HomeDastuur ku Sheegga Muqdisho Lagu Dhoobdhoobay Waa Mid Faalso ah oo lagu...

Dastuur ku Sheegga Muqdisho Lagu Dhoobdhoobay Waa Mid Faalso ah oo lagu Riyooday

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxaa Dhawaan lagu soo gabogabeeyay magaalada Muqdisho wax lagu tilmaamay Dastuur oo la sheegay inay ansixiyeen Odayaal guraangur ah iyo dagaal ogaayaal kala duwan iyo waliba kooxo  wax ma garato ah oo inta barxad muqdisho ku taala la isugu keenay ku dhawaaqay inay gacan u taageen oo ay ku ansixiyeen wax ay ugu yeedheen Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed. Dastuur ku sheegaas faalsada ah ee ay tilmaameen inay ansixiyeen ayaa waxay si indho la’aan ah oo aan aqoon iyo caqli tooni  ka muuqan ay ku sheegteen Dhulka iyo Xuduudaha daahirka ah ee  Jamhuuriya Somaliland, xuduudahaas  oo ah qaar lama taabtaan ah oo aanay jiri karin cid awood u leh inay kusoo xad gudbto taako ka mid ahi.

Sida laga warqabo Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland iyo shacbigeedu waxay mar walba u Rabbi tuugayeen in Nabadgelyo iyo nidaam dawladnimo uu ka hirgalo dalka Soomaaliya ee aanu deriska nahay, waxaa kale oo Jamhuuriyada Somaliland ay ka gaabsatay oo ay ka fogaatay in ay marnaba ku lug yeelato ama ay faraha la gasho colaada ragaadisay dalkaas Soomaaliya , waxaa kale oo Jamhuuriyada Somaliland ay dhabarka u ridatay inay qaabisho boqolaal kun oo Qaxooti ah oo reer Soomaaliya ah iyada oo waliba xukuumada Somaliland iyo Shacbigeedu ay kaalmo buuran u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee colaadaha iyo abaaruhu ay ragaadiyeen marar badan.

Dhinaca kale waxa Xukuumada Somaliland ay markii u horreysay ay ogolaatay inay Wada hadal buuxa ay la yeelato Xukuumada Soomaaliya si loo gaadho sidii Somaliland iyo Soomaaliya ay u noqon lahaayeen laba dal oo Madaxbanaan oo deris ah oo si nabadgelyo iyo walaalnimo ah u wada noolaada, waana mid ka go’an xukuumada Somaliland inay mar walba sii wado sidii xal kama danbays ah looga gaadhi lahaa xidhiidhka dhex mari doona mustaqbalka labada jamhuuriyadood ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Dastuurka Faalsada ah ee Muqdisho

Waxaa nasiib darro weyn ah arrintan ay ku kaceen reer Soomaaliya oo ay dastuurkooda faalsada ah ku sheegteen Jamhuuriyada Somaliland. Waxaana arrintan ay ku kaceen ee laab la kaca ahi ay tilmaan cad ka bixinaysaa sida aanuu caqli iyo garaad midna ugu kordhin Siyaasiyiinta horboodayaasha ka ah Soomaaliya, waxaa muuqata in aan caqli, aqoon iyo waayo aragnimo toona aanay ka   korodhsan jidkii dheeraa iyo taariikhihii qadhaadhaa ee soo kala dhex martay Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaa muuqata inay wali ku sii socdaan jidkii gurracnaa ee dhaxalsiiyay dhibaatada ay maanta ku dhex jiraan oo dunidu ay ka daashay inay wax ka qabato, waxa kale oo ay wali sii hayaan cadaawadii iyo cuqadadii ay u qabeen shacbiga reer Somaliland oo ay hore xasuuq ba’an ugu geysteen, waxaanay ku riyoonayaan inay mar kale u suurto gasho riyo beenaadii loo yaqaanay Soomaali weyn, taasi oo guud ahaan geeska afrika dhaxalsiisay burburka iyo rafaadka maanta  ka muuqda.

Reer Soomaliya waxay ilowsan yihiin in reer Somaliland ay xorriyada iyo madaxbanaanida ay haystaan aanay ahayn mid ku timi si sahal ah, sidoo kalana aan loo siin hadyad laakiin ay tahay xorriyad ay u soo mareen waddo dheer oo dhiig leh, xorriyad ay u dhinteen kumanaan kun oo geesi, xorriyad ay u dhaawacmeen kumanaankun oo halyeey, xorriyad ay u hanti iyo xoolo beeleen geesiyaashii dhaliyay xornimada Somaliland.

Waxa  ay reer Soomaaliya  is diidsiiyaan xasuuqii iyo barakacii ay u geysteen reer Somaliland, waxaanad moodaa inay garawshiyo iyo raali galin ay ka bixiyaan ha joogtee ay maanta mar kale si kibir ku jiro ugu fikireen inay dastuurkooda faalsada ah ee gacan ku rimiska ah ay ku qorteen in ay Somaliland ka mit tahay Soomaaliya.

Xuduudaha Dhuleed Badeed iyo Cireed ee  Jamhuuriyada Somaliland

Jamhuuriyada Somaliland waa qaran Madaxbanaan oo aan sinnaba loogu soo xadgubi karin Xuduudihiisa caalamiga ah ee Cirka, Dhulka iyo Badda, waxaana Qaranka Somaliland uu awood buuxda oo Siyaasadeed, Sharciyeed, Dhaqaale iyo Milatariba uu u leeyahay inuu ilaashado Xorriyada iyo Madaxbanaanida Muqaddaska ah ee Somaliland, sidoo kalana uu afka ciida u daro cid kasta oo ku soo xad gudubta. Waxaana shacbiga reer Somaliland oo ah shacbi nabadgelyo jeceli ay diyaar u yihiin in ay kula noolaadaan dalalka deriska ah nabadgalyo iyo ixtiraam talantaalli ku dhisan una khidmeeya guud ahaan shacbiga ku nool geeska Afrka., hase yeeshee marnaba reer Somaliland uma dulqaadan doonaan cidii ku soo xadgubta karaamadooda, sharaftooda iyo Madaxbanaanidooda qaali ah.

Ugu danbayn sida uu hore ummada ugu caddeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaano, Xukuumada Somaliland marnaba wadahadal iyo gorgortan midna ka gali mayso Xorriyada iyo madaxbanaanida Somaliland oo ah mid dadweynaha reer Somaliland ay Afti qaran oo xalaal ah duniduna ay goobjoog ka ahayd ay ku ansixiyeen sanadkii 2001 taasoo 97% ay codkooda ku ansixiyeen Xornimada Somaliland.

Waxaanu uga digaynaaa Shacbiga iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya ee wali ku hadaaqaya Midnimada Somaliweyn inay fahmaan waaqaca dhabta ah, kana waantoobaan wax kasta oo kala fogaynaa guud ahaan labada umadood ee Reer Somaliland iyo reer Soomaaliya, kana hortagaan inay horseed ka noqdaan colaado lagu hoobto oo geeska Afrika dib uga qarxa. Sidoo kale waxa xukuumada Somaliland ay dunida u gudbisay sida ay uga xuntahay in dastuur ku sheega Muqdisho lagu ansixiyay oo horseed ka noqon karo nabadgelyo darro gobolka geeska afrika ka dhacda.

Xukuumada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxaa ka go’an inay sii wado wadahadaladii ay la lahayd Soomaaliya marka ay xukuumad rasmi ah dhistaan, si loogu caqli celiyo looguna bayaamiyo in Madaxbanaanida Somaliland ay tahay mid aan marnaba gorgortan geli doonin loona baahan yahay sidii seeska loogu dhigi lahaa loona noqon lahaa laba dawladood oo deris ah oo walaalo ah oo xidhiidh wanaagsani uu ka dhexeeyo oo gacan ka geysta horumarka iyo deganaanshaha guud ahaan Afrika iyo Caalamka.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed 
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland

kaysar@europe.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories