HomeDAREEN (Maanso)- W/T: Abwaan Oday

DAREEN (Maanso)- W/T: Abwaan Oday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMaansadan waxa la yidhaa DAREENwaxay soo baxaday December 2005 waxaanay si toosa uga Hadlaysaa Arimaha Doorashada waxaanay ka Hadlaysaa:-

Dardaaran, Dansheegasho, Duur-xul Iyo Duco……

 

Suugaantu waa dahab,

Waa dareen ujeedo leh,

Dambaab maaha maansadu,…

Waa dardaaran hiboshe leh,

Waa duxdii abwaanada,

Daandansi kuma dayo,

Digashana ka xeeldheer,

Kuma daraarto yoocada,

Kana durugsan faankiyo,

Beerqaadka doodaha,

Ruuxdanaysatay yeelkii,

Nin udooday baa yidhi,

 

Midho daray sidiisaan,

Diiftiyo haraadkiyo,

Diihaalka gaajada,

Durbadaba ku reebaa,

Marna waa dabiib iyo,

Dawo weeye qaaliya,

Waa cashar dawaadiyo,

Lagu dhigo diftaarada,

 

Ruux damiirku noolyahay,

Kama daalo waanee,

Doorashada la qaayibay,

U dareera maantoo,

Waa DOOR codkaaguye,

Hadba kaad dan moodaan,

Ugu rida digtoonaan,

 

Nabaduna danqaariyo,

Haadaan dahsooniyo,

Yeey ka dhicin daluun dheer,

Cadawgaagu duudiyo,

Dooga soo baxaayiyo,

Daaqa wuu ka badanyee,

Dareen mida ka yeeshoo,

Ha dayicin hankaagiyo,

Waxaad daw u leedahay,

 

Qaar aad doorkan manta ah,

Raboow noogu deeqdoo,

Xildhibaano daacada,

Karti iyo iyo dulqaadloo,

Dagan oo aqoon badan,

Degmadana u wada siman,

Qaar aan daana-daaniyo,

Deexashiyo xumaan falin,

Deexashiyo xumaan falin,

Qaar na daa,daheyoo,

Marna aan ka daalayn,

Danta qaranku leeyahay,

Danahooda gaariyo,

Qaar dhuuni doon noqon,

Qaar aad nagu daryeeshoo,

Diintaada sharafta leh,

Raboow adigu noo door,

Xaqa hoos u daalca,

 

 

Daganaanta hadalkiyo,

Xurmadiyo dulqaadkana,

Dadku ay majeertaan,

Geesi aan dunuunicin,

Fulay aan dibnaha xidhan,

Deeqsi aan na baylihin,

Deeqdana muhaniyoo,

 

Marka ay dagaaltahay,

Diritiyo colaadaha,

dabka qaadan karayoo,

Dagta qoriga sudhi kara,

Nabadana u door roon,

Dariskana waxyeeliyo,

Baala xoofto danbliyo,

Daandaansi ula tagin,

Sida damal hadhwaynoo,

Soo daadshay laamaha,

Noo dalaalimeeyoo,

Dadka haamo hoosiyo,

Daandaan u kala gurin,

Noo door Raxmaanoow,

 

Qaar aanu dareensanahay,

Qaar daacada ood taqaan,

Qaar aan dunida nagu dirin,

Distoorka kuwaan dayicin,

Qaar aan kala dilin bulshada,

Qaar aan isku dirin qabiil,

Qaar aan bahal dadqaadiyo,

Raboow dawri nagu noqon,

Qaar aanu dareensanahay,

Qaar daacada ood taqaan,

 

Damdamtiyo mashxaradiyo,

Dananka iyo heesaha,

Midna kuuma diidine,

Aflagaadadiiniyo,

Ceebtaad daldalataan,

Umad kala dibootiyo,

Darxumaay u magan tahay,

 

Haku talin danbaabiyo,

Wax diinta lagu arag,

Hana falin dunuubiyo,

Wax dadkayga kala dila,

 

Aanu duunyo dhaqanee,

Qaar daryeela noo keen,

Dunida aanu gaadhnoo,

Dalagyo aanu falanee,

Dardar-galiye noo keen,

Danbar aanu maalo,

Dalawida irmaanka leh,

Doobiga u qaadnee,

Qaar daneeya noo keen,

 

Raboow dumadaada iyo,

Dushaadaa nu saaranahay,

Raboow naga dhaaf danbiga,

Rabigayoow hana dulayn,

Inta duuga noqotee,

Xabaalaha docdeediyo,

Ku daguugan dhoobada,

Allow danbigooda dhaaf.

Abwaan Cabdirisaaq Maxamad Cabdilaahi (Oday)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories