HomeDartaa, Magac Dumar Mas Buu Igu Yahay: Dhacdo Run Ah! - W/Q:...

Dartaa, Magac Dumar Mas Buu Igu Yahay: Dhacdo Run Ah! – W/Q: Yaasiin Cabdi – Q.1aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Jaallayaal qof ka dida iyo mid ku doogsadaba waa sheeko xambaarsan falal rasmi ah oo goobjoog loo ahaa amin tagtay, tilmaanna u ah hab-dhaqanka is-wanaajinta ku salaysan ee ay barbaartu muujiyaan xilliga haasaawaha iyo biyo-kama-dhibcaanka la dheehdo guurka kaddib. Qormadani waxa ay ibo-fur u tahay hawaale-warran daaha ka rogaya sida fudud ee qoysasku u burburaan si ay noqoto isha Cali ka laalaadda loogana feejignaado haddii Alle idmo.

Aniga oo aan ararta ku tiigaalin, wuxuu ahaa wiil riyaaq iyo raynrayn ku durduurta doorkiisa bulshona si kaalin-gal ah u qaata. Isagoo sareedo dabbaalanaya ayaa loo tumay durbaan guur, dareenkiisana rabitaan ah inuu reer alkumo ayaa ku dhashay. Hablihii gaynaakiisa ahaa ayuu ka baandhaystay gabadh uu aqoon, qurux, diin, dabeecad iyo qoys-wanaagsanba u tuhmayay. Af-macaani iyo hawraarsan ayay ku guddoontay wixii uu ka dalbaday. Meher, gabbaati iyo yaradba tiradii ay qabsatay ayuu madaxa ku qaatay. Wuu u geed-fadhiistay, goobtana gacal iyo xigaal mugleh ayaa ku kulmay. Dhambaallada hambalyada ah ayaa iska soo daba-dhacay. Abwaannadu waxay ku cabbireen illaa toban tixood oo ay ku maamuuseen gurigan soo kordhay.

Shaw siduu moodayayba may ahayn! Iyadoon aqal-galkoodi dhicin ayaa ay duufaanno  xaaskii cusbaa kicisay, tabasho laga garaabaa ma ay jirine yartu muraad-dhagareed ayay u mayrac tagtay, si ay ninkan isaga furto, una guursato mid kale afka ayay gacanta ruubtay “Hayaay, tellkaad iga qaban weyday, waad ila soo hadli weyday, naag kalaad jeclayd, guurkaaga waa la igula yaabay, waad qayishay, inaad cid ku xumayso ayaad ii guursatay, lacagtaadii baan kuu celinayaa, wax aan warqad ahayni ima maraan, go’aankayga kama laabto, imaad baranba ee hadda i aqoonso, I fur, warqadda keen, qalbigu waa muraayad waanay jabtay lamina kabo, keligeen qaaddiga inoo gee, dacwad kaa dhan ah ayaan maxkamadaha u gudbin”.

Weedhahaas iyo kuwo ka gurracan ayay miciinsatay. Ergo iyo waanwaanna way ka dhaaratay.. Qof ay meeli u caddahay meeli u madaw’e, go’aankeedu kala-tag ayuu isugu biyo-shubtay. “Aabbahay baa igu qasbay” ayaa laga weriyay. Oo sidee? Xaggay adoogaa isku yaqaanneen? Ma ehelbaa? Dhabanno-hays ayaa loogu fal-celiyay. Kolkii waalidkeed lala xidhiidhay qaar ayaa yidhi “Inantii waannu af-garan la’anahay oo meel adag ayay taagan tahay”. Halkuu nasasho ka eegayay holacyo ayaa ku kacay, muu ahayn waayo-arag maarayn kara xaajo reereed oo tan ayaaba xilo ugu horreysay.

Sabaalo iyo maslaxadba wuu ku daalay. “Reer baynu nahaye, haddaad kol i saluugtay aynu heshiinno, haddaan qallooca sii wadana marag u yeel, maanta aynu is-cafino, xaalbaan ku siiyay, sawdigii saamaxaadda macallin iigu ahaa? Nacabkay ha ii jebin, dar Ilaahay igu dhaaf” ayuu ku celceliyay, laakiin dheg looma jalaqsiin, waanadiisa iyo tii waxgaradka kaleba hal bacaad lagu lisay ayay noqdeen….. Weydiimo badan ayaa ku soo dhacay: Maxaa dooriyay? Xaggay ku degdegaysaa? Yaa dawanno uga sanqadhiyay? Ujeeddadeedu maxay ahayd? Ma beenso ayay u socotay?.. Wuu iskaga jeestay, hawlihiisa ayuu dhinac ka galay.

Xaalku isagoo jiq ah ayay wiilka hooyadii doontay inay barasho ugu tagto gabadha canugeeddu guursaday, waxay ku tidhi “Hooyo xaaskaagii ayaannu maalin hebla u tegaynaa wargeli”… Afadiisii ayuu u sheegay in hooyadii u iman doonto dharaarta noocaas ah, waxay tidhi “Maxay iga soo doonayaan? Hadday ii yimaaddaan wixii dhaca maan dhigin” tilifoonkiina way dhigtay. Habeenkaas ayuu ka niyad-xumaaday, u qaadan-waa ayaa hadheeyay. Isagoo af-gobaadsanaya ayuu ku warceliyay “Waad ku mahadsan tahay sida aad hooyaday u soo dhawaysay”, waanay la yaabatay ereygan waxay moodday inuu qof waalan u haysto, oo aanu kasin tiraabtii ay u sheegtay. Yaa hooyo qof kale ag dhigaya? Korintiisa darbiyo adag ayaa looga dhaadhacay, dagaallo iyo qax ayaa laga samata-bixiyay, barakac ayaa lagu barbaariyay. Maamo u roon ayaa dhashay wuxuu dalbadana degdeg baa loo siiyaa…

Taladiisi waxa ay noqotay inuu fasaxo haweenaydan kaarka ku bariidisay, wuxuu u diray dhambaal-kooreed dab ah wuxuu yidhi “ Mar haddaad diidday kulanka hooyaday waan ku furayaa buuxi shuruudihii aad sheegaysay 1. Iska soo celi hantidii kugu maqnayd 2. Qabo munaasibad la mid ah tii meherka 2. Cajaladda meherka keen oo duubo ta furriinka” Weliba wuxuu ku daray qoraal ay ka jidh-naxday ahna “Dartaa ciddii aannu daynka ugu galnay ayaa na qaannabaysa, markaasaad olol nagu daaraysaa”. Lama-filaan ayay dhaayaha saartay, way gubatay, muraara-dillaacday aadna u calool-murugootay. Calaacal ayay bilawday “ Dumarku furriinka way iska doonaane sideed ii tidhaahdaa waan ku furayaa? Ma garacyaad igu qaadatay? In Xaal lagaa qaado ayay ahayd? Hebeloow la hadal saaxiibkaa waxan ayuu soo diraye”. Wuxuu yidhi “Haddaad doontay warqad ku adkayso, cid waxan ku ciyaarta ma aragoo adigaaba oori iigu kow ahaaye”

Qalinka Yaasiin Cabdi Axmed

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories