HomeDareenka Jacaylkeena dalka Hooyo aan kordhino

Dareenka Jacaylkeena dalka Hooyo aan kordhino

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Bani’aadamku ma aha isku dhaqan iyo isku aragti, dareenkiisuna wuu kala duwan yahay. Hase ahaatee dadka ku wada nool dal ama deegaan u dhashay, waxay leeyihiin dareen midaysan oo ay kaga duwan yihiin dadyowga kale ee dalkooda meel aan ahayn u dhashay.

Dareenkaasi waa mid dadku wada leeyahay. Magaca ay u bixiyaana waa isku mid, magacaasina waa mid ay ka soo qaateen hooyada dhashay. Dalka ay ku dhasheena waxay u yaqaanaan, uguna yeedhaan dalka hooyo.

blankMagaca dalka hooyo ee loogu yeedho dalka loo dhashay, waxa loogu bixiyey sifooyin badan oo hooyada qofka dhashay lagu yaqaan, astaana u ah oo ay iska leedahay. Hooyo caloosha ayey ilmaha ku qaadaa, kadibna dhashaa, ababisaa oo korisaana. Laga bilaabo maalinta uu qofku dhasho ilaa maalinta uu dhimanayo, waxa uu u yahay ilmaheedii yaraa. Magac, maamuus iyo xil kasta oo uu hayaba.

Dalka hooyo waxa ku yaala gurigii iyo deegaankii uu qofku ku dhashay, ku koray aasaaskii noloshiisana uu ka bilaabay. Dalka hooyo waa meesha nabad iyo nabadgelyo, sharaf iyo cisi, caddaalad iyo sinnaan, tixgelin iyo dareen jacayl uu qofku u yeelanayo. Dareenkaas oo aanu marnaba qofku ku lahaan karin dal shisheeye oo uu ku nool yahay amaba uu ku dhashay.

Dalka hooyo waa bogcadda uu qofku ugu jecel yahay dunida; haddii aanu ahayn mid iska indho-tiraya, maan-gaab ahayn amaba dano gaar ahi iyo maslaxadi ka qarinayso dareenka jacayl ee dalka hooyo.

Hooyo sida ay ugu damqato dhibaatada carruurteeda gaadha, ayuu muwaadinka leh dareenka dal jacayl uu ugu damqadaa dalkiisa hooyo. Isla markaana waxa dhiba dhibaatada soo gaadha dadka, dalka iyo deegaanka dalkiisa hooyo.

Dareenka hooyo oo loo yeesho dalka hooyo, waxa ka dhasha nabad iyo xasilooni shacbigu ku wada noolaado. Waxa meesha ka baxa khilaaf, ismaandhaaf iyo colaad ka dhex abuuranta dadka dalka ku wada nool. Waxa meesha ka baxaya wixii midnimada iyo wada noolaanshaha wax u dhimaya.

Waxa xoogaysanaya midnimada, iskaashiga iyo wada shaqeynta sidii horumar iyo nolol wanaagsan loogu wada noolaan lahaa.

Waxay ila tahay, si dareenkeena jacaylka dalka hooyo uu u noqdo mid lagu dhaqmo, oo aan wax kale laga hormarin, waxa loo baahan yahay:

  • In aanu marnaba qofka muwaadinka ahi luminin kalsoonida uu dalkiisu uga baahan yahay inuu lahaado.
  • In wadajir loo waajaho dhibaatooyinka dabiiciga ah, sida aafooyinka oo kale; ama kuwa ka dhasha aragtiyaha kala duwan.
  • In da’yarta, gaar ahaan dhallinayrada wax baratay ay daymo gaar ah u yeeshaan dalalka dunida dadka ku nooli dareenka jacayl ee ay dalalkooda u leeyihiin.
  • In dhaliiluhu noqdaan kuwo wax dhisaya oo aanay noqon kuwo laga leeyahay dano gaar ah oo waxyeelo u geysan kara shacbiga iyo dalkaba.

Waxaan leeyahay bari iyo galbeed, hawd iyo waqooyi meel kastoo muwaadin aad ku nooshahay, wax kasta oo aad haysatid, xil iyo derajo kasta oo aad gaadhid in aanad ka heli karin meel ka baxsan dalkaaga hooyo sharafta iyo cisi ka weyn ka dalkaaga hooyo aad ka helaysid, waxaa la yidhaah “Diin, naf iyo dal waa saddexda nafta loo huro ee muwaadin dareenkeena jacaylka dalka hooyo aan sii kordhino.”

Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories