HomeDawladda Britain oo ku Hawlan Qorshe Lacagta Caydha ka Xanibaysa Ajaanib aan...

Dawladda Britain oo ku Hawlan Qorshe Lacagta Caydha ka Xanibaysa Ajaanib aan Ku Hadlin Luqada Ingiriisiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Xukuumadda Ingiriiska ayaa ku hawlan qorshe soo-galootiga  aan ku hadlin luqada Ingriisiga ee dalkaas ku nool ay kaga joojinayso lacagaha caydha (welfare ) ee ay siiso, sida uu qeexayo xeer qabyo-qoraal ah oo khuseeya lacagaha lagu bixiyo turjumaada iyo codsiga lacagaha caydha ah, kaas oo meesha ka saaraya dhamaan luuqadihii kale ee dadka loo ogolaa oo dhan.

Qorshahan oo ujeeddadiisu tahay si loogu dhiirri-galliyo barashada luqadda Ingiriisiga ee dadka ku cusub dalkaas, xukuumadda reysal-wasare Cameroon waxa ay doonaysaa inay meesha ka saarto luqadihii ajaanibka ahaa ee warbixinaha codsiga lacagaha taageerada ah lagu dhagaysan jiray .

cameron-cleggRa’iisal wasaaraha wadankuna wuxuu sidoo kale rabaa in xafiisyada dowladdu ay ka baaqsadaan kharashaadka ku baxaya oo joojiyaan lacagihii ay siin jireen turjumaanada , iyadoo ay Waaxda shaqada iyo kharashka la siiyo dadka hawl-gabka ah  (Department for Work and Pensions (DWP) ay sanadkii ugu yaraan ku bixiso  £5 milyan ( Shan Milyan oo lacagta Ingiriiska ah ) kaliya u turjumaadda luuqadaha dadka cabashooyinka u gudbiya.

Tirakoob ay samaysay hay’adda Faafinta rasmiga ah ee Xogta, waxa lagu sheegay in sanadkii 2011 oo kaliya ay waaxdaasi isticmaashay 271,695 Turjumaan, kharashkoodana lagu bixiyay lacagta laga qaado cashuur bixiye-yaasha, taasi oo 3.5 million kamid ah lagu shubay xisaab-bangiyeedka shirkadda BIG Word oo ah shirkad qaabilsan adeegyada fasiraadda in ka badan 140 luqadood.

Natiijada ka soo baxday tirakoobkan waxa kale oo lagu xusay in cabashooyinka dadku soo gudbiyaan loo isticmaalay  22,000 oo jeer bil kasta turjumaanada dhinaca Telefoonka, halka dadka fool-ka-fool loola kulmayna laga isticmaalay 13,000 oo goor  sanadkii.

Tibaaxaha cabiradan  waxa cadeeyey xaqiiqo-nimadooda, xog-hayaha hayada shaqada iyo bisilka, Duncan Smith oo jariiradda Daily Mail u sheegay in qorshahan la meel marinayo todobaadkan, haseyeeshee warar laga helayo ilo-wareedyo madax-bannaan, ayaa sheegaya in meel-marinta qorshahan la hakiyay kadib markii uu ka hor yimid raysal-wasaare xigeenka Ingiriiska Nick Clegg.

Si kastaba ahaatee, qorshahan oo uu dabada ka riixayo hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka Raysal-wasaare David Cameroon, ayaa u muuqata mid ay ku kala aragti duwan tahay dawladda Wadaagga ah ee Ingiriisku, iyada oo ay muuqato in Raysal-wasaare ku-xigeenka Nick Clegg oo hoggaamiysa Xisbiga Liberal Democrats-ku uu qorshahan ka soo horjeedo, waxaanay arrintani u saamaxaysaa dadka soo-galootiga ah in ku-hadalka luuqadda Ingiriisigu aanay ka xannibayn lacagaha ay marka hore heli jireen.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories