HomeDawladda Finland oo Somaliland ku marti-qaadday Shir-caalami ah oo la Xidhiidha Kobcinta...

Dawladda Finland oo Somaliland ku marti-qaadday Shir-caalami ah oo la Xidhiidha Kobcinta Adeegyada Caafimaadka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Helsinki (SLpost)-  Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed oo toddobaadkii u dambeeyay safar shaqo ku joogay magaalada Helisink ee dalka Filand ayaa ka qayb-galay shir lagaga hadlayay mashaariicda horumarineed ee hay’ada IOM ka fuliso Somaliland oo ay maal-galiso dawlada Filand.

Wasiirka oo ka hadlay shirkan uu ka qayb-galay ayaa waxa uu sheegay in dawlada Finland iyo hay’ada IOM ay ka wada hadleen sidii ay u taageeri lahaayeen dhakhaatiirta Somaliland isla markaana ay mushaharka siiyaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Socdaalkan aan halkan Fiiland ku joogo waa socdaal shaqo waxaanan u imid in aanu la kulmo Hay’ada I.O.M iyo Dawladda Finland, mashruuc dawlada Filand ay waddo oo innaga caawiya dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha kale inay waddanka yimaadaan oo ay ka shaqeeyaan oo ay siiyaan mushaharka dhakhaatiirta.”

XAGLATOOSIYEWaxa kale oo shirkan ka soo qaybgalay wakiilo ka socday dawlada Filand iyo madaxda hay’ada I.O.M iyo aqoonyahano dagan dalka Filand oo ka soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland oo hore uga qayb-qaatay mashaariicda horumarineed oo laga fuliyay Somaliland.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye)  waxa socdaalkiisan ku weheliya  agaasimagha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, waxaanay kulan xog waraysi ah la yeesheen jaaliyadda Somaliland eek u dhaqan  magaaladda Helisinki.

Ugu horeyn waxa kulankaas hadallo soo dhaweyn iyo mahad-celin isugu jira ka jeediyey guddoomiyaha jaalliyadda Finlanad Xasan Cali Saddexle, guddoomiyaha jaalliyadda ee magaalada Turku Cabdilaahi Xasan ee wadankaas. Waxa iyaguna hadallo dhiirigelin iyo tusaalayn ah ka soo jeediyey Dr. Cali Cumar iyo Siciid Guuleed oo ah xidhiidhiya mashruuca MIDA (IOM).

Sidoo kale, waxa warbixin wasiirka ka siiyey guud ahaan jaalliyadda tariikhdeeda iyo dhismaheedaba Dr. Axmed Cumar Askar, waxa kale oo uu uga waramay jaalliyadda hawlaha caafimaadka ee ka socda dalka , gaar ahaan  cusbitaalka guud ee  caasimadda Somaliland oo uu haatan  madaxda ka yahay. Wasiirka caafimaadka Saleebaan Xagla-toosiye oo kulankaas ka hadlay ayaa u mahad-naqay dhammaan intii ka soo qayb-gashay kulankaas, isagoo sheegay inay jaalliyad isku timi maalin shaqo, isla markaana xilligan uu jawigu aad u xun yahay, isagoo xusay inay taasi muujinayso dareenka waddaninimo, wasiirku waxa uu warbixin ka siiyey jaalliyadda hawsha shaqo ee uu socday oo ahayd barnaamij ay qurbe-jooga caafimaadka ka shaqeeya ku tageen dalkii,  sidii ay dalkii uga hawl geli lahaayen, kaasoo wax weyn ka taray ila haatan intii uu socday , iminkana ay ku hawlan yihiin sidii loo sii wadi lahaa wejiyadiisa dambe.

Wasiirku waxa uu ka warramay burburkii dalka ka dhacay sida uu u saameeyey caafimaadka iyo dhinacyada kaleba iyo sidii loo heli lahaa dad aqoonta  ay barteen dalka waxtar uga gaysan lahaayeen. Waxa kale oo uu ku booriyay  jaalliyadda inay ka hawgasho sidii ay waxqabad uga gaysan lahaayeen dalka gaar ahaan dhinaca caafimaadka.

SOMALILADPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories