HomeDareenkeyga Iyo Ciyaaraha Goballada, Badhasaabadu Wey Asiibeen Wasiiraduna Wey Qaldameen – W/Q:...

Dareenkeyga Iyo Ciyaaraha Goballada, Badhasaabadu Wey Asiibeen Wasiiraduna Wey Qaldameen – W/Q: Ahmed Arwo

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

CarwoWaxa lagu jiraa damaashaadkii tartanka goballada ee ciyaaraha. Waa madal muujineysa nabadda iyo horumarka bulshadu gaadhay. Waxa hubaal ah in qiimo weyn ay ummadda ugu fadhido in sannadkiiba hal mar lagu tartamo ciyaar wanaag iyo madadaalo bulsho. Waa kulan loo siamn yahay gobal yar iyo mid weynba fursad la siiyo inay dhalintu is muujiso ooy soo bandhigaan xirfadooda ciyaareed iyo qiimaha ay gobal kastaa siinaayo isboortiga.

Calamo quroon iyo astaamo u gaar 13 gobal ayaa golaha dabeeshu ruxaysaa, waxa dhinac iyo badhankaba ugu jira calanka tawxiidka, calanka seddexda midab leh xidigta madoobina u gaarka tahay, waa calanka qaranka Soomaliland.

Bilow kheyr badan iyo farxad ayey ku bilaabanatay. Waa leys helay oo gobalba taagtii iyo tamartii, xeeladdii iyo xoogii, xirfaddii iyo xeeshii intaba lagu tartan. Qosal iyo kaftan weriyayaashu soo tebiye, bushana heshay madadaalo iyo amuur laua baashaalo oo lagu doodo.

Waxaan aad ugu farxay oo Soomaliland u gaar ah oon xataa dalkan Ingiriiska ee loo yaqaan aabaaha kubbadda cagta aan ka dhicin kaalinta libaax ee dumarku ka qaateen daawashada. Waxaabad odhonaysaa iyagaa raga ka badan. Waa dhaqan u gaar ah Soomaliland,una baahan in adduunka loo soo bandhigo sida Soomaliland arrintan dunidu ku guulaysan weyday halkay u martay.Waa amuur aynu macalin ugu nahay adduunka.

Ka gudub. Intaan diiday waxaa ugu horreysa kaalinta ay ka qaateen Wasiirada iyo Madaxda Hayįdaha Qaranku uma dhamma ee waa inta u hiilisay gobal ay isir ahan ka soo jeedaan. Waana inta shaashada lagu arko hiilkooda. Gobal waxa u madax ah badhasaab iyo maayaro, iyagaa ah hormood u hadli kara una hiilin kara gobalkooda. Hadda ogow badhasaabada maantu midna madax uma aha gobalka uu u dhashay. Waajibkoodey guteen oo waxay taageereen gobalka ay xilka u hayaan. Waa sharaf ay si wacan u mutaysteen. Waanan ku ixtiraamiyaa kuna hanbalyeynayaa.

Dhinaca kale Wasiirada shaashada la soo taagan gobal habal ayaan casuumay. Waa maxay doorkoodu. Wasiirku miyaanu ahayn xil qaranka oo dhan ka dhexeeya. Deganaanshana miyeyna dhammaan ku deganayn caasimadda. Waa qalad dhiirigelinaaya qabyaaladda iyo kala-faquuqa bulshada. Wasiir waa xil qaran ee maha xil gobal mana aha xil qabiil. Waxa taasi keentay in ilaa hadda wasiir casuuma gobalka Maroodi-jeex la waayo. Waayo Wasiirada wax casuumay waxay rabaan meel ay reer ahaan keli ku yihiin inay isu muujiyaan. Meel cidi la wadaagto wey tuureen. Hadda bulshada nus ayaaba ku nool Maroodi-jeex. Xitaa Sheekhul baladkii ayaa caasuumadda u fidiyey Gobal kale.

Waxa iyana iga yaabisay casuumad la yidhi waxa bixiyey Beesha Ciidagale oo casuuntay Awdal. Wa maxay caasuumad ciyaareed ay beeli bixinaysaa. Dhinkeed u qaadi. Waa ujeedo badan iyo hawl leexsan.

Xilka qaran ha laga daayo caadifadda oo ha loo sinnaado bulshada, sida ay garteen Badhasaabadu ha oggaado ninka xilka hayaa inuu xilkiisu ku qasbaayo inuu iska ilaaliyo caadifad beeleysan. Beeshu waa sax waa waxay inaga gashay deegaan dimuquraadiyadduna waa deegaan. Kolkaas in beeli siyaasad ka shirto, kuna tashato waxa keeneysa dimuquraadiyadda ku dhisan deegaan iyo degaankeeena oo isna ku dhisan qabiil. Laakiin xilka Wasiirku waa mid u dhexeeya deegaanada iyo qabaaķlka, kumanayna iman doorasho. Waxa taaas ku habboona xildhibanada wakiilada ee goballada laga soo doortay. Iyagina lama arag, ma wasiiradaa jiidhay mise wey garab mareen waajibkoodii.

Waxaan la yaabaa in Garoonku madhan yahay iyadoo Maroodi-jeex ciyaareyso, buuxsamana kolka gobalada qaar ciyariyaan. Waa la yaab. Waxay muujineysa tacasubku halka uu gaadhay. Waxay noqotay Maroodijeex meel reer aanu keli u sheegan karin oo ruux waliba uu ku adkeystay halka gooni ahaan loo garanaayo. Waxaad arkeysaa ruux ab iyo isirba reer Hargeysa ah, oo leh waxaan ahay oon la socdaa Gabiiley, waxaan ahay Daad-madheedh, Waxaan ahay Hawd, Waxaan ahay reer Togdheer, Buuhoodle, Awdal, Salal, Sool. Sanaag iyo iyo..Waa arrin aad aan ula yabay hab dhaqankan oo gaadhay xataa qurbaha.

Haddii sidan loo dhaami waayo, waxa habboon in la joojiyo tartanka noocan ah oo la qorsheeyo ciyaaro koox koox ah oo Kooxaha koowaad iyo Labaad iwm loo qondeeyo.

Guud ahaan la farax, la tartan, dhalinyaradu is baratay, muddo laga mashquul siyaasad iyo qaad. Guusha iyo wanaagaa badan ee inta dhooqaysay eey ugu weyntay nasiib darrada ku dhacday gobalka weyn iyo magaalada labaad ee Soomaliland ha la saxo oo yaan dib inoogu soo noqon. Madaxduna ha qaataan qaladkooda oo yeyna muran ka keenin, wasiir baan ahay iyo Gobalkaas ayaan ka soo jeeda oon u qaylinayaa oon waliba xisaabtii qaranka ku casuumayaa ma banana, ma qurxoona, ma habboona. Waana mid bulshadu gudo iyo debed dhibsatay ee yeyna noqon mid mar kale inagu soo noqdta.

Waxaan mar kale koofiyadda u tagayaa Badhasaabada dhammaan iyo mayarada gartay xilka ka saran kooxaha iyo tartanka. Waa inoo sharaf iyo farxad inaynu tartan dalkeenoo dhan soo koobay aynu qabsano.

SOOMALILAND WAXAY KU TARTANTAA CIYAARAHA IYO SIYAASADDA, WAXAYNA KU MIDEYSANTAY QARANNIMADA IYO WADANIYADDA.

Meel nabadi taal aya tartan ciyaareed yaala.

Guul iyo Mustaqbal Wacan

Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com

https://www.facebook.com/aharwo

http://samotalis.blogspot.com/

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories