HomeDawladda Britain oo magaalada Hargeysa ka hirgelinaysa Xafiis laga maamulo Sanduuq Dhaqaale...

Dawladda Britain oo magaalada Hargeysa ka hirgelinaysa Xafiis laga maamulo Sanduuq Dhaqaale oo lagu Taageerayo Qorshaha Horumarinta Heer Qaran ee Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Ingiriiska ayaa daboolka ka qaadday inay todobaadyada soo socda ay si wada-jir ah xukuumadda Somaliland ugaga dhawaaqayaan magaalada Hargeysa Sanduuq Dhaqaale oo lagu taageerayo Qorshaha Qaran ee Horumarinta, kaas oo gaar ka noqonaya deeqaha Qaadhaan-bixiyeyaashu ku taageeraan Somaliland.

Barnaamijkan oo lagu magacaabo Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) isla markaana markii hore ay wada-maamuli jireen hay’adda Gargaarka Dibadda ee Ingiriiska iyo hay’ado kale oo Caalami ah, ayaa wakhtigan xafiiska laga maamulayo loo soo wareejinayaa magaalada Hargeysa, iyada oo xukuumadda Somaliland qayb ka noqon doonto darawalinta sanduuqan oo Dawladda Ingiriisku si gaar ah u bixinayso dhaqaalihiisa.

IMG_0023Sidaa waxa shaaciyey ku-xigeenka Safiirka Dawladda Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Danjire Chris Allan oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa maanta socdaal ku yimaaddeen dalka, isla markaana ay kulan la yeesheen madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada.

Danjire Chris Allan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulanka ka dib shir-jaraa’id oo ay wada-jir ugu qabteen Aqalka Madaxtooyada, waxa ay warbaahinta faahfaahin ka siiyeen natiijada kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo Danjire Chris Allan.

Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa oo shirkaa jaraa’id ka hadlay, ayaa ugu horreyn ka hadlay sida ay dawladda Ingiriiska uga go’antahay xoojinta iyo kor-u-qaadista xidhiidhka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya labada waddan, isaga oo dhanka kale taabtay qorshayaal dawladda Ingiriisku ku doonayso sidii ay mashaariic horumarineed iyo taageero dhinaca ammaanka ah uga geysan lahayd Mandaqadda Geeska Afrika oo Somaliland ku jirto.

Danjire Chris Allan oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaanu kulan qiimo leh la qaadanay Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirrada, kaas oo aanu ku sii xoojinay sida ay uga go’antahay Dawladda Ingiriiska xidhiidhkeeda saaxiibtinimo ee taarikhiga ah ee ay la leedahay Somaliland.”

“Marka la eego xogganaanta dareenka ku saabsan xidhiidhka Boqortooyada Ingiriiska iyo Somaliland ma noqon doonto mid iska indho-tirta. Waxa naga go’an inaanu ka hirgelinno dalalka ku yaala geeska Afrika mashaariic horumarineed, qaar khuseeya dhinacyada nabad-gelyada iyo deggenaanshaha,” ayuu yidhi Mr Chris Allan, isaga oo intaas ku daray, “Waxa kale aanu si qoto-dheer ugu heellanahay sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada shacab, arrintaasna waxaanu madaxweynuhu ugu gudbinnay kulankii aanu la qaaddanay. Waxaanu ka wada-hadallay dhinacyo badan oo ka mid ah iskaashiyada ay wadaagaan Boqortooyada Ingiriiska iyo Somaliland.”

safiirka ukDanjiruhu waxa uu faahfaahiyey qodobbada lagu soo qaaday kulanka dhexmaray madaxweynaha isaga oo xusay hirgelinta mashruuc cusub oo dawladda Ingiriisku ku taageerayso Qorshaha heer Qaran ee Horumarinta Somaliland, kaas oo barbar-socda gargaarka dhaqaalaha iyo horumarineed ee Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamku u fidiyaan Somaliland. “Waxaanu ka wada-hadallay xidhiidhada horumarineed, annaga ugu bushaaraynay inaanu magaalada Hargeysa kaga dhawaaqno Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund). Waa barnaamij Cusub oo horumarinta dhinaca gar-gaarka ah, kaas oo dawladda Ingiriisku ay ka hagi doonto halkan (Somaliland) iyada oo labada dawladooda ka wada-shaqaynayaan. Waa markii u horreysay iyada oo ay bar-bar socoto taageerada qaadhaan-bixiyeyaasha caalamka, in si wada-jir ah loo maal-geliyo dedaallada ku jira Qorshaha Horumarinta Somaliland. Waxaanu rejaynaynaa inaanu mashruucan Hargeysa ka furno muddo dhowr todobaad ah gudahood.”

Danjire Allan waxa uu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda barnaamijkani u leeyahay xoojinta wada-shaqaynta iyo isku xidhnaanta labada shacab ee Somaliland iyo Ingiriiska, waxaanu yidhi, “Marka la eego dhinaca Ammaanka, waxaan isu aragnaa inaanu nahay cidda ugu dhowr ee ka taageerta Somaliland, annaga oo taageero ka geysana tayada ciidamada Ammaanka iyo inay dawladdu sii adkayso nabadgelyada gobolkan, taasina waxa ay ahmiyad weyn u leedahay Idinka (Somaliland) iyo Annagaba (Ingiriiska).”

Ugu dambayntii waxa uu dibloomaasigani ka hadlay farqiga u dhexeeya Sanduuqan Cusub ee dawladdiisu taageerada ka geysanayso iyo deeqaha ay qaadhaan-bixiyeyaashu ku taageeraan Somaliland, “Siyaasadda Qaadhaan-bixiyaashu kula dhaqmaan Somaliland, annagu gaar baanu ka nahay. Waxaanu u rejaynayaa inaanu noqono saaxiibka ugu dhow ee u darban taageridda dedaalladiina si loo ilaaliyo deggenaanshaha iyo xasiloonida Somaliland iyo horumarka gobolkan,” ayuu yidhi Danjire Chris Allan.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories