HomeDawladda Israel oo Guul-darradii Koobka Adduunka ku Aflagaadaysay Brazil oo Cawda u...

Dawladda Israel oo Guul-darradii Koobka Adduunka ku Aflagaadaysay Brazil oo Cawda u jartay Xidhiidhkii Dibloosiyadeed ee ka dhexeeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Jawaabta Israel waxa ay si dhammaystiran u waafaqsan tahay Shuruucda Caalami ah. Tani maaha Kubaddii Cagta. Kubadda Cagta, marka ay ciyaartu ku dhammaato barbarro, waxaad u malaynaysaa inay laysku barbar-dhacay, laakiin marka ay ku dhammaato 7-1, waa wax aan isu qalmin. Waan ka xumahay inaan sidaas yidhaahdo, laakiin kama mid aha kumana jirto nolosha caadiga ah iyo xeerarka Caalamiga ah,” – Yigal Palmor, afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha 

blankLondon (SLpost)- Dawladda Israel, ayaa aflaaddo iyo weedho Xanaf-siyaaseed xambaarsan kaga jawaab-celisay go’aan waddamo Brazil Brazil ka mid tahay xidhiidhka dubloomaasiyadeed ugu jareen dalka Yuhuudda xad-gudubyada bani’aadamka ka dhanka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza ee dhulka Falastiiniyiinta awgeed.

Dawladda Brazil maalintii Arbacada ka soo baxay wasaaradeeda Arrimaha Gudaha, waxa ay ku cambaareysay wax ay ugu yeedhay Xasuuq aan loo miidaan-dayeyn ee Israel ka waddo marinta Gaza, waxaanay si deg-deg ah ugu yeedhatay Safiirkii ka joogay magaalada Tel Aviv si wax looga weydiiyo talooyin ku saabsan hawl-galka ka socda Marinka Gaza. Brazil ayaa noqonaysa waddankii labaad ee safiirkooda kala baxa dalka Israel, waxaana ka horeeyey dalka Ecuador oo todobaadkii hore safiirkooda ku amray inuu isaga baxa magaalada Tel Aviv. Labadan waddanka, ayaa ku wada-yaala Qaaradda Latin Amerika.

“Brazil waa waddan aanu saaxiibbo nahay, laakiin sida ay wax u eegeen maaha mid dheelli-tiran,” sidaa waxa yidhi Qunsulka dawladda Israel u fadhiya magaalada Sao Paulo ee Brazil, isaga oo intaas ku daray in Israel xaq u leedahay inay dalkeeda ka difaacdo kumanaanka Gantaal ee kaga imanaya Dhulka Falastiiniyiinta. Sidoo kale, Afhayeenka u hadlay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel, ayaa weedho xanaf leh dawladda Brazil ka xanaaqday ku sheegay in tallaabadaasi ka mid ah nasiib-darrooyinka siyaasadeed ee soo waajahay Brazil ka dib guul-darradii ka qabsatay Tartankii koobka Adduunka.

“Tani waa dareen nasiib-darro ah oo tilmaamaya sababta Brazil oo dhaqaale ahaan iyo dhaqaale ahaanba meel weyn kaga jirta adduunka, ay dibloomasiyaddoodu sidan u curyaansan tahay. Arrinta ku kalliftay inay Brazil ku kacdo tallaabadan, waxay na tustay inaanay sii ahaan karin saaxiib dibloomasiyadda aanu iska kaashano, waayo waxay abuurayaan dhibaato halkii ay xalka ka baadi-dooni lahaayeen,” sidaa waxa yidhi Yigal Palmor, afhayeenka u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel.

“Jawaabta Israel waxa ay si dhammaystiran u waafaqsan tahay Shuruucda Caalami ah. Tani maaha Kubaddii Cagta. Kubadda Cagta, marka ay ciyaartu ku dhammaato barbarro, waxaad u malaynaysaa inay laysku barbar-dhacay, laakiin marka ay ku dhammaato 7-1, waa wax aan isu qalmin. Waan ka xumahay inaan sidaas yidhaahdo, laakiin kama mid aha kumana jirto nolosha caadiga ah iyo xeerarka Caalamiga ah,” ayuu yidhi Mr Palmor oo la hadlayey warbaahinta Brazil, isaga oo markaas uga jeeda guul-darradii Xulka Brazil ka soo gaadhay Koobka Adduunka.

brazil world cup dwarfAflagaaddada Israel, waxa ka jawaabay wasiirka Arrimaha Dibadda ee Brazil, Luiz Alberto Figueiredo.

“Waxaanu ka mid nahay 11 waddan oo xidhiidho dibloomasiyadeed la leh dhammaan waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, waxaananu leenahay oo taariikhda noo galay inaanu iskaashi kala samaynayo Nabadda iyo Arrimaha Caalamiga ah ee lagu hirgeliyo nabadda,” ayuu yidhi Mr Figueired. Isaga oo intaas ku daray, “Haddii ay jirto Nusqaan dhinaca dibloomaasiyadda ah, Brazil kama mid ah kuwaas.”

Dalka Brazil, ayaa ka mid ah meelaha ugu badan Caalamka ee ay ku dhaqan yihiin ugu badan ee Jaaliyadda Yuhuudda, ayaa xidhiidh taariikhi ah oo wanaagsan la lahaa Israel, haseyeeshee waxa xidhiidhnaa dhaawac u geystay go’aan ay dawladda Brazil sannadkii 2010 ku aqoonsatay Dalka Falastiin. Brazil, ayaa ka mid ahayd 29 waddan oo Golaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay ugu codeeyey Qaraar oggolaanaya in baadhis lagu sameeyo eedo dawladda Israel loogu jeediyey in ciidamadeeda Marinka Gaza ka geysteen gabbood-fallo ka dhan ah xuquuqda bai’aadamka duqeymaha ay ku xasuuqday Shacabka Falastiin.

XIGASHO: Codkahargeysa.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories