HomeDawladda Ingiriiska oo Shaacisay Nuxurka qodobbada Shirka Soomaaliya loogu Qabanayo Dalkaas iyo...

Dawladda Ingiriiska oo Shaacisay Nuxurka qodobbada Shirka Soomaaliya loogu Qabanayo Dalkaas iyo Xukuumadda Somaliland oo aan weli ka hadal Mawqifkeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee UK, ayaa shaaciyey habka iyo qodobada uu ku salaysanyahay shirka Somaliya loogu qabanayo London bisha May todobadeeda.

Shirkan ayaa ah mid ay si wada jir ah u shirgudoomindoonan labada dowladood ee Somaliya iyo UK, Qodobada shirkan lagaga hadlidoono ayaan guud ahaanba waxba ka khusaynin Somaliland, maadama shirkani yahay mid diirada lagu saaaryo sidii loo garab istaagi lahaa dowlada cusub ee Somaliyi sidii ay cagaheeda ugu istaagilahayd ee ay u dhisan lahayd ciidan meleteri, boolis, ciidanka badaha, maxkmado cadaaladeed iyo ilaha ilaalinta dhaqalaha.

UK foreign ministryShirka Somaliya ee May 2013

Warbixintu waxa lagu sheegay in  UK iyo Somalia ku heshiiyeen in si wada jir ah Somalia shir loogu qabto 7th May 2013. Ujeedada shirkan laga leeyahayna tahay in Dowlada Somaliya loo helo taageero caalamiya loogu wax-ka-qabashada baahiyaheeda ugu muhiinsan ee dhanka dibu dhiska dalka si ay cagaheeda ugu istaagto.

1. Waa maxay ujeedada shirkan laga rabo inay ka soo baxaan

Shirkana waxa loogu talo galay inay Dowalada Somalida ka caawiso sidii ay u meel marin lahayd qodobada ugu muhiinsan inay wax ka qabato ee la calaamadiyey sida dibu dhiska ciidankeeda meleteriga, booliska, ciidmada bada, maxkamadaha iyo cadaalada iyo hayadaha ku shaqad leh dhinaca ilaalinta dhaqaalaha.

2. Waa maxay sababta keentay in xiligan shir caalamiya loo qabto Somaliya

Sababtan keentay in hada shirkale loo qabto somaliya ayaa ka danbaysay ka dib markii somaliyi yeelatay baarlaman ay soo xuleen odayaasha dhaqanku isla markaasna ay doorteen madaxweyne cusub sidaas darteed somaliyi waxay yeelatay dowlad sax oo sharci ah marka loo eego dowladahii ka horeeyay ee mudadii la soo dhaafay la soo dooranayey, dhinaca kale waxa laga awood roonaday kooxdii argagaxisada ahayd ee al shabaab oo inta badan laga saaray magaalooyinka waaweeyn ee Somaliya. Waxaana dhiirigelin gashay dadkii qurbojooga ahaa oo dalkii ku soo laabanaya. Isbedelkii dhacay sanadkii la soo dhaafay waxay kor u qaaday fursada dibudhiska nabadgelyada iyo deganaanshaha, isla markaasna dowlada Somalida ayaa codsatay in laga taageero sidii ay u meelmarin lahayd qodobada ugu horeeya ee ugu muhiimsan inay wax ka qabato.

3. Yaa ka soo qaybgelaya shirka?

Shirka waxa ka soo qaybgelidoona qaar badan oo ka mid ah wadamada jaarka ah iyo kuwa gobolkaba, iyo wadamada caalamka ahba. Haseyeeshee UK iyo Dowlada Somaliya ayaa ka heshiindoona cida lagu soo casuumidoono inay ka qaybqaataan shirkan.

4. Qurbojooga Somalida ee UK shirka ma ka qaybgelayaan

Somalida qurbojooga ah waxay had iyo jeer qayblibaax ka qaataan horumarinta iyo dibudhiska dalkooda, sanado badan somalida aduunka ku kala nooli waxay u direen dalkooda lacag xataa ka badan lacagaha aduunka iyo hayadahu ku caawiyaan Somaliya. Markaa maadama UK ay dowlada somaliya shir si wada jir ah u soo diyaarinayaan, dowlada UK aad ayay u danaynaysaa in taladooda la maqlo qurbojooga u diyaarka ah inay sii wadaan inay wax ka qabtaan dalkooda, sidaas darteed waan la xidhiidhidoona sidii aanu u helilahayn jaaniskooda markuu shirku soo dhowaado.

5. Shirkani ma yahay mid runt ahaantii lagu caawinayo dadka Somalida

Shirkani waa mid caawindoona dadka somalida sababtoo ah wuxuu noqonayaa mid aduunka oo dhan ku xidha oo ay dabada ka riixaan dowlada somaliya sidii ay u hirgelinlahayd hindisaheega ugu muhiimsan ee inay wax ka qabato dibu dhiska ciidanka meletriga iyo booliska, ciidamda badaha, cadaalada iyo dhisida ilaalinta handitda ummada. Sidaas darteed aduunweynahu wuxuu diyaar u yahay inuu taageero dowlada Somalida maadama ay bilowday inay wax ka qabato waxyaabahii keenayey degaanaan la,aanta iyo nabadgelodarada, oo ay dadkeeda wax u qabato isla markaasna ay dib u soo noolayso dhaqaalahii dalka. Somaliya oo cagaheeda isku taagta oo degta waxay yaraynaysaa khatar ka iman karta dhibaatooyin dabiiciya oo ku dhaca dadka, sida abaaraha.

Sanadkii hore abaarahii waxay isku bedeleen gaajo iyo darxumooyin sababtoo ah deganaansho la,aanta iyo dhibaatooyinkii taagnaa. Inkastoo gaajooyinkii laga baxay bishii February 2012 hadana in ka badan laba milyan oo Somali ah ayaa weli gaajoonaya oo cawimooyin joogta ah u baahan.

6. Waa maxay sababta UK u danaynayso Arimaha Somaliya

Wixii ka dhaca gudaha somaliya wuxuu saamayn ku leeyahay meelo ka baxsan xadadkeeda. Somaliya oo laga caawiyo si ay dib uga soo noqoto dowlad la,aantii iyo burburkii waxay caawinaysaa in nabadgelyada dalku ay roonaato, isla markaasna ay hoos u dhigto burcad badeedka iyo argagaxisda, isla markaasna ay soo laabtaan qaxootigu, sidaas darteedna malaayiin Somali ahi ay nolashoodu ka soo rayso, isla markaasna dalalka la jaarka ahina ay nabadgelyo helaan. Guud ahaan UK waxay ku yaboohday £63 milyan oo gini una dhiganta $98 milyan oo dollar sanadkaste si loola dagaalamo oo xididada loogu siibo saboolnimada iyo dagaalada ka jira somaliya. Ilaa 2015 ka Caawimada UK waxay caawindoontaa dibu dhiska meelaha muhiimka ah ee adeegyada dowlada, in 45 kun oo qof ay shaqooyin helaan, in 3000 oo dumar ahi ay sharci iyo cadaalada helidoonan, in 20 kun oo caruur ahi ay school helaan. In la dhiso wadooyinka iyo xarumo caafimaad si ay somalidu u hesho fursadaha ay u baahanyahiin sidii ay iskaga saari lahayeen saboolnimada.’

Hadaba, waxa isweydiin Mudan sababta Xukuumadda Somaliland afka uga xidhay inay shaaciso go’aankeeda ku aaddan shirkan  maadama ay hore u soo qaadday in xukuumadda go’aankeeda shaacinayso marka ay soo baxaan qodobada shirka looga hadli doono.

W/T: Guled Abdi Sheekhaas

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories