HomeDanjire Nicholas Kay oo jawaab ka bixiyey tabashooyin Baarlamaanka Soomaaliga ka sheegtay...

Danjire Nicholas Kay oo jawaab ka bixiyey tabashooyin Baarlamaanka Soomaaliga ka sheegtay Warbixin uu Soomaaliya ka gudbiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nicholas KayCopenhagen (SLpost)- Shirkii heerka sare ee iskaashiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo ay martigalisay Denmark, ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Copenhagen. Waxa uu ahaa kulan lagu eegayay muddo sannad ah wixii ka qabsoomay yaboohii Bulshada caalamka in ay maalgeliyaan qorshayaasha dawladda ee sugidda nabadgelyada iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa BBC-da u sheegay in ay tahay Hay’adaha dawladda Soomaaliya ee sida Barlamaanka, Madaxtooyada iyo Xafiiska Raysal-wasaaraha ay tahay in ay raadiyaan xalka ismari-waaga Siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha.

Nicholas Kay, ayaa sheegay in aanay jirin sabab uu raalli-gelin uga bixiyo eedeyn uu dhawaan u jeediyey Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ku sheegay inuu ka walaacsan yahay in Mudanayaasha qaarkood uu saameeyo khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu, isla markaana ay Codkooda ku beddeshaan Lacag.

Hadalkaas oo ay Xildhibaannada qaarkood aad uga xumaadeen, isla markaana Danjire Kay ka dalbadeen inuu raalligelin ka bixiyo eedayntaas oo ay ku tilmaameen mid aanay geyin oo gef ku ah  Baarlamaanka. Hase-yeeshee, wax jawaab ah uma celin Nicholas Kay Mudanayaashaas raalli-gelinta ka dalbaday.

Madaxa Xafiiska arrimaha Soomaaliya u qaabbilsan Qaramada Midoobay Nicholas Kay oo BBC-du weydiisay inuu isagoo ka jawaabaya Dalabka Mudanayaasha hadalkiisa hore dhibsaday inuu raalligelin ka bixinayo eedayntaas Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ka xumaadeen, waxa uu sheegay inaanay jirin sabab uu u bixiyo raalli-gelintaas.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories