HomeDawladda Ingiriiska oo Dabada ka Riixaya in si Madaxbannaan loo Maamulo Duulimaadyada...

Dawladda Ingiriiska oo Dabada ka Riixaya in si Madaxbannaan loo Maamulo Duulimaadyada Madaniga ah ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)- Dawladda Ingiriiska, ayaa la sheegay inay dabada ka riixayso sidii loo samayn lahaa hay’ad madaxbannaan oo maamusha duulimaadyada madaniga ah ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xogo kala duwan oo Jamhuuriya helay, ayaa tibaaxay in Ingiriisku maalgelin ku samaynayo adeegyada duulimaadka Somaliland, si gaar ahna looga taageerayo qalab iyo gaadiid qaabilsan dhinaca ammaanka oo lagu taageeray Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Hawada, kuwaasoo loogu talogalay in lagaga hawlgalo madaarrada Hargeysa iyo Berbera.

diyaaradaWaxaanna qalabkaas ka mid ah aalado dhinaca sawirka qaabilsan (X-ray), qalabka lagu ogaado waxlaha qarxa (Explosive Trace Detection), mishiinno kala duwan oo dhinaca amamanka wax lagaga ogaado iyo kamaradaha ammaanka (CCTV), kuwaasoo la sheegay inay ku baxday lacag dhan ilaa hal milyan oo doollar, looguna tallogalay in lagaga hortago argagixisada, isla markaana lagu hubiyo dadka dhoofayaasha iyo soo degayaasha ah ee adeegyada madaarrada Somaliland.

Sida xoguhu tilmaameen, dawladda Ingiriiska iyo xukuumadda Somaliland, ayaa dabada ka riixaya in mudanayaasha Golaha Wakiilladu ansixiyaan xeer loogu tallogalay in lagu aasaaso hay’ad madaxbannaan oo maamusha duulimaadyada madaniga ah ee Somaliland (Somaliland Civil Aviation Authority), kaasoo ay Golaha Wasiirradu hore u ansixiyeen bishii December ee sannadkii 2013, ilaa muddadaasna horyaal Golaha Wakiillada, waxaanna la sheegay in Ingiriisku dhismaha iyo horumarinta hay’adaas ku maalgelinayo lacag dhan £2 milyan ginniga UK ah, una dhiganta $3,114,600 doollar (saddex milyan, boqol, afar iyo toban kun iyo lix boqol) oo doollar.

Waxa Xoguhu tibaaxeen in lacagtaas Ingiriisku ugu tallogalay in lagu maalgeliyo hay’adda madaxbannaan ee maamulka duulimaadyada madaniga ah ee Somaliland oo qorshuhu ahaa in la aasaaso sannadkii 2014 ee dhammaaday, lacagtaasina ay sannadkaas ku ekayd, balse aan ilaa hadda Golaha Wakiilladu ansixin xeerka hay’adaas lagu abuuri lahaa.

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulan la yeeshay guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, ayaa mudanayaasha golaha ka codsaday in laga hawlgalo sidii loo ansixin lahaa xeerka lagu aasaasayo Hay’adda Madaxbannaan ee Duulimaadyada Madaniga ah, kaasoo uu xusay inuu yahay xeer muhiim ah, duniduna ka sugayso Somaliland.

“Waxaan Golaha Wakiillada u soo jeedinayaa codsi guud oo aan leeyahay waxa horyaal golaha  xeer wasaarad ahaan muhiimad weyn noo xanbaarsan, oo ah Xeerkii abuursita hay’adda madaxabannaan duulimaayada madaniga ah ee Somaliland, xeerkaas dalkeennu wuu u baahan yahay, duniduna way inaga sugaynaysaa, Golaha waxaannu ka codsanayaa in xeerkaas na loo ansixiyo, mudanayaashuna ay waajibkooda ka gutaan, haddii  uu golahu wax ku darayo, hadduu wax ka beddeyaba waa waajibka golaha, anaguna waxaannu danaynaa ka xukuumad ahaan inuu xeerkaasi gudbo, waayo in badana ayuu golaha horyaalay,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Dhinaca kale, sida xogaha Jamhuuriya helay tibaaxeen, dawladda Ingiriiska, ayaa ansixinta xeerkaas hore ugala hadashay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), balse weli qabyo-qoraalka xeerkaas waxa uu horyaal golaha muddo sannad ah, kaasoo aan ilaa hadda si rasmi ah loo ogayn sababta loo horjoogo.

Mashruuc-sharciga duulimaadyada madaniga ah oo Golaha Wasiirradu ansixiyeen sannadkii 2013, waxa uu ka kooban yahay 91 qodob oo si faahfaahsan loogu qeexay habka maamulka duulimaadyada madaniga ah ee dalka, abuuritaanka hay’adda madaxbannaan iyo sidoo kale awoodaha hay’adaasi leedahay, kaasoo aan weli sharci buuxa ahayn, loona baahan in golayaasha guurtida iyo wakiilladu ansixiyaan, wax-ka-beddel iyo dib-u-habayna ku sameeyaan, maadaama ay yihiin xeer-dejinta Somaliland.

Sida ku cad qodobka 4aad ee mashruuc-sharciga duulimaadyada madaniga ah, hay’adda madaxbannaan ee la doonayo inay maamusho duulimaadyada madaniga ah ee Somaliland, waxa hagi doona guddi sare (board) oo ka kooban 5 xubnood, lagana xulanayo dadweynaha, isla markaana uu hawshaas si gaar ah u wadi doono Agaasime Guud oo ka mid ah xubnaha guddida sare, kuwaasoo uu lagu magacaabayo digreeto madaxweyne, xilkooduna yahay muddo 3 sanno ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories