HomeDaryeelka Ardayga:- Qiso Dhaba

Daryeelka Ardayga:- Qiso Dhaba

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa macalimadi is dhextaagatay aradaydii ay wax u dhigaysay oo fasalka Shanaad ku jirta, wayna salaantay iyada oo ku tidhi waan idin jeclahay dhamaantiin iyada oo isha ka dad-baysa hal wiil oo lagu magacaabo Teddy.

Wiilkaas dharkiisu had iyo jeer waa wasakhaysan yihiin, usgag ayaa ka muuqda, aqoontiisa waxbarasho aad ayey u hoosaysaa, had iyo jeerna isaga ayaa isku maqan oo wuu fakerayaa, xukunkan ay macalimadu wiilkan dusha ka saartay ee ay u aragto wiil aad u liita waa aragti ay ka dhaxashay muddadii ay wax u dhigaysay , sababtoo ah had iyo jeer lama ciyaaro aradayda , muuqaalkiisa guudna waa mid aad u liita, had iyo jeerka musqusha ayuu u cararaa.

Murugada ka muuqata awgeed ayey macalimadu kuba raaxaysataa marka ay buugiisa iyo waraaqahiisa imtixaanka saxayso qalinka cas iyo isku talaabta ayey u badisaa , waxayna ugu qortaa wuu dhacay warqad kasta.

Xaaladda wiilku ku sugan yahay markay aragtay ayey maalintii danbe waxay codsatay Faylashii iyo warbixinahii laga qori jiray sannadadii hore , waxayna guda gashay in ay ka soo bilowdo sanadkii uu ku jiray fasalka koowaad , iyada oo akhriyeysa ayaa waxa ay aragtay arrin ay u qaadan weyday.

Macalinkiisii sanadkii koowaad waxa uu ka qoray Teddy, waa wiil caqli badan , oo dadaala, hiba ilaahay siiyey , shaqada loo diro si wanaagsan u qabta ,si wanaagsan u habeeya casharada.

Macalinkii Fasalka Labaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray warbixin odhanaysa Teddy waa wiil wanaagsan oo ay jecel yihiin saaxiibadii , hasa yeeshee wer-wer iyo wal-bahaar ayaa ku soo kordhay ka dib markii hooyadii cudurka Kansarku ku dhacay.

Macalinkii Fasalka Sadexaad ayaa isaguna waxa uu ka qoray , Teddy geerida hooyadii ku timi waxay u taabatay si adag , wuu dadaalay laakiin aabihii ma ahayn mid daryeela wiilka oo ihtimaamsiiya , xaaladda gurigooda ka jirtaana raad weyn ayey ku yeelan doontaa , haddaan arrintaas wax looga qaban si deg deg ah.

Macalinkii Fasalka afaraad ayaa isaguna ka qoray. Teddy waa wiil isku maqan oo intaa fekeraya , wax niyad ah uma hayo waxbarashada , saaxiibo uu la sheekaystana fasalka kuma leh , wuuna seexdaa xilliga casharada lagu jiro ee wax labaranayo.

Halkaa markay warbixinihii macalimada la marayaan ayey ogaatay oo garawsatay Dhibaatada jirta, waxayna dareentay in ay ku xad gudubtay wiilka , wayna isku khajishay oo is canaanatay.

Xaalku macalimadu wuxuu ugu darnaa markii ardaydii ay had-yado waraaqo qurux badan ku jirta u keeneen , marka laga reebo wiilka Teddy, oo isagu ku soo duuduubay waraaqaha caadiga ah ee tukaamadu dadka adeega ugu laabaan.

Arrintaasi macalimadii raad ayey ku reebtay, ardaydiina waxay galeen in ay ku qoslaan Teddy iyo hadyadiisa foosha xun, hadyada Teddy waxay ahayd silsilad yar oo qoorta la sudho iyo quraarad cadar ah oo kala badhan.

Si lama filaan ah ayaa ardaydii qosolkii u joojiyeen markii ay macalimadii hadyadii ka guddoontay Teddy , isla markaana u sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay , si diiranna ugu mahad celisay , way xidhatay silsiladii yarayd markiiba , cadarkiina way isku shubtay, ”boofisay”.

Wixii maalintaas ka danbeeyey Teddy marka iskuulka laga baxo toos gurigooda uma tagi jirin, wuxuu sugi jiray intay macalimadiisu soo baxayso, maalintii danbey ayuu ku yidhi maanta waxaan kaa urinayaa hooyaday, oo aan kaa dareemayaa, markii uu intaas ku yidhi macalimadii oohin ayaa ilinteeda ka soo daatay, waayo Teddy wuxuu u sheegay in Cadarkii kala badhnaa ee uu hadyadda ugu keenay in hooyadii isku shubi jiray, meelna uu dhigtay oo uu ku ilaashan jiray , sidaas daraadeedna markii ay macalamidiisii isku shubtay uu soo xasuustay urtii iyo cadarkii hooyadii.

Maalintaa wixii ka danbeeyey macalimadii waxay guda gashay in ay aad u daryeesho Teddy, wuxuuna bilaabay Teddy in uu dadaalkiisii dib u soo celiyo murugadii iyo walbahaarkiina ka yaraado, sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday Teddy wuxuu ka mid ahaa ardaydii ugu darajada saraysay.

Teddy sanad dugsiyeedkii markuu dhamaaday wuxuu uqoray macalimadiisi warqad uu ugu mahad celinayo uguna sheegayo in ay tahay macalimadii ugu wanaagsanayd ee soo martay intuu waxbarashada ku jiray , waxayn macalamadisii ugu jawaabtay warqad kale oo ay ugu mahad celinayso, waxayna ugu qortay , waxaad i bartay sidaan u noqon lahaa macalimad wanaagsan, oo daryeesha aradayda.

Teddy Muu ilaawin macalimaddiisii markii uu ka gudbay dugsigii sare warqad ayuu u soo qoray uu ugu mahad celinayo sidii ay u soo garab istaagtay.

Muddo ka dib oo sannado badan ka soo wareegeen waxaa sanduuqa boosatada gurigeeda ugu soo dhacday warqad casuumad ah in ay ka qayb gasho xaflad qalin jabin ah oo lagu qabanayo jaamacadda gaar ahaan kuliyadda Caafimaadka waxayna uga timi Casuumaddu Teddy ,oo ay tahay xafladisii qalin jabinta.

Macalimadii iyada oo ku labisan hadyadii silsiladii yarayd ee Teddy u keenay ayey ka soo qayb gashay xafladii qalin jabinta ardaygeedii Teddy.

Teddy wuxuu noqoday Dhakhtar caan ah oo ku takhasusay daaweynta cudurka kansarka , cudurkii hooyadii u dhimatay.

Tolow imisa araday ayaa macalinkiisu qayb ka ahaa in uu ka dhigo damiin, dhibaato jirtay oo markaa la daweyn kari lahaa haddii caqli loo adeegsado awgeed.

Imisa Caruur ah ayaa xaalad la soo daristay aawadeed doqon ka dhigtay, ama uu waxbarashadisii ku waayey, waa dhanbaal ku socda qofkasta oo bare ah , ama macalin in uu dhugmo u yeesho ardayda uu wax u dhigayo in uu waraysto ardayga dhibaatada jirta.

Waa dhanbaal ku socda waalidka in uu ilmihiisa daryeelo oo uu ogaado in ay qayb ka tahay horumarka ardayga guriga oo uu daryeel iyo deganaansho ku helo.

Asad Adaani Ibrahim

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories