HomeDaraasad Iftiimisay Astaamaha uu Caanka ku Yahay Qofka aan Ballamaha ku wanaagsanayni

Daraasad Iftiimisay Astaamaha uu Caanka ku Yahay Qofka aan Ballamaha ku wanaagsanayni

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Aqoonyahanno ka tirsan jaamacadda Zurich ee waddanka Jarmalka ayaa daah-furay nidaam qaab-dhismeedka jidhka ka tirsan oo shaqada maskaxda ah kaas oo shaqo ku leh ballamaha la jabiyo, iyaga oo sheegay in astaamo ka muuqda shaqada maskaxdu ay xataa awoodaan saadaalinta haddii uu shakhsi ballan ka baxayo. Daraasaddan oo ay qabteen Dr. Baumgartner iyo Professor Ernst Fehr oo labadooduba ka tirsan jaamacadda Zurich iyo Professor Urs Fischbacher oo ka tirsan jaamacadda Konstanz, waxa natiijadeeda lagu daabacay jariirad caafimaadka ka hadasha oo la yidhaahdo Neuron.

qaSida la ogyahay, ballantu waa mid ka mid ah dabeecadaha ugu da’da weyn ee bani’aadamku gaar u leeyahay, isla markaana ay diinteennu Islaamku xoojisay adkaynteeda iyo ilaalinteeda. Sidaa awgeed, marka laga yimaaddo sida diinta Islaamku u weynaysay ilaalinta ballamaha, haddana waxay kaalin muhiim ah kaga jirtaa hab-dhaqannada aasaasiga ah ee ay tixgeliyaan bulshooyinka kale ee caalamka. Khubaradani iyaga oo ka shidaal qaadanaya sida ay u saamayso xaaladaha maalinlaha ah ee isweydaarsiga dhaqaalaha bulshooyinka, waxa ay ku sifeeyeen in sida bulshooyinka dhexdeeda uga jiraan tabo badan oo khiyaamooyin sababa, ay ballamuhuna sidoo kale hab-sami u isticmaalkeeda la garab maro marka la eego marxaladaha xidhiidhada bulshooyinka wada nool hadday noqon lahayd ganacsatada, siyaasiinta iyo shakhsiyaadka wadashaqayntu ka dhaxayso dadka kale. Haddaba, marka laga yimaaddo sida ballamaha looga tixgeliyo bulsho kasta, waxa iska yar ogaanshaha iyo aqoonta laga haysto shaqadan ay maskaxdu samayso ee la xidhiidha jiritaanka dhacdadan. Khubarada oo ku xeeldheer cilmiga Niyuuroonnada waxa ay sameeyeen tijaabo ay bulshooyin kala duwan la kaashadeen iyaga oo isticmaalaya aalad muujinaysa shaqooyinka kala duwan ee maskaxda. Natiijooyinka ka soo baxay daraasadda waxa ay muujiyeen shaqo dheeraad ah oo ku timid qaybta maskaxda ee kaalinta muhiimka ah ka ciyaarta muujinta shucuurta iyo feejignaanta oo ay wehelisay jabinta ballantu. Astaamaha muujinaya shaqada qaybtan maskaxdu waxa ay sheegayaan in jabinta ballantu ay qofka ku sababto shucuurtiisa oo is-khilaafta sababteeduna tahay qarinta jawaab daacadnimo ku dheehan tahay.

Sidoo kale, daah-furka ugu muhiimsan ee daraasaddani waxa ay awood u siisay cilmi-baadhayaasha inay soo bandhigaan astaamo ka muuqda shaqada maskaxda kuwaas oo ogolaanaya in la saadaalin karo dabeecadaha uu qofku la soo bixi karo mustaqbalka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories