HomeDawlada Itoobiya oo Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Gabiley u soo Ganac-gelisay...

Dawlada Itoobiya oo Laanta Socdaalka Somaliland ee Gobolka Gabiley u soo Ganac-gelisay Tahriibayaal dhalinyaro u badan oo ay ka soo qabatay Xuduudkaa ay la wadaagto dalka Sudan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

taliyahaTog-Wajaale (SLpost)- Dowlada Itoobiya ayaa Xukuumada Somaliland usoo gacan galisey Tahriibayaal u dhashey wadankan Somaliland oo tiradoodu dhameyd todoba iyo afartan tahriibe oo isugu jira rag iyo dumar kadib markii laga soo qabtey Xuduuda u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya iyo Gudaha dalka itoobiya labadaba.

Tahriibayaashan oo awal hore marka lasoo gacangaliyo loo dhiibi jirey ama lagu wareejin jirey waalidiintooda ayaa, deyrtan looga dhaartey taas, oo sitoos ah loogu gudbiyay ilaa Dhinaca Caasimada Hargeysa halkaas oo lala beegsanayo in ciqaab edaab ah loogu diro Xabsiyada dalka.

Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Cabdirashiid Axmed Xasan ee fadhigiisu yahey Xarunta Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee xuduuda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya oo warbaahinta xogwaran kasiiyay ayaa sheegay in laga soo qabqabtey dhinaca xuduuda itoobiya iyo Suudaan u dhexeysa iyo gudaha dalka Itoobiya, waxaanu xusey Taliyihu in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo labada dal ee Itoobiya Somaliland labadooda Xafiis ee socdaalka ee kukala yaala Magaalooyinka Tog-Wajaale dhinaca Itoobiya iyo dhinaca Somaliland ee xuduudku kala qeybiyo.

“Waxaan kula soo wareegay tahriibayaashan dhinaca Xafiiska laanta socdaalka ee itoobiya Tog-Wajaale halkaas oo ay todoba iyo afartan kan qof ee tahriibayaasha ah iigu dhiibeen saraakiisha laanta socdaalka dalka itoobiya xafiiskoodaa wajaale dabcan xafiiskana waxaa naga dhexeeya xidhiidh wanaagsan oo maalin walba tahriibayaasha ay qabtaan ayay nagu soo waeejiyaan ee dhinaca Somaliland anaguna sidaas oo kale ayaanu ugu wareejinaa tahriibayaasha u dhashey dalka itoobiya oo dhinacan ka gudbaya markaanu qabano, waxaana tahriibayaashan maanta dalka itoobiya nagu soo wareejiyeen loola dhaqmayaa si ka duwan sidii aanu awal hore ka yeeli jirney maxaa yeelay awal hore waxaanu gudoonsiin jirney waalidiintooda laakiin maanta looma dhiibayo, dhamaantood waxaanu ka qaadeynaa sawiro iyo faro waxaananu ugudbin doonaa Taliska Qeybta Booliska Gabiley, waxaananu ku wargalinaynaa cidii aanu sawiradaa ka qaadney ee mar labaad aanu gacanta ku dhigno waxey muteysan doonaan xadhig, waxaananu ka codsaneynaa gudida ladagaalanka tahriibta iyo Labada Gole ee sharci dajinta qarankaba in ay dhakhso inooku sameeyaan xeerkii ciqaabta ahaa ee tahriibayaasha iyo cidii wax tahriibineysaba maxaa yeelay marka aanu tahriibayaasha ugudbino Saldhiga Booliska Tog-Wajaale waxaa dhacda in waalidkood qaarkood yidhaahdaan sii daaya ha tahriibaane sidaa daraadeed hadaan lahayn xeer ama sharci lagu hayn karo tahriibayaasha aanay joogsaneynin lamana hayn karo 24 saac ilaa sideed iyo afartan saac wax ka badan hadii sharcigaa iyo xeerkaa la heli lahaa waxaan hubaa in ay joogsan laheyd tahriibtan xooga usocotaa maxaa yeelay maalin kasta waxaanu qabanaa dhalinyaro rag iyo dumarba leh, qaar aanu waalidkood ku wareejinay ayaa hadana soo gudba waanay adag tahey in qof saacaduu jaanis helaba baxsado o socdaalo oo tahriibo la joojiyo,” Ayuu yidhi Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

TogwajaaleWaxaanu ugu dambeyntii hadalkiisa baaq usoo jeediyay in ay Culumaa,udiinka Somaliland iyo culimaduba ka qeyb qaataan wacyigalinta tahriibtaiyo dhibaatada ay leedahay oo ay kaga hadlaan khudbadaha jimcaha iyo muxaadraooyinkaba sheegaana waxey ay diinteena Islaamku ka qabto haligaada nafta la haligayo iyo hadimada tahriibta, Waxaanu ku gunaanadey hadalkiisa in cid kasta oo ay qabtaan iyagoo tahriibaya ay sharciga horgeyn doonaan oo aan hada kadib lagu sii deyn doon si dhayal ah.

Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee fadhigeedu yahey Magaala Xuduudeedaasi ayaa maalin walba lagu soo qabtaa tahriibayaal u badan dhalinyaro aad u da,yar kuwaas oo aan intooda badan sahey iyo saruurad midna wadan islamarkaana, beegsanaya hadimo iyo dhibaato tahriib ah oo aanay ku nabed galin intooda badani taas, oo qeylo dhaantooda la ogaado bilo kadib marka ay ku leedaan badaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga.

SOMALILANDPOST.NET

Tog-Wajaale, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories