HomeDawladda Ingiriiska oo Muwaadiniinteeda uga Digtay inay u Safraan Muqdisho ee Somaliya

Dawladda Ingiriiska oo Muwaadiniinteeda uga Digtay inay u Safraan Muqdisho ee Somaliya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Dawladda Ingiriiska ayaa digniin cusub oo ay soo saartay uga digtay muwaadiniinteeda inay booqdaan dalkaasi Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo ay sheegtay inay ka dhici karaan falal aragagaxiso oo lala beegsado bartilmaameedyo aanay xusin.

Digniinta oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Ingiriiska, ayaa lagu sheegay in kooxaha Argagixisada ah ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya, laga yaabo inay weerarro ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

GBWaxa warbixintan lagu shaaciyey in qorshayaasha weerarrada argagixiso ee lala beegsanayo bartilmaameedyo ku yaala Muqdisho, ay heer gebo-gabo ah marayaan, waxaanay muwaadiniinteeda ku amartay inaanay u safrin magaalad Muqdisho.

“Waxaan ku tali-naynaa inaan loo safrin Soomaaliya. Tani waxa ay caddeyn u tahay in weli ay ka jiraan gudaha Soomaaliya falal argagaxiso, waxaana jirta inuu heer gabo-gabo ah marayo qorsha weerar ee la doonayo in Muqdisho laga fuliyo,” sidaa waxa sheegay sarkaal ka tirsan wasaaradda Khaarajiga Ingiriiska, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Nabadgalyada dadka u dhashay Britain ayaa ah mid aad muhiin inoogu ah, xafiiskuna uu aad uga ka walaacsan yahay.”

Xafiiska Barwaaqo-Sooranka Britain oo hoos taga wasaaradda Arrimaha debedda ee dalkaas isla markaana sarkaalkani ka tirsan yahay, ayaa sheegay in xaaladda nabadgalyo ee Muqdisho ay aad u soo koradhay tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho dhammaadkii 2011, balse ay weli jiraan fallaka argagaxiso ee ay Al-Shabaab ka fulin karto gudaha magaaladaas.

Bishii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen in ka badan 10-qof oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, kaas oo lagu weeraray taliyaha hay’adda nabadsugidda gobolka Banaadir ee dalkaasi Soomaaliya.

DIGNIINTA UK

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories