HomeDaryeel Xumada Hooyooyinku Kala Kulmaan Xarumaha Caafimaadka Iyo Hirdanka Madaxda Dalka

Daryeel Xumada Hooyooyinku Kala Kulmaan Xarumaha Caafimaadka Iyo Hirdanka Madaxda Dalka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Waxa maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya khatarta caafimaad ee ay la kulmaan xiliga dhalmada Haweenka Somaliland ee ku umula Cisbataalada kala duwan iyo goobaha xanaanooyinka loo yaqaano ee guud ahaan dalka, gaar ahaan kuwa magaalada Hargeysa.

muddo dhawr maalmood ah oo aan hawshan ku dabo joogay waxa aan la kulmay dhacdooyin badan oo runtii ah wax laga xumaado sababta oo ah waxa aan ku arkay qaar ka mida Cisbataalada Hooyooyinka qaliimada loo sameeyo oo aan xiliga umusha helayn adeegyadii ay u baahnaayeen, sida  Dhakhtar khibrad leh, qalabkii ku habboonaa qaliinka loo samaynayo iyo daawooyinka oo aad u liita, waxana intaa u dheer Irbada lagu suuxiyo Hooyooyinkaas oo aan ahayn midi loogu tallo galay in loo isticmaalo taas oo dhibaatada ugu weyn ku keenta haweenka lagu mudo.

Marka ugu horaysa ee laguu sheego inay Hooyada aad wadataa tahay qaliin waxa khasab ah inaad miiska saarto lacag ka badan mida laga qaado marka ay caadiga u umulayso lacagtaas oo dhan 400 ilaa 300$ oo Dollar.

Qaar ka mida Hooyooyinka qaliinada loo sameeyo ayaa ku geeriyooda Tiyaatarka hawshu ka socoto ka dib marka ilmaha laga soo saaro, waxana dadka la socday ee banaanka ku sugaayay warkeeda u soo baxa dhakhtarka hawsha waday ama kuwa la shaqaynaayay ee Hooyada qaliinka u samaynaayay, waxana ay u sheegaan ehelka iyo qoyska inay geeriyootay Hooyadii umulaysay, halkaas ayaana lagu ilaawaa oo su’aal dambe layskama waydiiyo sababta dhabta ah ee ay u dhimatay Hooyaddu balse waxa goobta ka qaata qoyskeeda oo sidaa ku aasta.

halka Hooyooyinka qaarna ay dirqi ku badbaadaan oo Alle  maalin kale u dhigto kuwo kalena la daalaa dhacayaan dhibaatooyin ay kala kulmeen qaliinkii loo sameeyey xiligii umusha, waxaana ka mida dhibaatooyinkaas.

Kalyaha oo fadhiista

Dhalmada oo ka guurta

Xaydka oo khal-khal ka gala

xanuuno macdanta iyo dhabarka ah iyo goobta qaliinku kaga dhacay oo mararka qaar xanuunta.

Haddaba, waxa ay isweydiintu madaxda Somaliland ka  og yihiin daryeel la’aanta goobaha caafimaadka ee maalin walba gabadh hooyo ahi  ugu dhimanayso adeeg xumada,halka qaar kalena kala kulmaan xanuuno iyo dhaawacyo aan ka hadhayn inta ay nool yihiin. muxuuse shacabku kala socdaa mashaakilka haysta Hooyooyinka.

Runtii aad baan uga xumahay in ay su’aashan jawaabteedu tahay waxba lagama oga dhammaan dhibaatooyinka aan ka hadlayo, balse waxa xaqiiqo ah inaanay cidina waxba ka ogayn Hooyada maalin kasta ku dhibaataysan ama ku dhimanayso goobaha caafimaadka ee magaalada Hargeysa, halka ay madaxda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshadubu  ku foogan yihiin indhahooda iyo caqligooduna u jeedo ee ay maalin walba ku mashquulsan yihiin hadal haynta siyaasada iyo hebelada danahooda isku haysta ee aan ishoodu qaban daryeel la’aanta caafimaad ee Hooyooyinka.

Sagal Cabdiraxmaan Maxamuud

Sagalphilibiin@gmail.com

0634126298 Hargeysa Somaliland

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories