HomeDawlada Hoose oo Bilowday Banneynta Iyo Dhismaha Wejigii 2aad ee Waddada Boqol...

Dawlada Hoose oo Bilowday Banneynta Iyo Dhismaha Wejigii 2aad ee Waddada Boqol Iyo Kontonka oo lagu Xidhayo JIdka Laamiga ah ee Berbera

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa ahna Maayarka Caasimada dalka Md.Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) ayaa sheegay inay maanta si rasmi ah u bilaabeen banaaneynta wejigii 2aad ee Waddada Boqol iyo kontonka qeybta Xaafada Gacan Libaax ee Waqooyiga magaaladda Hargeysa,taas oo ay isticmaali doonaan gaadiidka xamuulka ka soo qaadda Dekadda Berbera ee ku socda  dalka Ethiopia.

Dhismaha iyo Banaaneynta  Waddadan boqol iyo Kotonka oo ah wejigii 2aad ayaa waxa uu qorshuhu yahay in lagu xidhi-doono waddada laamida Berbera tagta,kadibna ku wareegi doonta Magaalada Hargeysa oo isku xidhi doonta dhamaan xaafadaha magaalada si ay u yaraato saxmada ama cidhiidhiga Gadiidka dhex maraya Magaalada dhexdeeda.

Ijineerka dhulka dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysa Eng.Cabdilaahi Ubaxle oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxay ka mid tahay Golaha cusub ee deegaanku waxyaalaha ay dadka ay doonayaan inay u qabtaan, waxaanan waddadan ka soo bilaabatay halka ay kaga dhacdo waddada Galbeedka Magaaladda Hargeysa kuna wareegi doonta illaa Koonfurta Magaaladda Waxaana lagu xidhi doono Waddada Berbera tagta,taas oo loogu tallo-galay inay magaaladda ku soo wareegto”

OLYMPUS DIGITAL CAMERAGudoomiyaha dhul bixinta  dawladda Hoose  Caasimada Hargeysa Xildhibaan Maxamed Timacadde oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waddadan Boqol Iyo Kotonku waxay ku dhici-doontaa waddada Berbera, waxaanay ka talaabi doontaa oo waxay ku xidhmaysa wadada Maxamed Mooge illaa Star-bay soo mari doontaa,waxaan ugu baaqayaa dadweynaha inay ka urur-sadaan dadka degan waddooyinkan dhex-deedda marka waa inay baneeyaan jidka ay marayso waddadan,”

Xildhibaan Timacade mar uu la hadlayey tijaarta Somaliland waxa uu yidhi “Tijaarta Magaaladan Hargeysa  waxaan leeyahay ka qaybqaata dhismaha waddadan oo hal-bawle u ah magaaladda”.

Maayarka Caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (SOLTECO) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay waddadan Boqol iyo Kotonki ay hal-bawle u tahay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, isla markaana ay mari-doonaan Baabuurta Rarka u sida dalka Ethiopia iyo Goboladda Galbeedka:“Waxaan halkan ka bilaabeynaa Wejigii labaad ee waddadan Boqol iyo Kotonka,waxaana wejigii hore ka soo bilaabmay Buurta kala-jeexan ee Galbeedka magaaladda,”

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMd. Maayar SOLTECO mar uu la hadlayey dadweynaha waxa uu yidhi“Waxaan u sheegayaa dadweynaha meelaha la baneeyo sii degaya, horta waddo labaneeyey dhul lagu heli maayo ee waa dambiile waana qaadicul-dariiq qofka dega waddo badhtankeeda”

“Dhismaha Wadadan boqol iyo kotonku waxay saxmadda ka yareynaysaa waddooyinka magaaladda dhexdeedda mara, oo waxaanu magaaladda dhexdeeda u samaynay cagaf-cagafyadda oo dirawaliinta midba galin shaqeyn doonta oo baneen doono wixii waddo la xidhay”.Ayuu yidhi Maayarku.

Maayarka  Caasimada Hargeysa waxa uu ka codsaday shacab-weynaha reer Hargeysa inay la shaqeeyaan dawlada Dawlada Hoose si ay wax baddan u qabtaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Hadaan wax la wada qabsan waxba ma qabsoomayaan ee gacmaha aynu is-qabsano oo aynu wada-shaqeyno, qofku haddii uu xashiishku hortiisa dhigay intee ayey shaqaalaha iyo xildhibaanaddu u   qaybsami karaan labaddii boqol ee Guriba qof-baa ku soo hagaagaya ee aynu ka wada-shaqayno wixii bilicdda wax u dhimaya”

Guddoomiyaha Degmadda Gacan-libaax Maxamed Salaad (Maxamed Subeer) oo isna halkaasi ka hadlaya waxa uu sheegay in marka waddadan la dhameeyo waddooyinka degmaddan ee xidhan ee dhirta iyo dhagxaantu xidheen la baneyn doonno.

Dadweynaha xaafada gacan Libaax ayaa soo dhaweeyey waddadan loo sameynayo,kuwaas oo sheegay inay waddo xumo jirtay,isla markaana aanay hore maayaradii soo maray magaaladda aanay hore u soo booqan, iyagoo aad ugu bogaadiyey sameynta waddadan

Sidoo Kale, Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan SOLTECO  waxa uu saaka  subixii kormeer kadis ah ku tagay degmadda Gacan-libaax iyo Degmadda Axmed Dhagax oo uu soo kormeeray qaabkay u shaqeynayaan iyo sida ay hawluhu u socdaan, waxaaanu shaqaalaha iyo masuuliyiintii degmooyinkaasi iyo dadweynihii xafiisyadda joogayba wax ka waydiiyey qaabkay shaqaddu u socoto.

Golaha Deegaanka cusub ee Caasimada Hargeysa oo uu hormuud ka yahay Maayarka Caasimada Hargeysa ayaa labadii bilood ee u danbeeyey bilaabay dardar xoog leh oo ay ku hagaajinayaan, isla markaana ku dhisayaan waddooyinka Magaalada Hargeysa iyo bilicda-ba,waxaanay muddooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanaayeen sidii wax looga bedeli lahaa nidaamkii ay hore dawlada Hoose ee Caasimada Hargeysi ku shaqeyn jirtey.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories