HomeDawladda Djibouti oo Saanad-milatari iyo Ciidamo leh ku biirisay Hawl-galka AMISOM ee...

Dawladda Djibouti oo Saanad-milatari iyo Ciidamo leh ku biirisay Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Beledweyne (SLpost)- Qalab-Millateri oo hordhac u ah qayb labaad oo Ciidamo ka socda dalka Jabuuti ah, kuwaasoo ka mid noqonaya Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM ee Soomaaliya jooga, ayaa Jimcihii shalay gaadhay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasoo ay Ciidammo hore ka joogeen dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qalabkan Millateri oo u badan Gadiid kuwa dagaalka ah, waxaa ku qaabilay xarunta AMISOM ee gobolka Hiiraan, Maamulka gobolka iyo Saraakiisha Ciidammada Midowgga Afrika ee ka kala socda dawladaha Jabuuti iyo Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.

BAABUURTA GAASHAAMAN EE JABUUTI AMISOMGuddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax oo markii ay qaabilay Ciidammadaas oo Saxaafadda kula hadlay Taliska AMISOM ee Baladweyne, ayaa sheegay in ka Maamul ahaan ay soo dhaweynayaan Ciidammada dheeraadka ah ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo ku biiri doona Ciidammadii hore u sii joogay gobolkaas.

”Aad baan ugu faraxsanahay Ciidammada kusoo biiraya hawlgalka AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti, kuwaasoo qeyb weyn ka qaadan doona hawlgalka guud ahaan ka soconaya gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya ee Argaggixisada lagula dagaallamayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Hiiraan Cabdifataax Xasan Afrax.

Taliyaha Ciidammada dawladda Jabuuti ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee gobolkaas ku sugan Col. Cismaan Dubbad, ayaa sheegay in Qalabka Millitari ay hor-dhac u yihiin Ciidammo ka socda Jabuuti oo intooda badan la filayo inay maalinta Sabtida oo maanta ku beegan gaadhaan gobolka.

”Dabcan waxa hubaal ah in dadka Soomaaliyeed ku faraxsan yihiin joogitaanka Ciidammada ka socda Jabuuti, laakiin dhinaca kale waxaa ka naxaya arrintaa cadawga oo aan oggoleyn in dhibaatada maanta jirta laga baxo.”

Tirada Ciidammada dheeraadka ah ee la filayo in ay ku soo biiraan hawlgalka AMISOM ee gobolka Hiiraan, ayaa lagu sheegay in ay gaadhayaan 1000 (Kun) Askari oo dhammaantood ka socda dalka Jabuuti. Waxaana hore Jabuuti uga joogay gobolka Hiiraan ee badhtamaha dalka Soomaaliya illaa 1000 Askari, kuwaasoo ka hawlgala magaalada Beledweyne iyo degmada Buula-burte oo sannadkii hore lagala wareegay Kooxda Al-shabaab.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories