HomeDawladda Ingiriiska oo soo saartay Digniin ku socota Rakaabka Diyaaradaha u...

Dawladda Ingiriiska oo soo saartay Digniin ku socota Rakaabka Diyaaradaha u safraya dalkooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa gebi ahaan rakaabka diyaaraha ka dhoofaya iyo kuwa caga-dhiganaya garoomadooda uga digay inay bakhtiyaan telefoonnada gacan iyo qalabka kale ee korontada ku shaqeeya.

Wasiirka Gaadiidka Britian, Patrick McLoughlin  ayaa shaaca ka qaaday inaan rakaabka diyaaradaha loo ogolaan doonin inay diyaaradaha la raacaan telefoonno aan shaqeynayn, sababo dhinaca amaanka awgeed, isla markaana si xooggan looga hubin doono duulimaadyada isaga dhex-goosha dalkaas iyo waddamada Bariga Dhexe iyo Afrika, sida lagu ogaaday warar hoose oo sirdoonka Maraykunku kaga digay weeraro argigixiso oo la qorshaynayo.

UK earoplaneNidaam baadhitaan cusub oo lagu soo rogay rakaabka diyaaraha soo gelaya ama ka baxaya dalka Ingiriiska ayey ku jiraan inay dadku caddeyaan in mobilada, komputerada iyo qalabkooda korontadu ku shaqeeyaa ay dhammaantood shidnaadaan ka hor intaan loo ogolaan inay la raacaan diyaaradaha.

Wasiirka gaadiidka Ingiriiska ayaa sheegay in hubinta mobilada iyo qalabka kale ee electronic ku gaar yihiin rakaabka u kala gooshaya Ingiriiska iyo Maraykanka, loona adeegsan doono rakaabka dariiqyo aan la shaacin uga soo socdaala Ingiriiska.

“Xaqiiqdii hubintu waxay saamayn doontaa duulimaadyada ka yimaada ama u socda Barriga Dhexe iyo qeybo ka mid ah Bariga Afrika oo goobo dalxiis loo tago ku yaalaan,” ayuu sheegay McLoughlin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories