HomeDastuurka Rwanda oo Wax-ka-bedel lagu Sameeyay

Dastuurka Rwanda oo Wax-ka-bedel lagu Sameeyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Xildhibaanada dalka Rwanda ayaa waxa ay meelmariyeen isbadello lagu sameeyay Dastuurka kuwaasi oo u ogolaanaya Madaxweyne Paul Kagame in uu mar saddexaad xilka u tartamo.

Si kastaba ha ahaatee, labada xilli ee uu madaxweyne dalkaasi maamuli karo ee markiiba ah 7-da sano ayaa waxaa hoos loogu dhigi doonaa 5 sano.

Hasayeeshee arrintan ayaa waxa ay dhici doontaa oo kaliya wixii ka dambeeya doorashooyinka 2017-ka, sanadkaasi oo ah markii uu Madaxweyne Kagame xilka ka degi lahaa.

Meel marinta xildhibaanada ayaa timid kaddib codsi dalka oo dhan ku baahay oo ugu baaqayay baarlamanka in uu wax ka badelo dastuurka haatan jira.

Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay sheegayaan in codsiga lagu taageeray in ka badan 3.7 milyan oo saxeex.

Hasayeeshee dadka naqdiya arrimaha Rwanda ayaa sheegaya in howsha aanay ku dhicin hab furan, xor ah oo hufan.

Xildhibaanada baarlamanka ayaa si wadajir ah waxa ay u go’aansadeen in madaxweynaha la doorto 2017-ka uu dalka maamuli doono muddo 7-ba sana ah.

Iyadoo doorashada taasi xigtana la dhaqan gelin doono in min shan sano ay noqoto labada xilli ee madaxweyne la dooran karo.

Madaxweyne Kagame ayaa weli waxa uu u tartami karaa doorashooyinka 2017-ka. Waxaana suuragal ah haddii uu doonayo inuu markale tartamo marka shanta sano loo badelo xilliga madaxweynaha uu jagada hayn karo.

Marka arrintaasi la eegana, wax ka badelka dastuurka ayaa waxa uu u ogolaanayaa madaxweyne Kagame in uu dalkaasi ka talin karo ilaa iyo 2034-ta.

Isbadelka lagu sameeyay dastuurka ayaa haatan waxa ay tahay in uu ansixiyo Senate-ka ka hor inta aanan loo dareerin afti dadweyne oo lagu go’aamin doono in dadku ay taageeraan iyo in kale dib u eegidda lagu sameeyay dastuurka.

Isbadelka lagu sameeyay dastuurka ayaa mucaaradad yar kala kulmay gudaha dalka, hasayeeshee Mareykanka ayaa arrintaa ka soo horjeestay.

Madaxweyne Kagame ayaa lagu amaanaa kabista dhaqaalaha Rwanda kaddib xasuuqii dalkaasi ka dhacay sanadkii 1994-tii. Balse waxaa si joogta ah loogu eedeeyaa in uu caburiyo warbaahinta xorta ah iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories