HomeDawladda Hoose ee Hargeysa oo markii ugu horreysay Qorshe u samaysay Lo'da...

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo markii ugu horreysay Qorshe u samaysay Lo’da belediga ah ee Suuqyada Dhexdooda Daaqa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa ayaa markii ugu horreysay hawl al ay xalay ka fulisay magaaladda waxay ku soo ururiyeen 38 neef oo lo’ ah oo ka mid ah xoolaha dhex daaqa suuqyada iyo shaaricyadda magaalada, kuwaasi oo la geeyay xero boonta dawlada hoose ku xarayso xoolaha.
blankAgaasimaha waaxda Arrimaha bulshada ee dawlada hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali, oo ka waramayay arrintan ayaa sheegay inay hawl gal ay xalay ka fuliyeen magaalada Hargeysa ay ku soo ururiyeen 38 neef oo lo’ ah, kuwaasi oo haatan ku jira goobta loogu tallo galay in lagu ururiyo xoolaha dhex daaqa suuqyada Hargeysa goobtaasi oo la yidhaahdo xero boon-ta.
Agaasimaha Arrimaha bulshadda dawlada Hoose oo ka hadlayay hawlgalkaasi wuxuu yidhi “Waxaynu maanta ku sugan nahay xero boonta dawladda hoose ee Hargeysa waxaanu xalay olale balaadhan aanu ka fulinay magaaladda Hargeysa, anagoo fulinayna awaamiirta masuuliyiinta sar sare ee dawladda Hoose iyo Gudidda heer qaran ee bilcda magaaladda, waxay masuuliyiinta dawladda Hoose ay dadweynaha warbaahinta u mariyeen farriin ay ku saabsan in xoolaha lagu soo daayo shaaricyada lagala baxo waxaanu amarkaasi ku ekaa 210-kii bishan. Waxaanu xalay 38 neef oo lo’ ah ka soo kaxeynay suuqa Gobonimo iyo badhtamaha caasimada Hargeysa.”

“Lo’dan dadka lihi waxay ku soo dhex daayaan suuqa Hargeysa si ay u soo daaqdo khashinka, dhibaatada ay dadweynaha ku hayso lo’dani waxa ka mid ah caafimaad xumo, waxaanay soo kordhisay bilic xumo oo xaarkeedii ayaa meel walba yaala. Waxa kale oo ay qeyb ka tahay shilalka gaadiidka markay fadhiisato waddooyinka magaaladda,”ayuu yidhi Khadar Yuusuf.

blankDuqa Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in in hawl galkani ka dhashay go’aan ay soo saareen gudidda bilicda ee qaranka oo amar ku bixiyay in xoolaha laga joojiyo shaaracyada magaalada, waxaanu tilmaaamay inay go’aankaasi fulisay dawlada Hoose.

Maayarku wuxuu balan qaaday inay sii waddi doonaan hawl galka ay ku soo qabqabanayaan adhiga,lo’da iyo xoolaha dhex daaqa magaalada dhexdeeda.
“Imika lo’dii uun baanu soo qabanay laakiin adhiga, Geella iyo dameerahaba waanu soo xaraynaynaa, waxaanu dadweynaha u soo jeedinaynaa inay xoolaha ay ku dhex haystaan magaalada u foofiyaan dibadda magaaladda, kana ceshadaan suuqyadda,”ayuu yidhi Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Maayarku wuxuu waaxda arrimaha bulshadda ee dawlada hoose ku ammaanay hawlgalkan ay ku soo ururiyeen 38-ka neef ee lo’da ah.

blank
Lo' Xeraysan

Maayarku waxa kale oo uu intaasi ku daray inay hawl gal balaadhan ku qaadi doonaan jaadka lagu iibiyo waddooyinka magaalada hareerahooda isla markaana ay sida ugu dhakhsaha badan.

Xoghayaha fulinta dawladda Hoose Hargeysa Mawliid Waris Cabdilaahi ayaa sheegay inay lo’dan muddo sadex maalmood ah ay hayn doonaan, cidii soo doonatana laga qaadi doono ganaax lacageed, xoolihii loo iman waayana lala wareegi doono oo loo qeybin doono jeelka Hargeysa iyo cisbitaalka waalida si loogu qalo dadka halkaasi ku jira.

Xoghayuhu wuxuu sheegay inaan dawladda Hoose dib u ogolaan doonin in xoolaha lagu soo daayo shaaricyada magaalada waxaanu tilmaamay in xoolaha la qabto lagu ganaaxi doono lacag, haddii mar kale la qabtana lala wareegi doono.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories