HomeDawladda Ingiriiska oo ka hadashay Go’aanka Axsaabta Mucaaradku ku Qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga...

Dawladda Ingiriiska oo ka hadashay Go’aanka Axsaabta Mucaaradku ku Qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Qaadhaan-bixiyeyaasha oo Xukuumadda ugu baaqay inay Kulansiiso Axsaabta Mucaaradka iyo Shirkadda Qandaraaska lagu siiyey Agabka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Ingiriiska oo ka tirsan Guddiga Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha Caalamka ee taageera doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay go’aanka Xisbiyada Mucaaradku ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah, kaas oo ay ku tilmaameen mid saamayn ku yeelanaya doorashooyinka dalka.

UK Embassy in Addis AbabaSidoo kale, Dawladda Ingiriisku waxa ay xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda Arrimaha gudaha u soo jeedisay in Axsaabta mucaaradka lagu qanciyo isla markaana la tuso kalsoonida shirkadda Qandaraaska lagu siiyey Agabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Ms Lizzie Lovett oo ah sarkaalad ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, ka mid ah guddiga Qaadhaan-bixiyeyaasha ee Somaliland kala-shaqeeya dhinaca doorashooyinka, ayaa go’aanka axsaabta mucaaradku ku qaaddaceen diiwaangelinta Madaniga ah ku tilmaantay inuu dib-u-dhac ku keenayo Doorashooyinka.

Haweenayda oo ka tirsan Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa, ayaa waraysi uu shalay la yeeshay Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan bahda Himilo Media Group, waxa ay sidoo kale ka hadashay dacwad dawladda Soomaaliya sheegtay inay dalka Ingiriisku ugu gudbisay inaanay taageerin dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta Madaniga ah ee Somaliland.

Ms Lizzie waxa ay ugu horeyn ka hadashay muhiimadda labada diiwaangelinood ee codbixiyeyaasha iyo Muwaadiniinta oo la hirgeliyo u leedahay Doorashooyin wakhtigooda ku qabsooma.

“Dhamaystirka diiwaangelinta madaniga iyo cod-bixiyeyaashu, waxay keenaysaa in la gaadho sidii doorashooyinku u dhici lahaayeen. Waxaan u soo jeedinaynaa Somaliland inaan doorashooyinka dib-u-dhicin, isla markaana nidaamka diiwaangelinaha dib-u-dhac lagu samayn,” ayey tidhi Ms Lizzi.

Mar Wariyuhu weydiiyey su’aal u dhignayd, ‘Xisbiyada mucaaradku waxay qaadaceen diiwaangelinta Madaniga oo dadkana ay ugu baaqeen inaanay ka qeybgelin, miyaanay taasi abuurayn dib u dhac aan loo baahnayn oo yimaadda doorashada, waxa ay ku gaabsatay “Xog badan kama hayo arrinkaa, laakiin, haa waxay abuuraysa dib-u-dhac,” ayey tidhi Haweenaydani.

Waxa kale oo Wargeyska Himilo weydiiyey haweenayda wax ka jira hadallo dhawan ka soo yeedhay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo sheegay inay beesha caalamka oo Ingiriisku ku jiro ka dalbadeen in aan dhaqaale ahaan la taageerin diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland, waxa ay jawaabteeda ku soo gaabisay, “Taasi mid jirta maaha,” ayey tidhi Ms Lizzie.

Dhinaca kale, warqad uu ku saxeexan yahay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Neil Wigan oo madax u ah guddiga Qaadhaan-bixiyeyaasha taageera Doorashooyinka Somaliland isla markaana lagu socodsiiyey dhinacyada Somaliland ee doorashooyinka iyo diiwaangelinuhu khuseeyaan, ayaa xukuumadda gaar ahaan wasaaradda arrimaha Gudaha u soo jeediyey inay axsaabta siyaasadda iyo Guddiga Doorashooyinka u fududeeyaan kormeerista Agabka diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo kulamo ay la qaataan shirkadda Qandaraaska lagu siiyey inay dalka keento agabkaas.

Warqaddan oo bishan sagaalkeedii ka soo baxday Xafiiska Safiirka Ingiriska isla markaana lagu caddeeyey heshiisyo iyo qodobbo xukuumadda, Axsaabta Qaranka iyo guddiga Doorashooyinku isla qaateen in lagu dar-dargeliyo qabsoomidda diiwaangelinaha Madaniga iyo Codbixiyeyaasha oo qaadhaan-bixiyeyaashuna goob-joog ka ahaayeen, ayaa lagu sheegay inay jirto isku xidhnaan la’aan ka dhexjirta dhinacyada doorashooyinka Somaliland khuseyaan oo ay sheegeen inay sababtay faham la’aan ah farqiga u dhexeeya labada diiwaangelinood.

“Waxaanu soo jeedinaynaynaa in wasaaradda Arrimaha gudduhu ay ku marti-qaaddo dhinacyada ay khusayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha (Guddiga Doorashooyinka iyo Axsaabta Siyaasadda) si ay kulamo ula yeeshaan Shirkadda Qandaraaska lagu siiyey ee Sahal Tech, isla markaana macluumaad laga siiyo qalabka la keenay. Tani waxa ay sidoo kale fursad u siinaysaa in si buuxda loo fahmo waxyaabihii lagu heshiiyey si qayb uga noqoto dhammaystirka hawsha,” sidaas waxa lagu sheegay warqadda uu ku saxeexan yahay Safiirka Ingiriiska Neil Wigan.

XIGASHO: HIMILO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories