HomeDawladda Hoose ee Boorama oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ka soo ururiyey Qaar...

Dawladda Hoose ee Boorama oo Badeecado Wakhtigoodu Dhacay ka soo ururiyey Qaar ka mid ah Bakhaarrada Magaalada

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Boorama (SLpost)- Dawladda Hoose ee Magaalada Boorame ayaa hawlgallo baadhis ah oo ay ka sameeyeen Meheradaha magaaladaas, waxa ay  ku soo ururiyeen badeecado wakhtigoodii isticmaalku dhacay oo haddana la iibinayey.

blank

Hawl-galkan oo ay samaysay Waaxda Fayo-dhowrka ee Dowladda Hoose, waxa Hormuud ka ahaa Gudoomiyaha Golaha deegaanka ahna Maayarka Boorame Md Cabdiraxmaan Shide Bile oo  ganacsatada meheradahooda laga helay badeecadaha iyo kuwa kaleba uga digay ka ganacsiga badeecadaha dhacay ee isticmaalka wakhtigoodu dhacay, waxaanu sheegay in ciddii ka dhago adeygta baaqooda hawl-galka Dawladda Hoose ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan.

blank“Sidaad aragtaan waxa shaqaalaha dawladda hoose ee magaaladu dukaanno iyo meheradaha magaalada kasoo ururiyeen alaabtaasi wakhtigoodu dhacay ee u badan cuntada, Sharaabka, waxyaalaha la isku qurxiyo iyo xitaa dawooyinka xoolaha,”ayuu yidhi Maayarka Boorame Shide , waxaanu intaas ku daray, “Waxay ganacsato aan iimaan lahayni dadka ka iibinayaan badeecado afar  sano dhacsanaa  oo xitaa ay ku jiraan dawooyinka xoolaha. Xooluhu malaha caqli ay iskaga eegaan dawadaasi inay dhacday iyo inkale. si aan u xoojinno hawlahan waxa waaxda fayodhawrka ee golaha Deegaanka  kala hawl-galay dhakhtar ka socda Cisbitaalka Guud ee Boorama .”

blank

Maayarku waxa uu ganacsatadda u qabtay muddo todobo cisho ah inay ku soo wareejiyaan Raashinka dhacay ee bakhaaradda yaala, isaga oo amar ku bixiyey in ciddii wax ka bedesha taariikhda dhici taanka ay la kulmi doonaan ciqaab adag.

 “Ciddii wax ka beddesha taariikhda dhicitaanka, waxa lala tiigsan doonaa sharciga, ganaax culusna waa la saari doono,”ayuu yidhi Guddoomiye Bile oo si adag ula hadlayey ganacsatada iibisa raashinka dhacay.

blankMagaalada Boorama ayaa sidan oo kale todobaaddo ka hor looga fuliyey hawl-gallo fayo-dhowrka ah, waxa meheradaha magaaladaas lagaga ururiyey badeecado wakhtigoodu dhacay balse ganacsatadii iibinaysay ay taariikhda dhicitaanka ka beddeleen kuna dhejiyeen mid cusub, waxaanay tallaabadan maanta dabo-socotaa hawl-galkaaas hore u fashilmay oo ganacsato masuuliyad-darro hayso dadka ka iibinayeen Raashin wakhtigiisu dhacay.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories