HomeDawlada Kenya oo sheegtay in Somaalida Aan Shirciga lahayn ay ku Celin...

Dawlada Kenya oo sheegtay in Somaalida Aan Shirciga lahayn ay ku Celin doonto Somaaliya

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Kenya(SLPOST)Xukuumadda Kenya ayaa billaabaysa manta ilaa bari inay dib ugu soo celiso Soomaaliya in ka badan 80-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu qab-qabtay howlgalladii tan iyo toddobaadkii hore ka socda magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badan tahay ee Islii.

images (1)

Dadkan ayaa la sheegay inay yihiin kuwo aan haysan dhalashada dalka Kenya, lana go’aamiyay in Soomaaliya lagu celiyo, waxaana dadkan ay isugu jiraan, rag, dumar, carruur iyo waayeel, kuwaasoo ku xirxiran xabsiyada magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynaha Kenya, Uhuru Keynyatta ayaa ku heshiiyay in dadka sharciga leh ee lagu qabtay howlgallada laga sii daayo xabsiyada, kuwa aan sharciga lahaynna dib loogu celiyo Somalia.

Booliiska dalka Kenya ayaa magaalada Niarobi ka billaabay howlgallo ay si gaar ah ugu bartilmaameedsanayaan Soomaalida ku nool xaafadda Islii, inkastoo booliisku ay iska fogeeyeen eedeyntaas ayna sheegeen in howlgalladu ay yihiin kuwo gabi ahaan Nairobi ka socda.

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Ameerika ayaa sheegay in dadka dib loogu soo celinayo Soomaaliya ay yihiin kuwo iyagu doortay in lagu celiyo dalkooda Soomaaliya, balse aysan ahayn kuwo la qasbayo.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku boorriyay Soomalaida Nairob ku nool inay kala shaqeeyaan dowladda dalka ay ku nool yihiin sidii amniga loo adkeyn lahaa, loogana hortegi lahaa kuwa qaraxyada geysanaya.

Xukuumadda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ay ku celinayso Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis taas kula gashay dowladda federaalka Soomaaliya, balse celinta ay tahay mid qofku uu iskii u dooranayo.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories