HomeDawladda Hoose ee Hargeysa oo bilowday Olole Geedka Garan-waaga lagaga Dabar-jarayo Caasimadda

Dawladda Hoose ee Hargeysa oo bilowday Olole Geedka Garan-waaga lagaga Dabar-jarayo Caasimadda

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeysa, ayaa bilowday Olole caasimadda lagaga dabar-goynayo geedka loo yaqaano Garan-waaga oo dhibaato badan ku haya waddoyinka halbawlaha ah ee ku yaalla Magaalada iyo goobaha biyo-mareennada ah.

Hawlgal geedkan lagaga nadiifinayo Jidka Laamiga ah ee taga Garoonka diyaaradaha ee magaalda Hargeysa oo maanta la bilaabay, waxa hormood ka ahaa Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko) oo Geedka Garan-waaga ku tilmaamay inuu qayb ka yahay caqabadaha ku gedaaman bilicda Caasimadda Hargeysa, waxaanu faahfaahin ka bixiyey qorsheyaal dawladda Hoose ee Hargeysa kaga hortagayso dhibaatada uu geedkaasi bulshada iyo deegaankaba ku hayo uu sheegay inay soo badanayso.

dhirgooyeMaayar Soltelco oo saxaafadda kula hadlay isla goobihii dhirtaas laga googooynayey, ayaa sheegay in Geedka Garanwaagu kaw ka yahay Bilic-xumo kasta oo caasimadda ku timaadda, waxaanu yidhi, “Maanta waxaanu halkan ka Bilownay mashruuc dhawr arrimood iskugu jira oo ah marka hore in la banneeyo biyo mareenada oo dhibaatada haysataa tahay Geedka Garanwaaga oo si weyn uga Baxay iyo ta labaad oo ah in shacbigu qashinka dhigayo gobaha Biyo-mareenada ah, iyadoo shirkadihii ka Hawlgelayey joogaan, Shacabkana waxan leeyahay ka daaya Biyo mareenada Qashinka,” ayuu yidhi Maayar Soltelco.

Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Markuu Mashruucani dhamaado ee geedkaas waddoyinka laga guro waxa la Bilaabayaa mashruucii waddada Garoonka Diyaaradaha Tagta, mashruucaasna waxa la doonayaa in saddex qaybood iska kaashadaan, kuwaas oo kala ah Dawladda Hoose, Dawladda Dhexe iyo Dadweynaha oo aynu dhigno daamurkii muhiimka ahaa oo aynu ku xidhno suuqa Hoose waana kharash badan shacabkana waxanu usoo jeedinaynaa inay dhankooda u diyaar garooba, waxana inaga go’an inaynu samaysano waddo aan muddo soddon sano ah waxba noqonin.”

Hawl-wadeenada Dawladda Hoose oo adeegyada Cagafyo, ayaa iyagu maanta tiro badan oo kamid ah Geedka Garanwaaga ka binneeyey dhul Ballaadhan oo ku teedsan waddada laamiga ah ee tagta Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda, waxaanay maalmaha soo socda sii wadi doonaan Ololeyaal ka mug weyn oo lagu xagaafayo Geedkan oo lagu tilmaamo inuu qayb ka yahay sababaha ugu horreeyey ee horseedka u ah nabaad-guurka dhulka.

Agaasimaha Waaxda Bilicda ee Dawladda Hoose ee Hargeysa Khadar Yuusuf Cali oo goobjoog ka ahaa hawl-gelka dawladda Hoose maanta ka fulisay dhulka ku teedsan Jidka Madaarka, ayaa sheegay in jaridda geedkani ay muhiim u tahay caasimadda, isla-markaana ay kor u qaadi doonto Bilicda caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories