HomeDawladda Hoose ee Hargeysa oo bilowday Qorshe ay Waddooyinka magaalada ugu magac-darayso...

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo bilowday Qorshe ay Waddooyinka magaalada ugu magac-darayso Shakhsiyaadka dalka Magaca ku leh

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 27 February, 2012 (SLpost)- Duqa Caasimadda Hargeysa ayaa maanta Huteelka Mount Royal Huteel ee magaalada Hargeysa ku soo gabo-gabeeyay shir muddo laba maalmood ah uga socday Golaha deegaanka Hargeysa iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka caasimadda kaasi oo wadooyinka magaaladda loogu magac darayay dadka taariikhda ku leh dalka iyo halgameyaashii  wadanka.

Shirkan ayaa ka dhashay ka dib markii kal-fadhigii 64-aad ee Golaha deegaanka caasimadda lagu go’aamiyay in wadooyinka loogu magac darro dadka taariikhda ku leh wadanka.

Kulankaasiwaxa kale oo goob joog ka ahaa masuuliyiinta Ha’yada UN/Habitat oo dawladda Hoose kala shaqaysa mashaariic lagu horumarinayo magaaladda.

Maayarka Caasimada Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir oo  ka hadlay shirkaasi ayaa waxa uu u mahadceliyey xildhibaanadii Golaha deegaanka iyo hay’ada Un-habitat,isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Maanta waxay inoo tahay guul caasimad ahaan inaanu soo gebagabeynay magac-bixintii waddooyinka waaweyn ee aanu ilaa imika qaadanay,taas oo aanu farsamadaas wadnay in baddan dawlada hoose,hay’ada Un-habitat iyo dadweynaha magaaladu, markaa wixii la soo ururiyey magac-bixinta magaalada ayaanu maanta ku ansixinay kalfadhigayan 64aad ee Golaha deegaanka.”

“Muhiimada ay leedahay magac-bixinta waddooyinka caasimada Hargeysa waxa weeyaan,waynagii guryahana Numbero u bixinay,markaa nidaamki ay caasimadu yeelan lahayd ayaa sidaa ku hagaagaya, marka la helo magaca waddadii aqalka hormareysay iyo Number-kii aqalka waxay noqonaysa wax dawlada hoose ka caawin kara iyo ciddii daraasad sameynsa iyo cidii magaalada baayac-mushtar u soo doonata, waxa ku hagaagaya arrintii boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland waxa weeyaan,”ayuu yidhi Maayarku.

Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir wuxuu sheega in kalfadhigii u dambeeyay ee golaha deegaanka ay meel isla dhigeen qorshaha khashin ururinta magaaladda waxaanu yidhi “Shirkayagan waxaanu kaga faa’iideysanay arrimihii qashin ururinta Somaliland oo waxa waddi jirey laba shirkadood oo shirkaddi way ladan tahay shirkadii kale ee la odhan jirey DHIS ayaa ku guul-dareysatey shaqadeedi, markaa waxaanu isla garanay hal xaafad oo qudha inay ka adkaan oo ah 26-june. Gacan libaax iyo Kood-buur ayaanu ugu talo-galnaa inaanu siino dad kale oo cusub, maadama ay sadexda xaafadood oo aad ugu balaadhnayd ay hanan-kari-waayeen, ilaa lixdii bilood ee ugu danbeeyey waxa caawinaysay dawlada hoose ee Caasimada Hargeysa.”

Maayarka ka hor waxa isna halkaasi ka hadlay Eng. Ibraahim oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu u mahadceliyey hogaanka golaha deegaanka,xildhibaanada golaha deegaanka, iyo guddoomiyayaasha sideeda waaxood, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaynu maanta halkan ku soo gebagabeynaynaa hawl muddo inoo socotey oo ahayd sadex geesood oo ay hay’ada Un-Habitat, Dawlada hoose iyo guddi farsamo ay soo wadeen, waxay shalay soo hor-dhigeen Golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, iyaga oo ku soo aadiyey kal-fadhigii golaha deegaanka ee 64aad si looga ansixiyo magacyada la isla qaatey waddooyinka, sida ay hargeysa u qoondeeyeen golaha deegaanka hargeysi waa sideed waaxood shantii ugu waaweyna oo ay sadexdii yaryaraana ay hoos galayaan ayaa mashruucan pay lot ee ay nagu caawisay hay’ada UN-habitat loogu talogalay si ay wax u dhaqaaqaan oo qaabkii magaaladu u hagaago una noqdo meel laga duulo inaanu u sameyno, waxaanan waddooyinkii ukala saarnay afar oo kala ah waddo-weyn oo waraabisa degmo ilaa degmo, waddada 2aad waxa weeyaan waa waddada waraabisa waddada weyn (Main road) am waax ka mid ah degmada iyo waddooyinka yaryar ee ka sii baxa”.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories