HomeDawladda Ingiriiska oo jawaab ka bixisay Mawqif Midaysan oo Somaliland kaga dareen-celisay...

Dawladda Ingiriiska oo jawaab ka bixisay Mawqif Midaysan oo Somaliland kaga dareen-celisay Baaq ka soo Yeedhay Midowga Yurub iyo Maraykanka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Ingiriiska, ayaa kulan maanta ka dhacay magaalada Hargeysa kaga wada-hadlay arrimo khuseeya ilaalinta ammaanka mandaqadda Geeska Afrika iyo Xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaamada Bariga Somaliland oo dhowaan dagaallo ku dhex-mareen ciidanka Qaranka iyo Kooxda la baxday Khaatumo.

IMG_0068Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qaabiley wefti ka socda Dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, Chris Allen, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ay ka mid yihiin dejinta xaaladda Taleex iyo muranka Maamul-goboleedka Puntland gelinayo xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Ingiriiska laftiisu jeexay.

Madaxweynaha Somaliland waxa kulanka ku weheliyey Wasiirrada Gaashaandhigga, Madaxtooyada, Arrimaha dibedda iyo xubno kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Ambassador Chris Allen oo kulankaas ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabaha labada dhinac ka wada-hadleen.

Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan dawladda Ingiriiska u caddeeyeen mawqifkooda ilaalinta nabad-gelyada iyo rabitaanka Shacabka Somaliland, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay ilaalinta sugnaanta xuduudaha dalkooda.

Socdaalka Safiir ku-xigeenka Ingiriisku ku yimi Somaliland, ayaa daba-socda ka dib markii Xukuumadda, Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Axsaabta Qaranka ay go’aan mideysan jawaab kaga bixiyeen Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurub ugu jeediyeen Somaliland inay ciidamada kala soo baxdo deegaamada Bariga gobolka Sanaag.

Dhawaaqa Midaysan ee Somaliland ka bixisay baaqa beesha Caalamka, ayaa dawladda Ingiriisku kaga jawaab-celisay socdaalka safiir ku-xigeenka Safaarradda Ingiriiska ee Addis Ababa maanta ku yimi Hargeysa, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii ay ugu qanciyeen Xukuumadda Somaliland in baaqaas ay dawladda Ingiriisku qaybta ka ahayd ahayn mid la xidhiidha arrimo siyaasadeed balse ay tahay mid dawladda Ingiriisku sababta ay u danaynaysaa tahay nabad-gelyo iyo xasilooni ka jirta mandaqadda Geeska Afrika, sida uu sheegay Safiir ku-xigeenka Ingiriiska ee safaaradda Addis Ababa, Ambassador Chris Allen.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Britain ku leedahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Ethiopia, Danjire Chris Allen, in dawaladda Ingiriisku si xooggan u danaynayso xasilooni iyo deggenaansho ka tisqaada gobolka, kulanka uu madaxweynaha Somaliland la yeeshayna lagu faaqiday arrimo khuseeya deggenaanshaha mandaqadda, isla markaana ay labadooda dhinacba isla qaateen muhiimadda ay taasi leedahay.

 

HALKAN KA DHEGAYSO HADALKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALILAND

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories