HomeDareenka Dhalinyaro Rag iyo dumar isugu jira oo dalkoodii ay Naceen iyagoo...

Dareenka Dhalinyaro Rag iyo dumar isugu jira oo dalkoodii ay Naceen iyagoo Jecel ku soo laabtay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

“Dhalinyarada reer Somaliland waxaan u sheegaynaa inaanay dalkooda ka tegin oo aanay naftooda ku haligin dariiqaas dhibta badan. Annagu intii aanu dhexda ku sii jirnay waxaan la kulanay dhib badan, waxaanu is-dilnay dad cawaan ah oo qaar naga mid ah waxyeelo badan ayaa soo gaadhay,”

Hargeysa (SLpost)0 Dawladda Itoobiya ayaa Tahriibeyaal u badan dhalinyaro rag iyo haween isugu jira ku soo wareejisay Somaliland, kadib markii laga soo qabqabtay soohdinta u dhaxaysa dalka Suudaan iyo meelo kale.

Saraakiisha Laanta socdaalka ee degmada Wajaale ee ku taala xuduudka u dhexeeya labada dal, ayaa maanta lagu soo wareejiyay 31 qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo doonayay inay ku safraan jidka halista badan ee Saxaraha u dhexeeya Liibiya iyo Suudaan iyo waliba badda u dhaxaysa Yurub iyo Afrika oo ay inta badan tahriibayaasbhu doonyo macbal ah kaga gudbaan.

Dadka ay dawladda Itoobiya maanta soo wareejisay oo badankoodu u dhasheen Somaliland, ayaa xubno ka mid ah oo hadlay sheegeen inay talo xumo ku safreen markii hore balse ay waayo aragnimo badan kala kulmeen socdaalkooda.

“Dhalinyarada reer Somaliland waxaan u sheegaynaa inaanay dalkooda ka tegin oo aanay naftooda ku haligin dariiqaas dhibta badan. Annagu intii aanu dhexda ku sii jirnay waxaan la kulanay dhib badan, waxaanu is-dilnay dad cawaan ah oo qaar naga mid ah waxyeelo badan ayaa soo gaadhay,”sidaasi waxa yidhi nin ka mid ah Dhalinyarada tahriibta laga soo celiyay.

Ninkan oo Magaalada Wajaale warfidiyeenada kula hadlay wakhti isaga iyo dhalinyarada kale ku sugnaayeen xarunta laanta Socdaalka Somaliland, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay in dalkiisii lagu soo celiyo isagoo nabad-qaba.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhowr jeer ka wada hadlay sidii loo xakameyn lahaa dhalinyarada tahriibaya ee isaga gudbaya xadka labada dal, isla markaana ka safraya dhinaca Somaliland.

Maaha markii ugu horaysay ee koox tariibeyaal ah laga soo celiyo Itoobiya, kuwaasoo dib loogu soo waabiyay dalkooda Somaliland, balse hadana sii socoshada Kooxaha safraya ee Saxaraha ku sii jeedda ayaa arrin wali taagan oo aan maaro loo helin.

Inkasta oo aan tiro koob rasmi ah oo la hayaa jirin, hadana dadka reer Somaliland ee sanadkii 2013-kii tahriibay ayaa kor u dhaafaya kumanaan dhalinyaro u badan oo isugu jira Haween iyo rag ka mid ah xooggii dalka u soo kacayay, kuwaasoo qaar badan oo ka mid ahi Silic iyo saxariir badan kala kulmeen jidka, qaarna naftooda ku waayeen Badda iyo Saxaraha Liibiya.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa sanad kasta u tahriiba Yurub, iyagoo beegsada safar halis badan oo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan, waxaanay qaar ka mid ahi silic ugu dhintaan badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub ama saxaaraha u dhexeeya Suudan iyo Liibiya.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories