HomeDawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo wada-hadal ka Yeeshay Xal-u-helidda Caqabado la soo...

Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya oo wada-hadal ka Yeeshay Xal-u-helidda Caqabado la soo darsay Ardayda Somaliland ee Wax ka barta Dalkaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada hadlay sidii Ardayda Somaliland ee wax ka barata dalkaasi looga ilaalin lahaa olole dalka Itoobiya ku dabagalayo ajaaniibta Dalkaasi ku sugan oo ay ka mid yihiin Dalalka jaarka ahi.

Tan iyo intii Dawladda Itoobiya qab qabatay kooxo doonayey in ay qaraxyo ka fuliyaaan caasimadda Addis Ababa waxa soo baxaya walaac soo food saaray dadka Somalida ah maadaama dadka la qab qabtay ay ka mid yihii Somali, kadib markii sida hay’addaha Amaanku sheegeen Dawladda Itoobiya go’aansatay in ay dabagal ku samayso Ajaaniibta Dalkeeda ku sugan.

Arrintan ayaa walaac ku abuurtay Ardayda Reer Somaliland ee dalkaasi ku sugan oo marka ay dalkaasi waxbarasho u tagayaan u qaata Visa kooban balse aan qaadan Visa deganaansho ah waxaana masuuliyiinta Xafiiska Somaliland ku leedahay Addis Ababa ku eedeeyeen inay ka gaabiyeen shaqadooda ahayd in ay u dalbadaan balse iska daa in ay u dalbadadaane ay is dul tuulmeen miiskooda codsiyadii Ardaydu.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Mawliid Maxamuud Ibraahim oo aanu caawa khadka Telefoonka kula xidhiidhnay si aanu cabashada Ardayda iyo Waalidiinta wax uga weydiino isla markaana aanu war faahfaahsan uga helo talaabooyinka ay Itoobiya qaadayso waxa xukuumad ahaan uga qorshaysan si Ardayda Reer Somaliland uga badbaado ayaa sheegay in maanta Labada Dawladood kulamo ka yeesheen arrintan isla markaana guddi wadajir ah oo labada dal ah loo saaray tirakoobka Ardayda Reer Somaliland ee wax ka barata Dalkaasi.

Wasiir Mawliid waxa uu sheegay xafiiska Somaliland ee Addis ababa in uu maanta kulamo la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibeda Dalka Itoobiya, taasoo balanqaaday in ay Ardayda Reer Somaliland u samayn doonto qaab iyo sharciyad ay waxbarashadooda ku sii wataan isla markaana lagula socon karo dhaqdhaqaaqooda, iyadoo la tixgelin doono inta hawshaas looga dhamaynayo kaadhadhkooda Jaamacadaha.

Dhinaca kale, waxa isa soo taraya Cabasho ay Ardayda Reer Somaliland ee waxbarashada dalkaasi u doontay ay kala kulmeen in ay helaan ogolaanshaha Jamaacdaha Dalkaasi iyagoo sabab uga dhigay Visa la’aanta ay dalkaasi ku joogaan, waxaanay wasaaradddaha Arrimaha Dibeda iyo waxbarshada Somaliland ku eedeeyeen in aanay u suurtogelin fursad ay Dawladda Itoobiya kaga codsadaan in Visa ayaal la siiyo.

XIGASHO: Hawdmedia.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories