HomeDaruurihii Madoobaa ee Wasaaradda Duulistu Waxay Dul Hoganayaan Daarta Madaxtooyada

Daruurihii Madoobaa ee Wasaaradda Duulistu Waxay Dul Hoganayaan Daarta Madaxtooyada

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

Sida uu yahay dabciga ama sunaha siyaasadeed, qof kasta oo loo igmado inuu u adeego bulshada wuxuu noqdaa laba mid uun taas oo ah inuu ka dhaxlo magac iyo maamuus iyo inuu ka dhaxlo buug madaw oo taariikhda ma dhaaftada ah laga dheehdo. Masuulkani wuxu safka hore kaga jiraa siyaasiyiinta taariikhda maguuraanka ah kaa jira bogga madaw ee lagu xasuusto eex, caddaalad daro iyo musuq aan loo aabo yeelin.

Maxamuud Xaashi Cabdi oo dhawaan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka wasaaradda madaxtooyada wuxuu ahaa nin hore ugu soo jiray masraxa siyaasada oo aan ku cusbayn. Marka laga yimaado wakhtigii kala guurka ahaa ee burco ka ahaa maayirka ka arrimaya muddo dabadeed wuxuu noqday xubin golaha wakiilada ah, taas oo muddo markii uu ku jiray muujiyay hayb nacayb iyo is muujin ay weheliso ha lagu barto , inta badan waxa lagu xasuustaa inuu isku soo saaray hal haysyo beelaysan iyo mucaaridad xoogan oo ujeedada ka dambaysaa ahayd ha lagu barto , taas oo madaxweynihii wakhtigaas ee Cigaal (AHN) uu ugu wan qalay magaca usaam’e, haddiiba uu xaalkiisu halkaas marayo isla markaana uu Maxamuud Xaashi ahaa shakhis shacaa’irta islaamka iyo diintuba ka muuqato isu badalay in uu ka galgasho magacaas cusub ee isla markaan wuxuu meeshaba ka saaray wax alliyo wixii shacaa’ir islaami ahayd ee ka muuqan jirtay.

Lixdaa gu’ iyo gasiirkaa Madaxweye Siilaanyo xukunka dalka hayay  xukunka Maxamuud Xaashi wuxuu ahaa wasiirada aanay taaban seeftu isla markaana leh awoodaha dheeraadka ah ee xigtonimo, hannaankiisa shaqo  waxa bulshada soomaalilaand ku tilmaantaa in uu si khaldan u maamulay deeqdii kuweyd ee madaarada lagu hor marinayay taas oo aanay is lahayn cadadka uu wasiirku sheego in lagu dhisay iyo qaabka loo dhisay.

Waxa kale oo maxamuud Xaashi lagu xantaa inuu yahay wasiir u badheedhay gacsiyo uu lugta kula jiro oo uu ka dhex fushaday wasaarada uu maamuli jiray kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin Kharashaka madaarka ku dhex jira, baarkinka baabuurta iyo shirkada duulimaadyada ee FLY Dubai.

Inta badan wasiir Xaashi waxa lagu sheegaa inuu yahay shakhsi ku xun balanta iyo qiimeynta bulshada, waxa inta badan dul hogata inuu yahay nin amaan jecel oo ku cadaadiya dadka ay wada shaqeeyaan inay amaanaan iska daa meel kale ee xataa marka aanay shaqada ku jirin ama mareegahooga ay gaarka u isticmaalaan inay ku amaanaan.

Daruurihii musuqa iyo xoolo boobka qaranka ku astaysanaa maanta wuxuu galay qasrigii, talada laga daryniyoo ee sida xeedhada la wadaagana waxay gashay gacantiisa. Madaama madaxweyne Silaanyo tacabadani ka muqdo oo aanu tahli karin maamulka maalinlaha ee qaranka.  qasrigii qaranka looga arrimanayay ee markiisii horeba heedadawga ahaa hadduu sii go’ay mar hadduu Maxamuudkii daruuraha madoobi dul hoganayeenba hogaanka u qabtay.

Maxamed Sidiiq

Msadiiq1@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories