HomeDAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANNO KA DIB- 4aad - Dhaqaalaha Iyo Horumarka...

DAREENKEYGA IYO SUCUUDIGA 20 SANNO KA DIB- 4aad – Dhaqaalaha Iyo Horumarka Bulshada ~ Axmed Xasan Carwo

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

blankMawduucan oo ah mid aad u ballaadhan weliba dhinaca Sacuudiga ah badweyn oon gunteeda la gaadhayn waxaan idinku soo koobi doonaa aragti-shinbireed aad u kooban. Waxaan abaari hadafka bulsho ka leedahay kobcinta dhaqaale oo ah horumarinta bulshada dhaqan iyo dhaqaalaba.

Tilmaan kooban aan u soo qaato halkaan aqaanay iyo shaqadeydii.Sharkadda SABIC oo ahayd tii lahayd shirkaddaan ka shaqayn jiray ee ARRAZI, waxay macaashkeedu ahaa 1991 laba bilyan oo sucuudi riyaal ah, halka 2011 uu noqday 29 bilyan, iyadoo iibisay badeecad gaadhaysa 190 bilyan SR hantideeduna tahay 333 bilyan SR ( Total Assets). Intiina jecel cabirka doolarka Maraykan sarifku waa 3.75 SR halkii doolar. Tilmaantaas waxa aad ka dheegan kartaa xawliga dhaqaalaha Sacuudigu ku kordhay. Haddaba aan toos ugu baqoolo gunta hadalka oo ah siduu u bedelay nolasha dadweynaha?

Waxa aan aad ula dhacay sida loo habeeyey kheyraadka dalka iyo shirkadaha halbowlaha u ah dhaqaalaha dalka. Fikradaas oo ah mid aan aad u aaminsanay, kuna dhisan sida ugu habboon ee kheyraadka dalka loo gaadhsiin karo bulshosweynta waddanka. Waana fikrad ku dhisan cadaaladda bulsho. Shirkadaha Baananka, Leydhka, Wershadaha kimikada sida SABIC, Sibidhka iwm, waxa xukuumaddu u sameysay hab saamiyaal ah oo dadweynaha loo farsameeyo si ay ugu iibsadaan samiyaale sicir kooban leh oo qof waliba iibsan karo. Waxa taas laga badbaadiyey in kheyraadka dalku u gacan galo maalqabeen tiro kooban, kolkaas ayaa la xadiday inta qofku iibsan karo iyadoo kolka hore la fadilaayo dadweynaha tirada yar raba inay iibsadaan. Qofba qofkuu ka dalab yar yahayna laga fuudh yeelo. Waa argti ku salaysan in la helo bulsho u soo jeeda maalgashiga oo ka guurta lacagta barkinta hoosteeda taal een waxba soo kordhin. Waxa mudnaanta leh danyarta rabta inay dakhligooda kooban wallow 10 doolarna ha ahaatee ayna qayb ka helaan kheyraadka dalka.

Waxtarka ugu weyn ee ka dhashay waa iyada oo ay abuurantay sayladda saamiyaasha ee Sacuudiga oo ay bilaabmayn shirkaddo sameeyaal ah oo nooc kasta leh. Waana kuwa manta ay ka dhasheen horumar dhaqaale oo bulshada wada gaadhay.

Waa aragti ku dayasho mudan, waana mid ku dhisan fikrad cilmi dhaqaale oo hubanti leh. Waana mid aan qof ahaan waligayba aaminsanaa ilaa xiligaan jaamacadda (London School of Economics), aan u hayeyna fiiro gaar ah. Xiligaas oo Raysal Wasaare UK Mrs. Thacher ay bilowday inay shirkadahii Telefoonada, Gaaska, Biyaha, Dayaaradaha, IWM ay ku iibiso saamiyaal la hor dhigo dadweynaha. Waana nidaamkii badbaadiyey dalka UK oo xiligaas ku dhowaa inuu kaco oo ay ganata dhaqaalaha ku haysay IMF sida dalaka soo koraaya. Waxay ahayd duruus aad u qiimo badan oon u soo joogay fikir ahaan iyo iyadoo dhab loo dabaqaayo. Waa isla nidaamkaas kan ay ku dhaqmeyn dalalkii shuuciga ahaa ee 90kii u boqoolay hantigoosadka sida Ruushka iyo dalaalkii Sovietka ka baxay iyo dhammaan bariga Yurub , iyagoo ka dhigay nidaamkii Mrs Thacher mid jaamacadaha dhaqaale lagu barto oo ah duruusta salka u ah barashada dhaqaalaha.

Tan Sacuudiguna waxuu sii adkeeyey aragtidayda la hal maasha dariiqa ugu habboon ee dhaqaale loo kobcin karo iyadoo lagu salaynaayo cadaalad bulsho oo kheyradka dalku gaadho tirada ugu badan ee dadweynaha ka tirsan, iyo fursad loo siman yahay dhinaca horfumarinta dhaqaalaha dalka.

Waxa furmay in bulshadu dhammaan noqdaan dar ku xisabtama dhaqaale, abuura shaqooyin iyo ganacsi. Waxaa bilaabmay in wax kasta oo guryaha iyo nolol maalmeedka loogu baahan yahay lagu wershadeeyo dalka gudihiisa inta badan si gaar ah cuntooyinka qasacadeysan, iyo dhammaan daawooyinka. Waxa la sameeyey shirkado maal gashada beeraha iyo xoolo dhiqidda. Waxa kor u kacay dakhligii xukuumadda oo sanadkan ay heshay cashuur iyo sako gaadhaysa 20 bilyan SR, halkay ka ahayd wax ka yar hal bilyan 20 sano ka hor. Taas oo mecneheedu yahay inay 20 jeer labanlaabantay. Waxaad ogaataa in cashuurta keliya ee laga qaado muwaadinka Sacuudiga ihi yahay 2.5% sako ah, weliba cidda laga qaadaa tahay uun shirkadaha iyo maalqabeenka waaweyn, inta kale ee bulshada ooy ugu badan yihiin ganacsatada yaryari iyagaa loo daayey inay sakada iska bixiyaan. Waxa cashuur laga qaadaa ka badan sakada qaybta ay leeyihiin shirkadaha ajnabiga ah iyo qaybta aqnabigu ku leeyahy shirkadha wadaaga ah.

Waxa waliba kabid lagu daraa raashinka oo ah mid adduunka kale kolkuu kor u kaco ay xukuumaddu soo farogeliso si ay u xakameyso sicir ku kordha dan yarta. Waxa aad u jaban oon marna la kordhin batroolka, taas oon u arko aragti aan wacnayn kolkaad eegto dhaawaca ay u yeelan karto socodka aan  khrashka wadan cimilada iyo saxmadda baabuurta oo wallow dariiqo waawyn oo lix iyo sideed haad ah magaalooyinka gees walba laga hirgeliyey, haddana maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaaya.

Maan saarin miisaan kaafi ah oon ku eego mudarooyinka iyo dheelitir la’aanta, waayo waxay u baahantay baadhis cilmi ah iyo qoraal dheer, waxa se aan ku farxay in sanadkan la bilaabay kaalmo mushahar ah oo qofka shaqada la’rag iyo dumarba ( 15 jir) qof ahaan loo siiyo.( Social Benefit), nidaamkaas oo dhinaca cadaaladda bulsho ka dhigaaya dal hiigsada nidaamka dunida horumartay. Isla markaasna ka dhigayaa dal ka badbaada dheeldheeliga bulsho ee beryahan ka taagan bariga dhexe. Waana dhabo ay asiibeen, wallow uu jiray hab kaalmo oo tiro badani, haddana kani waxuu noqday mid taabta ruuxa danyarta qof ahaan een ahyn mid qoys ahaan loo xisaabiyey. Taas oo ka yeeshay in qoyska dhowr qof u soo hoydaan ay nolashoodu aad kor ugu kacdo.

Nidaamka dhiirgelinta abuurista shirkado saamileey ahi waa mid qayb libax ka qaadan karta:

1.    Kor-u-qaadka maalgashiga gudaha .

2.    Kor-u-qaadka maalgashiga qurbojooga iyo shisheeyahaba

3.    Nidaaminta sarifka lacagaha qalaad iyo ilaalinta lacagta mahaliga ah.

4.    La dagalanka sicir bararka

Intaas waxa u raacda falsafadda ah in la helo cadaalad bulsho oo fursad loo siman yahay loo farsameeyo muwaadiniinta, iyadoo danytarta lagu badhi taaraayo inay qayb ka qaataan kheyraadka dalka. Waa nidaam la tijabiyey lagana gaadhay guul iyo horumar.

Guud ahaan waxaan argay dal qorshe horumarineed leh, mid aqooneed leh iyo hiigsi dheer oo aragti fog.

Waa inoo aragti dambe iyo dhowaan Insha Allah.

 Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee

Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maalgashiga

 samotalis@gmail.com

http://samotalis.blogspot.com/

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories