HomeDanjire Saamiya X. Muuse oo sharraxday Muhiimadda Somaliland u leedahay Guusha Xisbiga...

Danjire Saamiya X. Muuse oo sharraxday Muhiimadda Somaliland u leedahay Guusha Xisbiga SDP ee Doorashada Finland iyo Dedaalladii ay sameeyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Helsinki (SLpost)- Doorashada Guud ee Barlamaanka ayaa Axaddii todobaadkan ka qabsoontay Dalka Finland, waxaana doorashadaas ku soo baxay Xisbiga talada dalkaas haya ee SDP oo Kursi hal-dheeri ah kaga guulaystay Xisbiga cunsuriga ah ee dhinaca bidix oo lagu yaqaanno in afkaartiisu ka soo horjeeddo Dadka soo-galootiga ah, balse natiijo fiican ka gaadhay doorashada.

saamiya Muuse
Raysalwasaaraha Cusub ee Finland iyo Danjire Saamiya Muuse

 

Guddoomiyaha Xisbiga SDP, Antti Rinne, ayaa noqonaya Raysalwasaaraha Cusub ee dalkaas, isagoo lagu yaqaanno siyaasad furfuran oo xisbigiisu sumcad iyo taageero badan kaga helay shacabka dalkaas.

saamiyaaa

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Finland Marwo Saamiya X Muuse oo Xubin ka ah Xisbiga SDP oo u wakiishay inay ka mid noqoto muraaqibiintii Xisbiga uga qayb-galay doorashada maalintii Axaddii ku qabsoontay dalkaas, waxa ay ka hadashay muhiimadda siyaasadeed ee Somaliland ugu jirta guusha Xisbsigeedu ka gaadhay doorashada.

saamiyas

Danjire Saamiya Muuse waxa kale oo ay Xubin ka mid ahayd 500 ergay oo shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP oo cod aqlabiyad ah ugu doortay inuu siyaasaddiisa hoggaamiyo raysalwasaaraha cusub ee dalkaas Antti Rinne oo ay xidhiidh aad u dhow leeyihiin safiirka Somaliland ee dalkaas.

Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland
Saamiye Muuse oo ka mid ahayd Muraaqibiinta Xisbiga SDP ee Doorashada Finland

 

“Waxaanu ku guulaysannay doorashada Baarlamaanka Finland oo xisbigaygu ku soo baxay, waxaana noqday raysalwasaaraha cusub ee Finland guddoomiyaha xisbigayaga SDP mudane Antti Rinne. Runtiina Guul weyn bay u tahay Somaliland,” Sidaas waxa tidhi danjire Saamiya Muuse oo u warrantay warbaahinta Somalilandpost.net.

saamiyas

“Waxa sharaf weyn ii ahayd inaan ka mid ahaa 500 qof ee ahaa ergooyinka shirweynaha 45aad ee Xisbiga SDP uu ku doortay Guddoomiyaha xisbiga mudane Antti Rinne,” ayay tidhi.

 

Marwo Saamiya Muuse waxa ay faahfaahin ka bixiyey kulamo ay xaflad xisbigeedu ugu dabbaal-degayey guusha doorashada fursad ugu heshay inay la yeelato madaxda ugu sarreysa Xisbiga SDP, kuwaas oo ay xustay muhiimadda ay u leedahay danaha Qaran ee ay ugu xil-saaran tahay dibloomasiyadda siyaasadda dibadda Somaliland.

Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP
Kulanka Saamiyada Muuse iyo Madaxda Xisbiga SDP

“Waxa sharaf weyn ii ahayd xalay inaan kulan fiican wada-qaadannay mudane Tero Shemeikka oo ah xoghayaha Arrimaha Caalamiga ah ee Xisbiga SDP iyo Xogahaya Guud ee ururka Socialist International Organization oo ka soo qayb-galay Doorashada Baarlamaanka Finland oo dhacday 14-kii April,” Sidaas ayay tidhi Danjire Saamiya Muuse.

 

Waxa kale oo ay sheegtay in iyada oo hoggaaminaysa Qurbejoogta Somaliland ee dalkaas ay kulan la qaateen mid ka mid ah Xildhibaannada guulaystay ee Xisbiga SDP, waxaanay tidhi,  “Waxa xalay (habeen hore) sharaf weyn noo ahayd qurbejoogta Finland in Hussein Al-Taee oo ku guulaystay  xildhibaanimada baarlamaanka Finland oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Ciraaq, oo waliba ka tirsan xisbiga SDP ahna la taliyaha Ururka Xalinta Khilaafaadka ee CMI oo ah ururka madaxweynihii hore ee Finland, Martti Ahtissaa.”

saamiyaa

“Anigoo ku hadlaya magaca Somaliland runtii waxay noo tahay guul aad u weyn oo ku timi dedaal badan iyo Juhdi badan oo aanu samaynay,” Sidaas ayay tidhi Marwo Saamiya Xaaji Muuse oo xustay inay kaalin muhiim ah ka ciyaari doonto sidii ay xisbiga ay ka tirsan tahay ee doorashada ku guulaystay ugu dhaadhicin lahayd qadiyadda Somaliland ee dhinacyada ictiraaf raadinta, siyaasadda iyo taageero dhaqaale oo dalkaasi ka geysto horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Somaliland.    

saamiyaaa

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories