HomeDawladaha Somaliland iyo Jabuuti oo Hadallo Is-khilaafsan ka yidhi Go’aanka lagu sababay...

Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti oo Hadallo Is-khilaafsan ka yidhi Go’aanka lagu sababay in la xidho Xuduudka u dhexeeya labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Djibouti (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Xuduudka u dhexeeya labada waddanka oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey la hakiyey isku-socodka gaadiidkii ka tallaabi jiray, taas oo lagu sheegay mid salka ku haysa xaalado dhinaca amniga ah oo mandaqadda ka soo cusboonaaday.

Xuduudka u dhexeeya labada waddan, ayaa xidhnaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaanay taasi saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku nool magaalooyinka u teedsan xuduudka labada waddan oo dhinaca dalka Jabuuti ka heli jiray adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, sida khudaarta iyo raashinka kale. Waxaanu warka xidhidhitaanku soo baxay isla markaana xaqiijiyey badhasaabka gobolka Selal oo dorraad warbaahinta la hadlay.

ismail-omar-geleHaseyeeshee, Wasiirka ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cali Maxamed Cilmi oo maalmihii u dambeeyey socdaal shakhsi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa mar uu war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Saylac oo uu shalay soo gaadhay, waxa uu sheegay inaanu xidhnayn Xuduudku balse si ku-meel gaadh loo hakiyey isu-socodka labada dhinac isla markaana maalmaha soo socda la furi doono.

Wasiirka Amniga Cali Maxamed Cilmi, ayaa sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba kala socon arrintan, balse dawladda Jabuuti oo uu kala hadlay xidhitaanka Xuduudka u sheegtay inuu yahay go’aan xidhiidh la leedahay cabsi dawladda Jabuuti ka qabto falal amni-darro oo kooxaha xag-jirka ahi ku bartilmaameedsadaan dalkooda. Wasiirku waxa uu sheegay inay isku af-garteen dawladda Jabuuti sidii xayiraadda looga qaadi lahaa gaadiidka ku raran adeegyada bulshadu u baahan tahay ee isaga kala gudba xuduudka labada waddan.

“Waanu weydiinnay maamulka Jabuuti xadku inta uu xidhnaanayo, miynuu xidhnaanayaa mise waa la furayaa? Hawshaa nabadgelyo ee ay sheegeen waxaad ogtihiin in waddanka ay jaarka nahay ee Soomaaliya uu qarax ka dhacay, sidaa darteed, iyaguna iyagoo hubinaya wixii xuduudahooda ka soo galaya, ayay u hakiyeen, Saakaba (shalay subax) waa la sii daayey wixii khudbad ahaa ama caanihii geli jiray, siday ballantuba ahayd ee aanu shalay (dorraad) kala hadalnay qolada ammaanka ee xuduudka ku shaqada leh. Wixii kalena inay Barri (maanta) fasaxaan baanu isku ognahay,” sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka oo la weydiiyey haddiii ay xukuumad ahaan lagu war-geliyey xidhitaanka, waxa uu ku jawaabay, “Arrinkaasu wuxuu ahaa arrin xaggooda ka yimi oo nabadgelyadooda taxaddar u samaynayaan, laakiin muu ahayn arrin laga wada-hadlay.” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

Dhinaca kale, madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sababeeyey go’aanka dawladdiisu ku xidhay xadka waddankiisu la wadaago Somaliland, ayaa sheegay inaanu jirin xuduud la xidhay balse la xoojiyey baadhitaannada lagu sameeyo dadka iyo gaadiidka u tallaabaya dhinaca dalkiisa, waxaanu tallaabadaas ku tilmaamay mid ay ka wada-socdaan isla markaana ay isla ogyihin masuuliyiinta labada waddan.

“Anigu ma ogi..xidhis ma jirtee, kaantaroolbaa jira,” ayuu yidhi madaxweyne Geelle oo shalay u warramayey laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da. Mar la weydiiyey in la hakiyey isu-socodka gaadiidka iyo shacabka labada dhinac, waxa uu madaxweyne ku jawaabay, “Lama hakin ee waa in hagaag loo baadho, waana wax ay isla ogyihiin dadkayaga iyo Reer Somaliland-ba.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayey sababta xilligan ku soo beegtay ammaanka xuduudka ee la adkeeyey, waxa uu sheegay inay la xidhiidho hanjabaad kooxda Al-Shabaab ku sheegtay inay ku bartilmaameedsanayso danaha Reer Galbeedka.

“Waa digniintaa iyo taxaddarkaas bahalladaas (Al-Shabaab) ku saabsan ee wax kale ma jiraan,” ayuu ku jawaabay madaxweyne Geelle oo la weydiiyey waxa uu salka ku hayo go’aanka dawladdiisu ku xoojinayso Ammaanka Xadka u dhexeeya labada waddan.

Si kastaba ha ahaatee, In kasta oo xidhista xuduudka labada waddan ahayn markii u horeysay, dhowr jeer ooo horena sidan oo kale loo xidhay, waxa uu madaxweynaha Jabuuti sheegay in aan la xidhin xuduudka labada waddan balse la xoojiyey baadhitaannada, isla markaana uu yahay go’aan ay labada waddan isla ogyihiin. Balse wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaah Gudaha Somaliland, waxa uu xajiiyey inaanay xukuumad ahaan waxba ka ogeyn xidhista Xadka, yahahna go’aan ku kooban dawladda Jabuuti.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories