HomeDANTA GUUD

DANTA GUUD

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Dan Guud markaad maqashid waxa dubaaqaaga ku soo dhacaya wax la wada leeyahey oo cid badan ka dhaxeysa, waana run oo waa wax lagu wada dheefo, cid gaar ahna aan ku magacaabneyn, haddii la ilaashadana faa,iidadeedu badaneyso, isla mar ahaantaasna ajar iyo xasanaad laga helayo. Danta guud waa hal irmaan oo haddaad ilaashato aad ka dhameysid hadh iyo habeen, gu iyo jiilaal, aakhiro iyo iftiin.

Danta guud dhinaca kale waa dhaxal waara ood uga tagtey ubadkaaga iyo ubadkaaga kuway sii dhali doonaan.

Wadaduwaa dan guud, idilkeena waynu ku dheefnaa, waxa loogu kala gooshaa magaalada dhexdeeda amaba magaalo ilaa magaalo, yar iyo weyn waa la manaafacaadsadaa, haddii ay go,do amaba ay
waxyeelo soo gaadho waxey saameysaa idil ahaanba bulshada.

Sidaasoo jirta hadana inta xil iska saartaa way yartahey amaba maba jirtaba, qashinka si edeb daran ugu tuur, biyaha si bilaa lexe jeclo ah ugu saydhi, qashinka yaala mid aad ku darto mooyee mid aad ka qaado yaanu yeelan , waa hab dhaqanka dadkeena iyo wadooyinku sida ay u dayacan yihiin, mararka qaar markuu roobku da,o dadka qaar ayaa qashinka sii raaciya oo aan dan iyo heelo ka galin.

halka guryaha aynu gaarka u leenahay ee ay ku dhaqan yihiin qoys kaliya si la ogyahey loo ilaaliyo oo loo lexejecleeyo, waa maxey sababta ay ku dhacdey in wixii dadka ka wada dhexeeyayna la dayaco wax yar oo qofkaliya leeyahey lagu indho madoobaado sida loo ilaalinayo ee loo dayac tirayo? Malaheyga taaseynu moodeynaa hillinkii saxda ahaa, bal adba.

Hantida Dawladduwaa dan guud oo loogu adeego shacabka, ha noqdaan kuwo xafiis amba qalab caafimaad, waxbarasho, farsamo, gaadiid iyo wixii la hal maala, maalinba qof ayaa ku hawlan inuu ku shaqeeyo oo uu bulshada uga haqabtiro baahiyahooda, bari ka maalina ku kaluunbuu ku wareejiyaa.Masiibaduse waxey tahey, in aaney in badan oo kamida dadka masuulka looga dhigey hantidaasi aaney dan iyo muraad ka galin oo ay sida ay doonaan ugu takrifalaan, wixii oo aan lagu sii manaafacaadi Karin ay kaga tagaan meeshaa amaba inta hadhaaga ahna ay meelo kale gaystaan, meeshii uu ka baxey waxey u baahantahey in lasoo buuxiyo, waana lagu khasban yahey oo hawshii halkeedii iney kasii socoto waa muhiim, isla markaana waxaa laga bixinayaa uun qasnadii bulshada oo aheyd in baahiyaha kale ee ay bulshadu qabto in lagu daboolo.

Kheyraadka dabiicigaah sida kuwaa hore iyaguna waxey soo hoos galayaan danta guud, waxa ka mida badii, wabiyadii, harooyinkii,dhirtii, daaqii, macdantii iyo dhulka laftiisii. Waa wax aynaan ku bixin xoog iyo xeelad toona, qunyar uun baad meesha ugu timi amaba iyagoo jira ayuunbaad garaadeysatey, dhirtii iyo daaqii illahey ugu talo galey dad iyo duunyaba cida ka agdhaw iney ka manaafacaadsadaan ayuun buu nin kaliya ood gaw ku siinayaa, qorina wuu la ag istaagayaa, car! Waa shimbirta soo ag marta, markaasa xoolihii iyo mayeedhaankii gaajo kolba meel la ootey sidii tuugada u dhacayaan oo la soo dhaawacayaa.

Waxa uguba daran dhirtii oo si arxan darro ah loo gumaadayo oo dhuxul, xaabo iyo wax lamida laga shidayo, Haddii Illahey (SWT) nimcada uu ina siiyey loogu mahad naqi waayo oo la ilaashan waayo saw laynaga goyn maayaba.

Diinta islaamku marar baden waxey dhiiri galisaa in la ilaaliyo danta guud ee ka dhaxeysa bulshada, dhirtu waxey ka mid tahey waxyaalaha ugu qiimaha baden, aduu waad beertay yaase og imisa qof ayaa hadhsan doona, ka goosan doona midho, xadiis baa lahaa “Haddii suurta la afuufayona sii beer geed”, mida kale waa sadaqo kuu socota iyo biil aduunkii kaaga soo dhacaya marka aad iilka jiiftid.

Xaaji Aden Afqalooc (AHUN) gabey uu tiriyey bay ka mid ahaayeen tuducyadani.

Idinkaa amaanada xilka leh eega qaabilaye

Iskaa wax u qabso, Nolosha waa udub dhaxaadkiiye

Israafka iyo fadhiygu waa waxeydu eedeen

 

Ana waxaan idhi anoo danta guud ilaalinteeda dadka ku dhiiri galinaya, lasocoo gabayaa ma ihi mana geeraaro, laaxina  wuu yeelan karaa hala yaabin.

Damal iyo Qabaw lagu dago weeye

Dambar iyo hir Doogle Weeye

Danta Guud Dadyow Haloo Daadaalo

Daarta aakhiriyo iftiinkaba waa Danteenee

Dalka lafdhabartiisiyo dadkana waa u duunyo,e

 

W/Q Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)

hibafaakhir@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories