Home“Dawada Khilaafka UCID Waxa Haya UCID” Cali Guray

“Dawada Khilaafka UCID Waxa Haya UCID” Cali Guray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiye xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in khilaafka Ucid ku kooban yahay Guddoomiye Faysal iyo musharax Jamaal Cali Xuseen. wuxuu sheegay in sharciga xisbigu saari karo khilaafka, balse aan cid kale loo doonayn. qoraal uu soo fadhigay barta uu ku leeyahay Facebook-ga ayuu ku bilaabay sidan;

Aragtida Khilaafka Ucid ee Cali Guray:

“HA I DHAAFININ AAGA

INTAAN KU DHASHEE”

Anigu cudurka fardaha gala kama gubo dameeraha. UCID waa run oo khilaaf gudihiisa ah ayaa jira hadana jinkii Kulmiye galay ayaa galay oo kaarinaya.

Khilaafka UCID si marka loo eego wuu ka sahlan yahay kii Kulmiye oo waxa uu ku kooban yahay Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Xisbiga iyo Jamaal Cali Xuseen oo ah Musharaxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID. Faysal gudoomiyaha waxa ka dhigay Xeerka UCID halka uu Jamaalna ka dhigay Musharaxa Madaxwaynaha.

Aniga iyo inta ugu tirada badan masuuliyiinta UCID ma kala raacsanin shakhsiyaad balse waxaannu heshiis ku nahay in aannu si wada jir ah u difaacno sharciyadda xisbiga iyo danta higsigiisa ah inu noqdo xisbiga ka taliya Somaliland.

Hadaba anigu waan qabaa in UCID uu heli karo fursad uu ku gaadhi karo higsigiisa balse marka hore waxa qasab ah in hogaanka xisbiga iyo kadariintiisuba ay u midaysan yihiin danta xisbiga kana hor mariyaan danaha ay gaar gaarka u kala leeyihiin kana gaashaan taan farogelinta xukuumadda waayo xukuumadda xisbigeedi ka badbaadi waayay ee burburisay xisbiga kale ee fursad u siiya inay burburisana way burburin oo ka nabadgeli maayo. Waayo dee horay soomalidu u tidhi: GUDIN YAHAY HADAAN BADHKAY KUGU JIRIN IMAAD GOYSEEN.

Hadaba waxa jira dad khilaafka UCID ee soo jireenka ah buunbuuniya oo ka rara UCID oo weliba dhaafiya Somaliland oo dhan kana dhiga khilaaf laga wado dhinaca Dawladda Djibouti si ay u sii murgiyaan khilaafka murugsan ee UCID dawadiisana u sii fogeeyaan. Qaarkood waxay iska dhigaan inay UCID u hiilinayaan lakiin runtii way ka hiilinayaan. Anigu waan ka soo horjeedaa kuwaa ku tidhi ku teenka iyo wax aanay cadayn karin ee weliba cayda iyo af legaadada ugu geysta madaxda Dhibouti waxanan leeyahay waryaa Ha I Dhaafinin Aaga Intaan Ku Dhashee. Dawada khilaafka UCID waxa haya Ucid cid kalena kagama xidhana.

Xisbiga UCID ayaa dhawaanahan khilaaf soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu saraysa taas oo uu musharixii madaxweyne-xigeen ee xisbiguna daliil uga dhigay iscasillaaddiisii.

 

Somalilandpost.net,

Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories