HomeDawladda Ingiriiska oo Somaliland ugu baaqday Hannaan Doorashooyin oo Lagu Kalsoon yahay

Dawladda Ingiriiska oo Somaliland ugu baaqday Hannaan Doorashooyin oo Lagu Kalsoon yahay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

british-flagDawladda Britain oo jawaabo ka bixisay su’aalo kala duwan oo laga weydiiyey qaddiyadda Somaliland, doorashooyinka iyo macaamilka ay la leeyihiin Madaxweyne Siilaanyo

LONDON (SLpost)- Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa ku dhiirrigelisay dawladda Jamhuuriyadda Somaliland in guddiga cusub ee doorashooyinka loo magacaabo xubno daacad ah, laguna wada kalsoon yahay si doorashada madaxtooyada ee sannadka 2015 u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Sida lagu baahiyey shabakadda wararka ee Medeshi online news, waxa dawladda Ingiriisku shaacisay inay aqoonsan tahay hannaanka doorashooyinka Somaliland iyo murrashaxiinta madaxtinimo ee ku guulaysta doorashooyinkaas.

Su’aalo kala duwan oo arrimaha Somaliland laga weydiiyey xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka ee UK, ayaa waxa su’aalahaas ka jawaabay waaxda Somaliland u qaabilsan dawladda Ingiriiska oo la yidhaa Somaliland Desk.

Su’aalaha la weydiiyey waxa ka mid ah; ‘Dawladda UK ma aqoonsan tahay in doorashooyinka ka dhaca Somaliland ay yihiin kuwo xor iyo xalaal ah? Sidoo kale, dawladdiinnu ma aqoonsan tahay natiijada doorashooyinkaas ka soo baxa iyo cidda ku guulaystaa inay yihiin sharci wakiil ka ah shacabka iyo dawladda Jamhuuriyadda Somaliland?

Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Barwaaqo-sooranka Ingiriiska oo su’aashaas ka jawaabayey waxa uu yidhi; “Boqortooyada Ingiriiska way aqoonsan tahay tallaabooyinka fiican ee Somaliland u qaadday dhinaca dimoqraadiyadaynta tobankii sanno ee la soo dhaafay. Ilaa sannadkii 2003 waxa Somaliland qabatay laba doorasho madaxtooyo, mid Golaha Wakiillada ah iyo doorashada golayaasha degaanka. Waannu soo dhawaynaynaa doorashooyinkaas oo ah tallaabo horumar ah oo Somaliland u qaadday dhinaca ka qaybqaadasha siyaasadda iyo horumarka.

Dawladda Boqortooyada Ingiriisku way aqoonsatay in Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dhacday sannadkii 2010, xidhiidh aad u xooggan ayaanuna la leenahay Madaxweyne Siilaanyo.

Dawladda Ingiriisku way sii wadaysaa inay la shaqayso Somaliland, iyadoo ku dhiirrigelinaysa in la sameeyo komishan doorasho iyo hannaan doorashooyin oo daacadnimo iyo madaxbannaani buuxda haysta si doorashada madaxtooyada ee sannadka 2015 u noqoto mid xor iyo xalaal ah.”

Sidoo kale, su’aalaha kale ee shabakadda Medeshi weydiisay iyo jawaabaha dawladda Britain ka bixisay waxay u dhaceen sidan:

Medeshi: Dawladda Ingiriisku ma haysaa wax qorshe ah oo ay ku aqoonsanayso Jamhuuriyadda Somaliland oo aan hadda wax aqoonsi ah ka helin caalamka?

UK: Siyaasadayada Soomaaaliya waa mid cad. Somaliland ma aha dal weli wax aqoonsi ah ka helay dalalka adduunka oo ay ku jirto Boqortooyada Ingiriiska, sidoo kalena beesha caalamka iyo Qarammada Midoobay wax aqoonsi ah kamay helin. Siyaasadayadu waxa weeye in dadka Soomaalidu dhexdooda go’aan ka gaadhaan aayahooda dambe iyo xidhiidhkooda mustaqbalka waxa uu noqon doono, arrintaasina waa inay hormuud ka noqdaan dalalka ay jaarka yihiin oo ugu horreeyaan aqoonsiga waxa Soomaalidu ku heshiiso.

Shirkii London ee qabsoomay bishii February ee 2012, waxa uu aqoonsaday baahida loo qabo in beesha caalamku ka taageerto sidii Somaliland iyo Soomaali wadahadal u yeelan lahaayeen si ay go’aan uga gaadhaaan xidhiidhkooda mustaqbalka. Dawladdii ku-meel-gaadhka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland waxa ay markii u horraysay ku kulmeen shirkii Chevening ee dalka Ingiriiska bishii June 2012, waxayna ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimaha khuseeya danaha ay wadaagaan. Soomaaliya iyo Somaliland waxay wadahadallo ku yeesheen dalka Turkiga, waxaanan soo dhawaynaynaa wadahadalkaas Turkigu hormuud ka yahay ee Somaliland iyo Soomaaliya, annagoo diyaar u ah in aannu wixii taageero iyo caawimiyo ah ka gaysanno wadahadalkaas Somaliland iyo Soomaaaliya.

Medeshi: Waa sidee xidhiidhka diblomaaasiyadeed ee hadda u dhexeeya Somaliland iyo UK?

UK: Xidhiidh dhow ayaannu la leenahay maamulka Somaliland. Wasiirrada Somaliland ka socda si joogto ah ayey kulamo ula yeeshaan masuuliyiinka Ingiriiska, gudaha dalka UK iyo wakiillada noo jooga Gobolka Geeska Afrikaba, iyagoo ka wada xaajooda arrimo kala duwan oo ballaadhan, lana xidhiidha xaaladaha jira oo dhan.

Dawladda UK waxay si rasmi ah xafiis uga furatay Hargeysa 3 September 2012, kaasoo la shaqeeya Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo doonaya inuu Hargeysa iyo Muqdisho wakiillo joogto ah ku yeesho. Xafiiska aannu ka furannay Hargeysa waxa uu awooddaa inuu fududeeyo in madaxda iyo masuuliyiinta Ingiriisku muddo joogi karaan Hargeysa si ay hawlo diblomaasiyadeed uga qabtaan Somaliland.

Medeshi: Heshiisyo iyo waxyaabo sharciga khuseeya, gaar ahaan is-fahamyada guud qaabkee ayaad ula gashaan Jamhuuriyadda Somaliland?

UK: Somaliland heshiisyo dhinaca is-fahamka guud ah waannu la galnaa. Arrimaha aannu heshiiska ka gaadhnay waxa ka mid ah in muwaaddiniinta reer Somaliland ee aan sharciga qaadan dib loogu celiyo dalkooda, kaasoo la galay sannadkii 2007. Waxa kaloo jira qaar dhinaca mashaariicda iyo horumarka ah oo ay ka mid yihiin; ammaanka madaarrada duullimaadyada. Sidoo kale, waxa aannu galnay annagoo dawladda Denmark la kaashanayna in aannu taageerno Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, kaasoo fududdayn doona dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta adeegyada maamulka maaliyadda oo ku salaysan qorshaha horumarka Somaliland.

@Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories