HomeDawlada Siilaanyo Iyo Somalilandba Waxa La degey Wasiiro aan Lahayn Wax Waayo-Aragnimo...

Dawlada Siilaanyo Iyo Somalilandba Waxa La degey Wasiiro aan Lahayn Wax Waayo-Aragnimo ah‏ – W/Q: C/Qaadir Jamac (Dacar)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdiqaadir Jaamac Ismaaciil
Cabdiqaadir Jaamac Ismaaciil

Ninka Ugu ildheerbaa dadka ugu ayaan daran:

Madaxwene Siilaanyo qudbadiisu waxa ay ahayd mid faan faan ah oo ka fog xaqiiqda dhab ta ah ee jirta. Marwalbana waxa dadka masaakiinta lagu mashquuliyaa  Mudaharaado si looga leexiyo Dadka Xaqiiqda dabta ah ee Jirta.

Waxa uu inoo sheegay Madaxweyne Siilaanyo in maaliyadii ay korodhay. Midan ayaa  macnaheedu yahay Hayadihii Samafalka ayaa kordhiyey micaawamadii ay ina siin  jireen. Oo Madaxweynuhu waxa uu ku faanayaa, Tuugaysi iyo Baryootan.

Somaliland ma dhoofin oo Kama faa,iidaysan, Dallaga Beeraha AMA Dallaga Baddaha  AMA ka Xoolaha midna, wax soo saarna Wadanku malaha, Marka waliba la eego house  hold income ka Iyo waliba macaashka ay samaynayaan baayac mushtarkub hoos ayuu u  dhacay, hadana Madaxweynuhu waxa uu inoo sheegayaa maaliyadii ayaa korodhay, oo  xagee wax ka yimaadeen wax soo saarba productivity ma jiree. Madaxweynuhu ma  jeebkiisa ayuu Xoogaa Kaga daray Maaliyadii, Waa yaab!!!!!! maaliyada korodhay  Waa Hayadaha samafalka oo kordhiyey caawimadii ay siin jireen Wadamada saboolka  ah sida Somaliland intaas ayuu ku faanayaa madaxweynuhu.

Fees and Fines, Cashuuraha, dawladaha dadkooda jecel ee Korinaaya Dhaqaalahooda  iyo dadkooda, dadka Way ka dhimaan cashuuraha, ee kuma Kordhiyaan, Tusaale: Dawladii Riyaale Waxa ay baayacmushtarka ka dhimi Jirtey Cashuurta alaabada ay  keensadaan, Baayac Mushtarkuna dadka ayay qiimaha ka dhimi jireen. sababtaas ayaa Muceeshadu u jabnayd Xiligii riyaale, iminka Cashuur badan ayay Saarataa  dawladu alaabada dekada ka soo degta, baayac Mushtarkuna dadka ayay ku wareejiyaan cashuurtaa badan sababtaas ayaa raashinka iyo alaabada kale aad ugu  qaali tahay Marka loo eego Xiligiii Riyaale.

Dawladaha Dhaqaalahooda danta ka lihi, waxa ay siiyaan dadka Fursado ay lacag ku macaashaan, Sida Cashuurta oo laga Yareeyo, midan ayaa Baayacmushtarku ku Koraa oo ku Shaqaalaysiiyaa dad badan, dawladu markii ay korshisey cashuurii waxa kale oo ay la degtey baayacmushtarkii oo aan lacag samaynin Shaqaalana aan Qoranaynin.

Wax Barashada: waxa Si qiiro ah oo aan Xikmadi ku jirin looga dhigay  waxbarashadii Free, iyada oo aan loo Diyaarin Fasalo, macalimiin iyo agabka  waxbarashada oo ku filan, midan ayaa hoos u dhigtay tayadii waxbarashada. ileen markii waxbarashadii Free laga dhigay Waxa qolkiiba soo fadhiistay 60 ilaa boqol arday oo aan macalin haysan ileen macalimiin looma tababarine.

Biyaha, iyo Wadooyinka, Maadaama ay Hayadaha Samafalku kor dhiyeen Caawimadii ay siin Jiriin wadamada Faqiir ka ah Sida Somaliland, wax ay dadkii u dheseen Ceelal iyo Wadooyin, ma aha Ceelasha iyo wadooyinka iyo Dhakhaatiirta wax Xusbiga Kulmiye uu sameeyey waxa inoogu deeqay Hayadaha samafalka, waa wax ku yimi Tuugaysi iyo Baryootan ma aha waxa aynu ku Keenay Maskax iyo Muruq.

Dinaca arrimaha dibada, Somaliland waxa lagu ixtiraamaa darajadii ugu hoosaysey  ee abid lahu ixtiraamo.

Waxyaabahaa aan sare ku soo xusay oo dhan waxa keenay, Waayo arag la,aanta  dawlada, Shaqaalihii Xirfada lahaa oo lagu bedeley Shaqaale aan Xurfad lahayn oo  Ku yimi Garabaysi iyo abaalgud. waxaana mushaakilkan lagaga sabo-tabixi karaa  iyada oo Xukunka lagu soo celiyo ragii waayo araga ahaa, oo uu wasiiradan  Curdaynka ah Bedelo Siilaanyo isaga oo ku badelaaya, Cirro, Cabdilaahi yare,  Riyaale, Cawil ambasador ragaas leh maskaxda waayo aragnimada iyo kartida dheeraadka ah.

Dadkan uu ku soo Urruriyey Siilaanyo Meesha, Waxa ay la degeen horumarkii Wadanka Gudo iyo Dibadba waana lagama maarmaan inuu doonto dad u qalma hawsha oo gudan kara xilkooda

Ninka ugu ildheerbaa Dadka ugu ayaan Daran.

Cabdi Qadir Jama Ismail [Dacar]

USA, CA

Gobanimodoon@sbcglobal.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories