HomeDardaarankii Dr. Mohamed Aadan Shiekh &Furaha Wadahadallada, Somaliland-Somalia - W/Q: Adan Muse...

Dardaarankii Dr. Mohamed Aadan Shiekh &Furaha Wadahadallada, Somaliland-Somalia – W/Q: Adan Muse Jibril

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankFuraha dhabbaha wada-hadalada labada dhinac, Somalia iyo Somaliland waxay ka bilaabmi karaan in la qiro baahida ah abuurista xaalad debecsan oo hordhac u noqota turxaan bixin iyo kalsooni abuur. Si loo dhayo dhaawacyda iyo tabashada dadka reer Somaliland (Healing processes and measures). Arrinkani waa mid qiima weyn ku leh cilmiga diblomasiyada iyo dhaqanka wada hadalada iyo xallinta khilaafaadka.

Dr. Mohamed Aadan Shiekh, Alle ha u naxariistee, markii uu ogaaday in geeridiisii soo dhawaatay ayaa wuxuu kula dardaarmay xaaskiisii inay Hargeisa ka dhisto Cusbitaal.Taasi waxay wax weyn ka beddeshey aragtidii dadka reer Hargeisa ka qabeen dadka reer Soomaalia waxaanay u beddeshay dhinaca wanaagsan. Waxaa kale oo halkan xusid mudan hadalo ka soo yeedhay Dr. Abdilaahi Osoble Siyaad, markii uu ku dooday in dadka reer Somaliland ay hore-ba u diideen aftidiida Dastoorkii 1963kii loo codaynayey oo ay ahayd in lagu xalaaleeyo midnimadii labada dhinac. waxaa kale oo arrinkan meel muuqata oo wax-ku-oola ka iska taagey Ambassador Abdillaahi Addow, markii  uu  lahaa, waa in Somaliland loo wada hadlaa si siman oo walaaltinimo ah. Waxaa kale oo xusid dheeraada mudan ninkii pilot-ka ahaa ee markii lagu amrray in uu ka qayb-qato duqaynta Hargeisa, isaga oo ka duulaya Madaarkeeda, iska bedelay ee diyaaradiisii la galay dalka Djibouti. Waxaa intaba ka horeeyey oo sidoo kale mawqif cad iska taagey, Alle ha u naxariitee, ninkii la odhan jirey Abdilaahi Majoor, markii uu BBC ka yidhi Somaliland xaqbay u leedahay aqoonsi, maxaa yeelay markii la midoobayba waxay ahayd dawlad madaxnannaan oo adduunku aqoonsaday. mawqifyada sidan oo kale ahi waxay ka soo horjeedaan oo si toosa u burinayaa weedhaha faraha baddan ee xanuunka badan oo aan loo miidaan deyin, sida ‘Midnimadu waa Muqadas”, ma go’i karaan” xasuuq ma dhicin’ IWM.

Cusbitaalka haatan dhismihiisu dhamaadka ku dhow yahay ee Dr. Mohamed Aadan Shiekh waxa uu tilmaan u yahay dhinaca wax-ku-oolka ah oo sahanka u ah mustaqbalka wadahadaladan maanta furmay. Waxa uu sidoo kale horseed u yahay yuhuunta walaalnimada labada shacab. waxaa kale oo uu muraayad u yahay fekerkii hormoodka ahaa ee Dr. Mohamed Aadan  Shiekh rumaysnaan jirey. Waxaan xasuustaa arrin la iiga sheegay mar ay isaga iyo Mohamed Siyaad Barre wada hadlayeen, waxaana iiga soo Weriyey, Alle ha u naxariistee Warsame Ali faarax (Warsame Juguf) waxaanu ii sheegay in Dr. Mohamed Aadan ku yidhi Siyaad Barre.. “Waar bi’waaye dalka ha burburin,burbur buu ku socdaayee, reerkana magaciisa ha ceebayn”

Haddaba, dalkii waa kaas burburay, waxaanan qabaa in reerkii Siyaad Barre ka dhashay aanu ceebaysnayne, waxaa ceeboobe uu yahay nidaamka ama xukunka keligi talis ah.

Maanta oo labaatan sano ka badan la sii kala maqnaa sababo badan oo la og-yahay dartood, waxaa maanta taagan baahi wayn oo ah in la ogaado xaqiiqada ah in wada hadaladu u baahan yihiin ragg ama dumar la feker ah Dr. mohamed Aadan shiekh, iyo ragga kale ee aan hore magacooda u xusay. Dhinaca Somalilandna waxaa loo baahan yahay in la ogaado in dadka reer Somalia aanay, dad ahaan isku wada raacsanayn waxa loo yaqaan ‘Midnimada Muqaddaska ah’  diktatooriga ah, ee ku dhisan argtida kiliya oo aan lahayn dulqaadka xambaarsana dareenka ka soo horjeeda kala-duwanaanshaha iyo is-ahaanshaha, dersnimo wanaaga, iyo wax-wada qabsiga, uu horseeday Dr. Mohamed Aadan Shiekh iyo ragga kale ee magacyadooda aan hore u xusay.

Haddaba waxaan leeyahay,wadahadaldu ha ku socdaan mabda’a dulqaadka iyo riiq-dheerida. Waana in lagu talo galo in wadahadaladu ay waqti dheer socon doonaan, maxaa yeelay waxaan qabaa in            dawlad-dhiska Soomaalia aan weli waxba ka dhaweyn. oo gacmaha  ajanebi ee ku jiraa kala  wataan danno kala duwan oo u kala gaara, marka hore, marka labaad-na waxa keliya ee ay isla oggol-yihiin yahay in ay iska fogeeyaan dhibaatada Somalida. Taasina waa mid aan lagula yaabi karin, inta siyaasiyiina Soomaalidu ay wadaan “I jiid aan ku jiidee!.

Wabillahi tawfiiq.

Adam Muse Jibril

Email: adamjibril@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories