HomeDARXUMADA HAYSATA SHACABKII KA SOO QAXAY SHAQAAQADA CEELBARDAALE IYO XUKUMADA OO DHEGAHA...

DARXUMADA HAYSATA SHACABKII KA SOO QAXAY SHAQAAQADA CEELBARDAALE IYO XUKUMADA OO DHEGAHA KA FURAYSATAY

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bulshadii ku dhaqnayd deegaanka Ceelbardaale  ee Gobolka Gabiley oo laga soo barakiciyay dhulkii ay  deganaayeen ka dib markii ay isku bahaysteen Xukumada maanta jirta iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Gobolka Awdal oo  weerar ku soo qaaday Deegaanka Buqdhada ee Ceelbardaale bishu markii ay ahay  December 6, ka dibna Gubay Tuulada Buqdhada, oo gubay dhismayaashii, wixii hanta hoos taalayna qaatay, waxay maalintaas ay maaleeshiyaada Awdal ka soo jeedaa  ku dileen buqdhada wiil dhallinyaro ah oo da’adiisu ahayd 18 jir. Si arxan daro ah ayay maleeshiyada ka soo duushay Gobolka Awdal u dileen wiilkaas aan waxba galabsan ee la midka ahaa dadkii lagu laayay SEEMAAL.  Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Xukumadiisuna may soo hadal qaadin Dilkaas, xiitaa kamay tacsiyadayn ehelkiisii iyo Bulshadii u ka baxay. Waana dhaawac Xukumada Siilaanyo ku maqan abaalkeedana ay heli doonto hadii eebo idmo, kolay doorashana way soo socotaa,  Waxa intaas ka sii daran in Maalintii bishu ahayd December 6, Waxa  Deegaanka Ceelbardaale tegay Wasiir Duur iyo Xirsi oo soo arkay Tuulada Buqdhada oo la gubayo oo weli guryihii sii qiiqayaan, oo hantidii   ay fadhataysanayaan  Maleeshiyo ka soo duushay Gobolka Awdal, Wasiiradu waxa kale oo ay arkeen Barakaca iyo Silica haystay dadkii laga soo barakiciyay SEEMAAL iyo Deegaanka ku xeeran ilaa Buqdhada ee Gobolka Gabiley,  Wasiir Duur malaha waabu ku farxay silica iyo darxumada ku  habsatay Bulshada Reer Ceelbardaale iyo Gobolka Gabiley. Wasiir Duur haba yaraatee kamuu damqan dhimashada iyo Darxumada Soo gaadhay bulshadaas, afkana wuu ka xidhay.

Waxa intaas u dheer Ciidamada Booliiska ee la dhigay Buqdhada oo dadkii reer Ceelbardaale u diiday iyaga iyo xoolahoodiiba inay ka cabaan biyaha Tuulada Buqdhada oo ku taal badhtamaha Gobolka Gabiley iyaga oo garab siinaya Beesha ka soo jeeda Gobolka Awdal. Halkii ay ahayd inay dhexdhexaad ahaadaan oo ay sugaan Nabadgelyada. Waxay ahayd inay Xukumadu Ciidamada Geyso Seemaal, Ruqi  iyo Xamarta balse may ahayn inay badhtamaha Gobolka Gabiley dhex dejiso Ciidan, meesha wax ka dhaceen Waa Seemaal, labada beeloodna ma wada degaan Buqdhada ee waxay wada degaaan dhul  ka shisheeya Tuulada  Seemaal ee Gobolka Gabiley.

Xukumadu waa inay Talaabo dhexdhexaadnimo ah qaadaa oo dadka soo barakacay caawisaa amaankoodana sugtaa oo ay ku noqdaan dhulkii ay ka soo qaxeen. Xukumada waa inay Dhiiga ka daatay labada dhinacba Xustaa oo ay iska daysaa Taageerida Beesha Awdal, Cadaaladu waa in la raadiyo Dadkii dilalkii labada dhinacba geystay oo  la soo qabto iyo inay Xukumadu Fuliso Go’aankii Guurtida ee Ceelbardaale laga soo saaray 2009. Si shaqaada Ceelbardaale loo dhameeyo iyo in Xukumadu sii dayso Salaadiinta iyo Siyaasiyiinta xidhan si ay uga qayb-qaataan xalka.

 

C/raxmaan Maxamed

Hargeisa-Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories