HomeDaraasad Cusub oo Sheegaysa In Gabawga Qofka Dhiigiisa Laga Ogaan Doono

Daraasad Cusub oo Sheegaysa In Gabawga Qofka Dhiigiisa Laga Ogaan Doono

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

UK(SLpost)-Saynisyahanno ku sugan magaalada London, ayaa soo saaray tijaabo cusub oo dhiigga la baadhayo, taasoo go’aan ka gaadhi karta in qofku da’diisu degdegayso iyo in kale in la ogaado.

Waxaa tijaabadu darsaysaa dhaqanka in ka badan boqol isir side oo ku jira dhiigga, maskaxda iyo murqaha. Waxay sheegeen in tijaabadan ay gacan ka geysan doonto in la saadaaliyo marka uu qof dhimanayo ama in la ogaado in qofku uu khatar weyn ugu jiro cudurka asaasaqa.

Waxay tijaabadani saameyn weyn ku yeelanaysaa daaweynta qofka, howlgabnimada qofka iyo adeegyada caymiska. Dhaqaatiir ka tirsan kulliyada caafimaadka King College ee London, ayaa sheegtay in la eego qofka da’diisa bayoliji ahaan in ay ka waxtar weyn tahay in la isticmaalo qofka xilliga uu dhashay.

Si kastaba ha ahaatee, howshan oo lagu daabacay wargeyska Genome Biology, ma jirto faafaahin dheeraad ah oo laga bixiyay sida hoos loogu dhigi karo in qofku gaboobo.

Baadhitaankan, ayaa lagu baadigoobayaan unugyada jirka qofka ugu qeybsan gabowga, iyadoo la barbardhigayo 150 isir side oo kale. Baadhitaankan, ayaa markiisii hore ku bilowday in la isbarbar dhigo 54 kun isir oo caafimaad qaba sida ay u shaqeeyaan marka uu inta badan qofku iska fadhiyo da’diisana u dhaxeyso 25 iyo 65, ka dibna waxay baadhitaanka hoos ugu soo dhigeen ilaa iyo 150 isir.

150907105327_age2 150907105350_age3

Prof Jamie Timmons, oo ka tirsan kuliyadaasi, ayaa u sheegay BBC in ay jiraan isirro caafimaad qaba oo gabowga qaabilsan oo ku wada jira unugyada bini’aadanka.

Waxayna u muuqataa in la baadhi karo waxyaabo badan, oo ay ka mid yihiin cimriga qofka iyo hoos u dhaca garaadka.

Waxaa muuqata marka la dhaafo da’da 40ka in baadhitaankan loo istimaali karo in lagu helo macluumaad la xidhiidha sida uu shaqsigu u gaboobayo ama degdeg gabowgiisu ha noqdo ama gaabis.

Kooxdan, ayaa sheegtay in caafimaadka iyo gabowgu ay yihiin laba shay oo kala duwan. Iyadoo sida uu qofku u nool yahay iyo go’aamadiisa ay noqon karaan kuwo xun ama kuwo wanaagsan.

Tuusaale ahaan haddii uu qofku iska fadhiyo maalintii oo dhan caafimaadka uma fiicna umana muuqato in ay saameyneyso sida deg deg ah ee qofka jirkiisu ku gaboobayo. Kooxdan, ayaa aaminsan marka la isku biiriyo sida aad u nooshay iyo da’da isirrada unugyada jidhkaaga in ay bixin karto sawir dhab ah oo la xidhiidha caafimaadka qof.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories