HomeDartaa, Magac Dumar Mas Buu Igu Yahay: Dhacdo Run Ah! Q.2aad

Dartaa, Magac Dumar Mas Buu Igu Yahay: Dhacdo Run Ah! Q.2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Xigaalkiisii ayuu wargeliyay si hawsha loo dhammeeyo, waxayse doorbideen in xaal ay arrinka ka bixiyaan, furriinkana loo kaadiyo dhexdhexaadinna laga shaqeeyo. Diin ahaanna waa mid suubban in dalqadda laga meermeero. Maskaxdiisii ayaa dib loo celiyay. Dirqi ayuu ku yeelay soo jeedinta odayaasha uu amuurta u xil-saaray. Niyad-wareejinta iyo buuqa ayuu xammili waayay. Werwer iyo walaac bay dareen. Feker, falanqo iyo faallo kelidii ah buu galay. “Ka warran gabadhii?” ayuu ugu necbaa. Intay qabanqaabadii kulanku socotay ayuu jirro la il-darnaaday, qulubkii ku dhacayna waxa uu ka dhaxlay xanuunka macaanka. Korkiisa waxa ku dhacay is-beddel muuqda, sidii qori buu u dhuubtay, hadba dhakhtar buu tagaa, wuu tamar-darraaday quus ayuu ka noqon gaadhay xagga nololsha . “Maxaad warqaddii la qabanysaa? Ma maxkamaddaan tagaa?” ayay ku xiijisay. Afada kulul naar ayaa lagu shabbahay.

Heesahan iyo kuwo la mid ah ayuu xasuustay

Gabdhuu waxay ku faanaan

Guri iyo nin yeelee

Waxa guurka kugu diray

Garan maayo aniguye

Webigay sitee

I walwaalayaa

Xaggee igu wadaa?

Weydiiya oo

Wed waa loo dhashee

Wax ka daran biyuu

Miyay werinayaan?

Immisaan walwaal

Iyo ceel wardheer

Kaga baxay wadaan?

Wanaag baan sidaa

Jacayl baan wadaa

Waad ka weyraxdaa

Duullaan colaadeed

Dawo keeni maayee

Yaa durbaanka kuu tumay?

Ruuxdayda iyo maanka uma roonid

Kaa raystay kuma rabee ha i raafin

Oo raalliyaan heliye raro awrta

Gole waayeel ayaa la isugu yimi tol iyo xididba, inankii gefkiisa guudka ayaa loo saaray raalligelin iyo xaalna wuu bixiyay, xigtadii sayga ayaa marwadii la kulmay laakiin way ku gacan-saydhay xalkii la waday. Kolkii tolkeed la hadleenna way iska oohisay “Waan tahriibayaa, is gubayaa, la i waayayaa hayaaaaaaaaaaaaaaaay” ayay ku muusannawday. Wiilkii iyo reerkoodi waa baxeen, waxaana la go’aamiyay inay gabadha tolkeed gaar ula hadlaan. Natiijadu waxay noqotay inay yidhaahdaan “Xaalkiinnii waa naga celis. Inantii waanu qaban kari weynee warqadda ayaa na maraysa ee keena!”. Sideenad gabantaada mar qudha u xidhi karin? Miyaydaan marna is-maqal?. Ugu dambayn warqaddii ayaa la siiyay si shuruud la’aan ah, marka laga reebo inay keeneen cajaladdii meherka oo kala go’an welibana ay af-legaaddo soo raacisay.

Isagoo jidh go’ay, dushiisana diif iyo diihaal ka muuqdaam ayaa waxa ka soo hor baxay nin ay jaal yihiin, wuxuu ku yidhi “Saaxiib nafta iyo qoyskiiba ka warran? Hadmaad aqal-galaysaa aannu gaafkaaga u dabbaal-degnee?”… Wuxuu yidhi

Walaaloow markaan guur kashkiyo, maanka ku heshiinnay

Kaynaanka waxaan aad lahaa, kayn barwaaqo ahe

Hayeeshee kutaan baan u galay, meel kadeed badane

Kaarkiyo rafaadkii i helay, koobi waa hadale

Boqol-kaadhlay ruux guursadaan, kabi u yeelnaane

Kulul-yooma goortaan furaan, raaxo koowsadaye

 

Qalinka Yaasiin Axmed Cabdi

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories