah magaalo-xuduudeedka Tog-Wajaale.

Raashinkan oo ka koobnaa laba iyo todobaatan kun Ton oo cuntooyin nafaqaysan ah, saddex kun Ton oo sareen iyo daqiiq ah, laba kun Ton bariis ah, boqol Ton buskut nafaqo ah, Bariis, Caano, Daqiiq iyo noocyada kale raashinkan, oo  wax weyn ka tari doonta taageerada xukuumada Somaliland iyo Guddiga Heer-Qaran ee taakulaynta Abaarahu u fidinayaan bulshada abaarahu saameeyeen ee gobolada dalka ayuu magaalada Tog-wajaale masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland, Guddiga heer-qaran ee Taakulaynta Abaaraha iyo guddiga heer-gobol ee Gebilay ku wareejiyey Mr. Ageze Amelo, madaxa qeybta ganacsiga ee Safaarada Itoobiya ku leedahay caasimada Hargeysa.

ItoobiyaMr. Ageze Amelo, oo xafladii wareejinta deeqda xukuumadiisa Itoobiya ka hadlay ayaa sheegay in wadankiisu marwalba dhinac-taagan yahay walaalahooda Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa,

“Itoobiya mar walba waxay garab-taagan tahay Somaliland, xilliyadda adag, iyo marka caqabadahu la soo gudboonaadaan.xidhiidhkan aan wadaagno Somaliland waa mid qoto-dheer oo cad,”

Wasiiru-dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibedda Mr. Muxumed Maxile Boqore oo ka hadlay ayaa yidhi,

“Anigoo ka wakiil ah xukuumada Somaliland, madaxweynaha JSL iyo Madaxweyne-xigeenka, halkan waxaan kula wareegayaan deeq ay innagu caawiyeen walaalaheena Itoobiya.

Mr. Maxile Boqore ayaa sheegay in shacabka labada wadan isku dad yihiin, waxaanu yidhi,

“Isku dad ayeynu nahay waa tan shacabku labada dhinacba degan yihiin, mar walbana, waxyaabo badan ayaa innaga dhexeeya Itoobiya, hadday tahay dhinaca iskaashiga amaanka, ganacsiga, iskaashi badan ayaa innaga dhexeeya.

Xafladii wareejinta deeqda xukuumada Itoobiya ee manta oo masuuliyiinta heer-qaran iyo heer gobo lee Taakulaynta Abaaraha iyo Madax-dhaqameed ka hadleen ayaa dhamaantood soo dhoweeyeen, isla markaana tilmaameen inay muujinayso xidhiidhka labada wadan iyo labada shacab ee Somaliland iyo Itoobiya ka dhexeeya.

La-taliyaha Madaxwaynaha DDSI ee Xuquuqal-Insaanka iyo Xidhiidhka Hay’adaha Caalamiga ahna Wasiir-xigeenka Xafiiska ka hortaga iyo udiyaar-garowga Masiibooyinka DDSI Mudane Anwar Cali oo ka hadlay markii deeqdu ka soo dhaqaaqday magaalada Jigjiga ayaa yidhi,

“Deeqdan oo ka timi Dawlada Federaalka Itoobiya ayaa loogu tallo-galay abaaraha ka jira wadanka jaarkeena ee ah ee Somaliland, taasoo ka turjumaysa sida xukuumada dhexe Itoobiya xog-ogaalka ugu tahay saamaynta abaarahu ay keentay isbedelka cimiladu ku yeesheen Somaliland.”

Deeqdan xukuumada Dhexe ee Itoobiya  ku wareejisay Somaliland oo hore dedaal balaadhan u galay helitaankeeda safiirka Dawlada Federaalka Itoobiya  u fadhiya Somaliland Brg Gen Mr. Berhe Tesfay, isla markaana ah markii labaad ee dalka Itoobiya deeq raashin dhinaca abaaraha ku caawiyaan Somaliland ayaa la filayaa inay kor u qaadi doonta xidhiidhka labada wadan iyo labada  wax weyna ka tari doonto baahiyaad badan oo ay tabayeen shacabka gobolada dalka ee abaarahu saameeyeen.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories